Skip to content

July 1, 2019

DOQON BAA LAGU DAGAA QIIRADA BEENTA AH!

by M J Farah

Awoowyaday Ayey ahaayeen kuwii Xoreeyey Somaliya Abaalkii aanu ka helnayna wuxuu noqday in hooyooyinkayo iyo Abayaashay lagu xasuuqo magaca,dhaqaalihii, hubkii ,Ciidamadii aanu u dhisnay Somaliya.Gar iyo Garaawsiyo midna ma hayno,Weliba waxaa na lee dihiin maxaa u baabi weydeen oo aad dhulkiina ku dhisateen,u horumarteen dawladnimadiina ula soo noqoteen.

Anagu walaalahayo Konfureed waxaa aanu la rabnaa nabad,dawlad,qaranimadooda oo ay ilaashadaan,weliba waanu ku taageeraa wanaaga u soo korta balse siyaasiinta somaliya waxay ka shaqeeyaan si aanu u gaajoono,u baabano,nabadu faraha uga baxdo,waxay dhaqaale ku bixiyaan isku dirka dad kayga,waxay meel walba oo caalamka ka mida dhigaan xoraalo ay ku sheegayaan in aan Somaliland loo wada dhameyn in reer qudhi lee yahay in beelaha kale doonayaan midnimo iyo somaliweyn.Balse Caalamku waa og yahay wax kasta oo ka dhacaya Somaliya,Somaliland iyo sida ay qolana (Somaliland) Qaran aan la aqoonsan balse jira yahay Qolana (somaliya) Dawlad fashilmay( failed state) tahay.

Mudane Farmaajo nala daawo Hargeysi sidey uga soo kabatey Burburkii iyo Baabii aad u geysateen 1988 kii ilaa 1991. Mar dabe dooni mayno Xasuuq dambe ee dhulkiina sidaa u dhista .

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: