Skip to content

June 13, 2019

28 SANO OO HORUMAR AH SOMALILAND IYO 28 SANO OO DIB U DHACA SOMALIYA Q.2 aad

by M J Farah

Qaybta 2aad.

Somaliya wakhtigaasi waxa ay isku hayteen Kursiga Madaxtinimada oo loolan adagi ka taagnaa waxaa lagu hashiin waayey cidii dalka madaxweyne ka noqon lahayd kol hadii Maxamed Siyaad Bare laga Saarey Magaala Madaxdii Somaliya ee Muqdisho.

Gen.Caydiid iyo Cali Mahdi oo isku Beel ka Soo jeeda ayaa loolan adagi ku dhexmarey fagaarayaasha siyaasada ee Konfurta Somaliya,Waxaana la kala Saftey kooxo siyaasiin ah oo aan isku raad ama fikir siyaasadeed ahayn kuwaas oo ka mid ahaa xoogaga kursi doonka ah ee aan wax kursiga madaxnimada dhaafsani aaney u muuqan.

Sidaa darteed Bishi November ee Sanadkii 1991 waxaa bilowday in xaalada Somaliya ee Koonfurta ay yeelatay waji Cusub oo aan dagaal ka fursaneyn ay gacmaha iskula tagaan Gen.Caydiid iyo Cali Mahdi oo madaxweyne isku cumaamadey.Labadan oday waxay kawada tirsanayeen Ururkii USC.

Somaliland se Cudurkaa Kursi doonku wuu saf mareeyey( si fudud uu u dhaafay). Kala tegidii dhinaca Siyaasada ee Somaliland iyo Somaliya waxay bilaaban tay markii Somaliland Siyaasiinteeda odayadeeda aqoon yahankeedu isku raaceen in wadanka la wada dhiso oo aan kursi lagu mashquulin,Turunturooyinka iyo jidgooyada Somaliland in aaney taabo qaadin waa ay socotey oo dagaalku waa jirey balse cadaadisku waxaa uu u sii jeeday dhinaca Somaliya oo wakhtigaa unugyo kala duwani midba midka kale uga dheereenayey madaxnimada Somaliya sidaa darteed faragelinta arimaha gudaha ee Somaliland way yareyd wakhtigaasi oo xoogaga lidka ku ahi may firfircooneyn,waayo waxaa ay ku hawlanayeen Somaliya iyo arimaheeda,dhinaca kale Somaliland waxaa indhaha caalamka ka laliyey waayaha Somaliya oo noqotey Khabrigii Mucaawinooyinka iyo gaajada. Khilaafkii dhinaca hogaanka iyo madaxnimada ee Gen. Caydiid iyo Cali Mahdi u dhaxeeyey ayaa gaadhey ee ay somalida konfureed ay soo wajahdo xaalad bila adamnimo oo aad u xun sababteyna in, Kumanaal shacab ahi ay ku dhintaan dagaalkaas labad oday hogaaminayeen . Qamada midowbay ayaa isku keenay  si loo heshiisiiyo taas oo ay
March 3, 1992 – Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ay wada saxiixaan heshiis xabbad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay hor jogayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabbad joojinta . Dhinaca kale Somaliland wax heshiisiinaya oo debeda uga yimaada lama hayo ilaa wakhtigan waayo umeyba baahan shisheeya heshiisiiya.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: