Skip to content

April 20, 2019

MAXAA U SABABA IN DHULKA MAGAALOOYINKA WAAWEYN EE SOMALILAND LAYSKU QABSADO?

by M J Farah

Waa Su’aal u baahan in si weyn loo derso si jawaab saxa loogu helo weeyaan arinta ku saabsan dhulka oo dhibaato ka taagan tahay.

Taariikh ahaan Somaliland dhulka dhibaatadiisu waxay ka soo bilaaban tahay sanadadii 1979 kii dhamaadkiisii ilaa hadada aynu joogno, waxaana dhul murankiisu ka bilowdey magaalada Hargeysa oo ahayd wakhtigaa Caasimadii labaad ee Dalkii laysku odhan jirey Jamhuuriyada Dumuqraadiga Somaliya,oo wakhtigaa uu madaxweyne ka ahaa Kelidii taliyihii Maxamed Siyaad.

Waxaa Sabab u ahaa dhowr arimood in dhulka magaalada hargeysa uu noqdo mid laysku qabqabsado waxaana ka xusi karaa:

  1. Magaalada hargeysa oo si xawli ah u balaadhaneysey, oo dad badani ku soo guureyn,sida
  2. Qoxootiyo tiro badan oo kaga yimi dhinaca itoobiya kuwaas oo ay sababeyn dagaaladii 1977 Somaliya iyo Ethoipa dhexmarey
  3. Dad xoogsato ah oo u soo xoogsi tegey kuwaas oo kaga yimi goboladii kale ee Somaliya
  4. Shaqaale iyo Ciidamo tiro badan oo loo soo bedelay Goboladii waqooyi
  5. Dadkii reer guuraaga ahaa ee Magaalada u dhowaa oo u soo hayaamay Magaalada.
  6. Dad badan oo ka soo xoogsadey dalalka khaliijka oo u baahday guryo ay ka dhistaan magaalada hargeysa.
  7. Dawladii hoose iyo Golihii degaanka ee maamulayey oo aan qorshe iyo nidaam lagu maamulo Caasimada Labaad ee Dalka aan u dejin,iyaga oo aaney jirin daraasad iyo qiimeyn ay ku sameeyeen wax ka qabashada balaadhashada Magaalada.
  8. Iyada oo Dhulkii banaanaa loo qoirsheyey oo loo qaybiyey dad aan xaq u lahayn oo ka tirsanaa Saraakiishii saree e Ciidamada Qaybtii 26 aad iyo Shaqaalihii kale ee Konfurta laga soo bedelay,si loogu guneeyo oo ay dadka dib uga iibiyaan dhaqaalena ay ka helaan.
  9. Dadka Maamulaya dhulka oo aan Aqoon iyo Waayo aragnimo u lahaynd sida loo qorsheeyo magaalooyinka  iyo iyaga oo bilaabay iney ka ganacsadaan dhulka.

Arimahaasi iyo kuwo kale oo jirey ayaa sababey in dhibaatada dhulku ay gaadho heer ay dadkii ku colobaan,oo dad badani madaxa isla galaan iskuna qabsadaan dhulkii banaanaa, waxaa magaalada hargeysa dawladii Siyaad Bare ka dhistey Gudi ka garnaqda dhulka laysku haysto ee degaanka ah gudigaas  oo Loogu magacaabi jirey Gudiga Garsoorka Dhulka, arintaasi wax dawa ah ma keenin ee waxay sii xoojisey musuqii iyo laalushkii lagu kala qaadanayey arimaha dhulka.Sida ay arinta dhulku sidaa u ahayd ayaa waxaa yimi Bishii May ee 1988 in Dawladii Siyaad Bare iyo Dagaal yahanadii SNM dagaal faraha laga gubtey ku dhexmaray Goboladii Waqooyi halkaasna dadkii rayidka ahaa wixii ka badbaadey xasuuqii Siyaad bare ka qaxaan magooyinkii iyo tuulooyinkii waaweynaa.

Arintaa waalaga dheregsan yahay sidey u dhacdey waxaynay ahayd arin taariikheed oo in Dadka reer Hargeysa ee dhulka isku haystey ku cimro qaataan ay mudney markii laga qaxay jagooyinkii laysku haystey iyo xitaa guryihii dhisnaa ee wax waliba hoos yaaleen.

Hadaba 1991 bilowgiisii bishii January markii magaalada Muqdisho laga xoreyey keligii taliyihii Maxamed Siyaad iyo Dawladiisii waxaa dib loogu soo noqday magalooyinkii Waaweynaa ee Somaliland, Hada waxaa aad moodaa in hadana dhulka oo laysku haystaa ay noqotey dhaqan ka mida dhaqanada xun xun ee bulshadeenu caadeysatey arintaana waxaa u sabab ah:

  1. Dhulkii oo ganacsi galey oo ka mid noqdey waxyaabaha sida fudud lacagta looga sameeyo
  2. Dawladii hoose iyo golihii deegaanka oo aan wax qorshe ah u sameynin dadka doonaya in ay magaalooyinka guryo ka dhistaan,sida magaalooyinka waaweyn ee hargeysi ka mid tahay
  3. Maamulka iyo shaqaalaha dawladaha hoose gaar ahaan kuwo caasimada oo aan aqoon iyo waayo aragnimo midna u lahayn qaabka loo qorsheeyo caasimadaha koraya
  4. Sharciyada dhulka oo aan ahayn mid dhameys tiran iyada oo nashaqadaha iyo farasamada ay isticmaalaan dawlada hoose ee hargeysi ay tahay farsamadii hore ay ka dhexleyn dawladihii hore ee somaliya iyada oo hada aqoonta carsiga ahi fududeysey sida loo qorsheeyo dhulka ayaa habkii gaboobey weli lagu hagaa dawlaha hoose ee Somaliland.
  5. Garsoorka dhulka oo aan kala saarin dadka iskula yimaada.

Arimahaasi waa kuwo keenay in maanta xitaa laysku haysto dhulka la lee yahay waxaa laga dhisayaa Madaxtooyada Somaliland.

Marka aad aragto dhibaatooyinka noocaas ah ayaad isweydiinaysaa su’aalo badan oo u baahan in laga jawaabo, dhibaatada dhulka laysku haysto ee ay ka mid tahay meesha madaxtooyada laga dhisayo. bale waxaa loo baahan yahay in dhinacyada isku haya ee dawladu ka mid tahay in ay dadka u cadeeyaan sababta dhulkaas oo muran ka taagnaa mudo dheer loogu qorsheyey in madaxtooyada qaranka laga dhiso. Anigu waxaa aan qabaa in xal horta laga gaadho  oo si fiican loo xalilo,waala og yahay sharciyan dhulka dalka oo dhan in ay dawladu masuul ka tahay, balse waxaa khalad ah in aad dadka dhulkaa degenaa aan lagala tashan sida muuqata,dawladana waxaa la gudboon in ay jawaab ka bixiso oo ay cadeyso sifaha dhulkaasi ninka odeyga ah ee reerkiisu degen yihiin looga qaadey,madaama uu sheegay in dhulkaasi dad kale isku haysteen wakhtiyo badana loo xukumey oo uu hawlo badan iyo wakhti lacag iwm ka galeen intaas  oo dacwadood ee heer walba leh. Anagu ma ogin waxaa uu sheeganayaa iney run tahay iyo in kale dawladii ka hadlilahayna way ka aamustey markaa maxaa qaldan.

Mahadsanidin Dhamaantiin

Read more from Arimaha Bulshada

Comments are closed.

%d bloggers like this: