Skip to content

June 12, 2019

28 SANO OO HORUMAR AH SOMALILAND IYO 28 SANO OO DIB U DHACA SOMALIYA Q.1aad

by M J Farah

Maqaalkaygan waxaa aan isku barbar kooban ku sameenayaa waxa yaabaha ay ku kala tageen Somaliland iyo Somaliya 28 sanadood ee ugu dambeeyey iyo sabaha keenay iney kala durkaan oo ay ka kala horumaraan dhinacyada Siyaasad,Dhaqaalaha,Waxbarasha iyo Caafimaadka.Aniga oo midmid uga hadlidoona waana dood furan oo si cilmiyeysan aynu iskula eegi doono waxyaabahaasi.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa Aqoon La’aani Waa Iftiin La’aan!

Sanadkii 1991 bishii May 17 go’aanadii wada jirka ahaa ee ay wadagaadheen Madax dhaqameedada , Waxgaradka, ganacsatada ,siyaasintaSomaliland iyo Ururkii SNM ee Shirkii Burco ayaa lagu go’aamiyey qaraar dhigaya in Somaliland ka noqotey Midowgii labadii gobol ee Woqooyiga( Somaliland 26 Juun 1960) iyo Konfurta(Italiana Somali 1 July 1960) ee ay Ku midoobeen 1 July 1960 hal dal oo la yidhaahdo Jamhuuriyada Somaliya.

Wixii laga bilaabo 18 May 1991 Somaliland Waxay hirgalisey oo ay goosatey go’aankaas taariikhiga ah oo Shacabkii Somalilandna aad u taageereen muujiyeena sida ay uga raali yihiin dib ula soo noqoshada xoriyadoodii ay sida fudud ee bilaa shuruuda ah ugu wareejiyeen Somalidii Konfureed.

Go’aankaasi qodobada ku jirey waxaa ka mid ahaa in guud ahaanba dhibaatooyinkii uu abuuray Taliskii Maxamed Siyaad Bare ee uu reer reerka hubka iskugu dhiibey ee uu ku kala qaybiyey dadkii wada dhashay ee reer Somaliland aan wax aargoosi ah iyo wax dhibaato dambe ah oo bulshada dhexdeeda ah la geysan oo sidaa laysku saamaxo wadankana lawada dhisto oo Somaliland mid ah la abuuro dhinac kastana nabad iyo cadaalad lagu wada noolaado.

Go’aankaasi wuxuu ahaa mid sax ah oo wakhtigii ku haboonaa dhacay waana midka Somaliland ka badbaadiyey dhibaatada ka taagan ilaa hada mandaqada.

Shirkaa iyo qabanqaabadiisa ma jiro cid ka taageertay  sida dawlado shisheeye,hayado caalamiya iwm Waxgaradka iyo Siyaasiinta Somaliland ee wakhtigaasi  shirka qababqaabadiisa iyo habsami u socodkiisa  wadey  markaasi oo wax walba  oo tasiilad ahi aaney jirin dhaqaale,maamul,dawlad iwm balse waxgaradkii Wakhtigaasi guntiga u xidheen sidii ay u badbaadin la’aayeen umadooda Alle(swt) mahad dhamaanteed isaga ayaa iska leh waa uu u suurageliyey niyadaasi wanaagsan ee ay la yimaadeen iyo wanaagaasi.

Isweydiintu waxay tahay waxaa aynu maqalnaa Abaal gudyo Caalamiya oo la siiyo Shaqsiyaad ama hayado aduunka wax ku soo kordhiyey (Awarded for outstanding contributions for humanity in chemistry, literature, peace, physics, physiology or medicine and economic sciences).Sida  Peace Noble Braze ka iwm. Siyaasiintii iyo Madax dhaqameedkii shirkii Burco ee 1991 way istaahileen abaal gudkaa iyo mid ka sareeya ee haydaha bixiya Abaal marintaasi xagey la mareen?

Halkaa waxaad ka garan kartaa in xitaa aduunku kala bakheylay in lagu hambalyeyo nabada iyo wanaaga ka dhashay shirkii Burco ee taariikhda Caalamka aan hore uga dhicin in urur Hubeysan oo dal xoog ku qabsadey intuu Waxgaradii dalka iskugu yeedhay shir u qabtey lagaga arinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dal waliba ka dhaceen xasuuqyada taariikhda caalamka naadirka ku ah sida ka dhacdey Somaliland Bishii May 1988 kii.

La soco qaybaha Dambe……….

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: