Skip to content

June 19, 2019

BEESHA ISAAQ……..!

by M J Farah

Xildhibaan Dhakool Sidee uu u mid uga sii ahaan karaa Golaha Wakiilada Somaliland isaga oo Aminsan in :

a) 18 may tahay maalin beesha isaaq ay iska lee dahay.

b) Gobolada darafyadu waxay 18 May u yaqaanin maalin madow.

c) beesha SNM ayaa xanuun ka qaadey 26 Juun taas oo ay uga guureen 18 May.

d) 18 May waa maalintii la qaxiyey buuhoodle iyo boorame.

Waxaa aan u arkaa in ay ceeb ku tahay Golaha wakiilada in uu ka sii mid noqdo golaha wakiilada Somaliland.

Waxaa ku haboon in uu is casilo oo uu ka tego golaha wakiilada iyo waliba siyaasadaba.

Waxaa ay u muuqataa hadaladiisu kuwo ku saleysan xinqi iyo ka fogaansho runta 18 May oo ah maalintii Dadka reer Somaliland isa saamaxeen nabad iyo wada noolaasho ku heshiiyeen saldhigana u ah nabada iyo horumarka dalka sidaa darted dhakool fikirkuusu waa mid halis ku aha nabada iyo wada noolashaha bulshada reer Somaliland.

Sidaa darted waa in uu shacabka Somaliland ka raali geliyaa waxii uu yidhi waana in uu iscasilaa oo uu ka dhuuntaa shacabka reer Somaliland ilaa inta uu mawqifkiisa bedelayo.

Siyaasigu waxaa uu metelaa shacabka oo dhan reer keliya ma matalo,balse waxaa uu ku yimaadaa cod inta badan ee degaanka ama gobolka laga soo doortey sida guud ahaan dhacda golalha wakiilada ee dalalka dimoqraadiga ah.

Sidaa darted waxaa aan rajeynayaa dhakool in uu mustaqbalka dambe uu bedelo Wakiil wax tar leh oo gobolka laga soo doortey iyo qaranka somalilandba ku wada nolaadaan siyaasada iyo stragyyada qaranka ee walaaleynta iyo mideynta bulshada reer Somaliland. Dhakoolna waxaa u arkaa xildhibaan lagu qasaarey, marka aan dhageystey war bixintiisa waa mid u muuqata isku dir iyo abaabul fidno.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: