Skip to content

April 11, 2019

WAX IS WAYDIINE MA XUMEE WAX ISWAYDAARIS BAA DARAN!

by M J Farah

Somalilanderku laba mid uun baa la gudboon balse mid  sadexaad cidna laga yeeli mayo.

Oo maxay kala yihiin labada arimood?

  1. Dal madax banaan oo dawlad leh
  2. Dal dawlad aaney ka jirin oo ay maamulaan reero (Madax dhaqameedyo)

Hadii aan arinta mahsan ka hadlo waxay u baahneysaa in sharaxaad ka bixino farqiga u dhaxeeya labdan arimood iyo waxay wadaagan ugu horeyntii waxaa si fiican u baahan in ay nu u fahano dawlad iyo madax dhaqameed maxay yihiin?

  1. Dawlad(government) waa nidaamka ama habka koox dad ahi u hagto(hogaamiso) bulshada(community) taas oo inta badan loo yaqano state, golaha ay lee yihiin ee maamulana  dawlada waxay sida caadiga ka kooban yihiin haydada sharci dejinta ( legislature), Fulinta (executive iyo Garsoorka ( and judiciary).
  2. Madax dhaqameed (Traditional leaders), waa hogaamiyaal bulsho qaybeedyo oo dhinaca dhaqanka iyo caadooyinka bulshooyinkasi ay hogaaminayaan door ku leh inta badan malaha haydo kala duwan xeer qoran xafiisyo badan oo lagu fuliyo shaqada meelo lagu keydiyo xogta reerka iwm.

Hadaba hadii aynu u soo noqono Somaliland iyo labadan qaybood ee ka jira waxaa loo baahan yahay in la kala garto doorkooda, iyo shaqooyinka ay kala lee yihiin hadii si fiican loo kala fahmi waayo waxaa jahawareer ku dhacayaa maamulka iyo nidaamka dalka,taasina waxay horseedi doontaa mashaqo aan laga soo waaqsan Karin oo ku timaata dawladnimada iyo qaranimada Somaliland.

waxay jira xeer cilmiga fisigiska ah oo qaba in laba shey  aaney hal mar meel isku mida wada gelikarin( two matters can’t occupy the same space).

Taas waxaa aan ula jeedaa in aaney suurto gal ahayn in Dawlada iyo Madaxdhaqameelku wada buuxiyaan shaqada laga rabo dawlada oo balaadhan hayado kala duwana leh,sideedaba laba dawladood hal dal ma wada maamulaan waxaa taas ula jeedaa waxaad runtii aad moodaa Somaliland iney ka jiraan awood maroori aan sharci ahayn oo aad moodo in ay sii daciifeyso maamul wanaagii iyo shaqadii la kala lahaa ee loo xilsaarnaa waxaad moodaa in aqoonta iyo karida shaqaalaha dawladu aaney kobcin ilaa intii ay Somaliland jirtey.

Madax dhaqameed ku waxay hayadaha dawlada ku haystaan shaqadoodii, hayadaha dawloduna waxaaney garaneynin doorkoodii shaqo iyo waxay u xilsaaran yihiin.

Dawlada waxaa la gudboon in ay xakameyso sharcina laga soo saaro warsaxaafadeedyada aflagaada,iyo anshax xumida leh ee aan waafaqsaneyn nidaamka iyo shuruucda dalka nabadana qaribaya.Waa in shaqaalaha dawlada kor loo qaadaa aqoontooda sidoo kale madax dhaqameedada waa in shuruuc lagu maamulo loo sameeyaa oo qeexaya kaalintooda,waxay u xilsaaran yihiin waana loo qabtaa aqoon isweydaasi iyo waxbarasho koobkooban oo la xidhiidha dhaqanka wanaagsan iyo doorkooda bulsho, ma dhaqameedyadu intooda badan ma laha xafiisyo meel ay xitaa ku keydiyaan xogta,tirada beesha,go’aanada iyo heshiisyada ay galaan,iwm waa in la habeeyaa sharciyada wax laga baraa noqdaan dad aqoon u leh cilmiga bulshada diinta iwm.Madaxweynaha waa in lagula xisaabtamaa shaqadiisa oo keliya balse madaxweynuhu ma aha mid shaqo kasta u xilsaaran tusaale ma aha Caaqil reer,Ma aha Garsoore maxkamadeed,ma aha police officer,ma aha Duqa magaalo,ma aha gudoomiyaha shaqo bixinta,ma aha wasiirka arimaha gudaha iwm laakiin shaqadiisa uu qaranka u hayo ayuu fulinayaa.Sidaa darteed hadii ninkii ganacsigiisa arimaho la xidhiidha dad isku qabtaan waxay u taalaa haydaha shaqada ku leh waana gardaro in meel kale loola kaco. Waxaad arkeysaa haweenay meel ay ka shaqeyn jirtey oo xafiisyo ay xaaqi jirtey shaqadii laga ereyey oo saxaafada soo fadhisaneysa oo madaxweynaha kala hadleysaa arintaasi shaqadiisa ma aha hayado u xilsaaran baa jira oo miisaneyd lagu siiyo shaqadaasi kuwaasi markey waxba qaban waayaan qofku meel kale ha u cawdo,balse in arimo aan mudneyn wakhtiga shaqada mudan lagu hakiyo ma aha waxaynu u baahan nahay in aynu laba mid uun noqono,Dawlad nidaamka dalka looga dambeeyo oo lagula xisaabtamo iyo dad aan dawladnimo rabin oo madax dhaqameedku u taliyaan gartana sidii ay ahaan jirtey geedka hoostiisa lagu qaado oo beeluhu wada xaalan labaadsi wixii ka dhexeeyaa idinka ayaa sheegin!

Mahadsanidin

Read more from Articles

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: