Skip to content

May 18, 2019

18 KA MAY IYO 26 JUNE LABA JARANJARO OO TAARIIKHI AH!

by M J Farah

Murti Somaliyeed baa waxay tidhaahdaa doqon loo sheegi maayo fariidna waa og yahay taas waxaa ka dhigan 18 May qof waxgarad ahi waa garanayaa doqona yeelkii oo waa kii nacasku yidhi maxaa la iga soo heley beriba waan lumiye.

Faa’iidada reer Somaliland ka heleen 18 May lama soo koobi karo balse waxaa ka mida:

  1. Waxaa is cafiyey beelihii Somaliland ee uu kala qaybiyey keli taliyihii Maxamed Siyaad
  2. Waxaa dib ula soo noqdeen  dadka reer Somaliland xoriyadii ay hadyada ugu geeyeen walaalahood somalidii konfureed
  3. Waxaa ay 18 May dhashay dimoqraadiyada  Somaliland ka jirta ee lagu majeerto
  4. Waxaa ka dhashay 3 saddexda xisbi ee qaran
  5. Waxaa ka dhashay horumarka balaadhan ee nabadgelyadu kow ka tahay.
  6. Waxaa ka dhashay ciidamada qaranka ee kala duwan,golayaasha wakiilada ee labada aqal golayaasha deegaanada ee doorashada ku yimi
  7. Jaamicadaha,dugsiyada kala duwan
  8. Ganacsiga xorta ah
  9. Xoriyada qowlka,garsoorka iyo guud ahaan dawladnimada
  10. Waxaa ka dhashey wadajirka bulshada Somaliland iyo isjecelka dhexdooda ah.

Dadka maanta oo 28 guuradii 18 May loo dabaal degayo ka soo horjeedaa waa dad dan gaara leh,waa dad ka xun horumarka dadka Somaliland,waa dad leh maxaa laysku saamaxay, oo dad leh miyaa laka aar goosto oo raba in dhiig soceeyo,nacayb, iyo burbur la raba dadka Somaliland ee walaalaha ah.

Dad aragtidii Siyaad bare ku hubeysan oo ay la tahay in ay kala qaybin karaan dadka reer Somaliland oo ay midba dheg wax ugu sheegaan taas waxaa markhaati u ah aragtida odhaneysa 18 May beel gaara baa leh,balse waxaa aan ogahay in aaney dadka reer Somaliland ahayn kuwii hore loo hodey ee layskaga horkeenay waa kuwo ka gudbay khiyaamooyinka salka ku haya reer reer nimada iyo reer baa reer xukuma waa kuwo og in ay Somaliland mid tahay oo ay 26 June 1960 Gumeysigii boqoryada Engiriiska ka qaadatey xoriyadeedii 1 July  1960 na la midowdey Somalidii konfureed, 18 May 1991 dib ula soo noqotey xoriyadii ay lumiyeen 1 July 1960 markii ay la midoobeen Konfurta Somaliya.

Hadal iyo dhamaan 18 May 1991 iyo 26 June 1960 waa laba jaranjaro oo taariikhi ah waana mataano wakhti madobi u dhaxeeyey kaas oo ah 1 July 1960 oo ay la midowdey konfurta ilaa Jan 27, 1991 oo ahayd markii uu muqdisho ka cararey Siyaad Bare.

Hambayo 18 May maalin taariikhda Somaliland qaali ku ah waa maalin ay murugoodaan xaasadka Somaliland waana Maalin ay Farxaan dadka wanaaga Somaliland Jecel.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: