Skip to content

July 3, 2019

WAXAA LA SOO GAADHEY WAKHTIGII MADAX DHAQAMEEDKA SOMALILAND LA BARILAHAA DOORKOODA BULSHADA CASRIGA AH

by M J Farah

Waxaa aad moodaa in doorka madax dhaqameedka ee bulshada casriga ah ee Somaliland iyo dhismaha dawlad casri ahi ay caqabad isku noqdeen,oo aaney wada shaqeyn Karin maanta oo ay joogno qarnigii cilmiga iyo teknoolajiyada,duruufihii 1884 kii markii gumeystayaashii reer yurub qaybsadeen Somaliya iyo 2019 aynu ku jirno wax badan baa isbedelay caalamka dhinyada nolosha degaanada siyaasadeed dhaqaale bulsho iyo farsamo intaba balse marka aynu barbardhigno isbadada qabeyey nolosha bulshada ee qarniga 21 aad kuma arkeysid wax isbedel ah oo ku yimi koboca fahanka shaqada ay bulshada u hayaan madax dhaqameedka oo la jaanqadi karaya isbedelka wakhtiga casriga ah iyo nidaamka dawladnimada ee qarnigan.

Madax dhaqameed yada Somaliland ama Somalida guud ahaanba waa kuwo qaab ka qaata hawlaha iyo siyaasada lagu dhaqayo bulshada,kuwaas oo salka ku haya xalinta,wada tashiga,iyo u fududeyta hayadaha dawlada arimaha la xidhiidha tolnimada iyo dhaqanka reernimo ee wakhtiyada ay yimaadaan xaalado gaar ahi, oo nabada iyo wadanoolashaha bulshada caqabad ku ah dawladuna uga baahato tageero lagu gacan siinayo halaheeda qaran.

Madax dhaqameedyada awood gaara oo sharcigu siiyey ma jiro,oo aan ka ahayn sharciga muwaadiniinta kale ee Somaliland ay lee yihiin,caaqilku cid ma xidhi karo,cidna xoog kuma soo qaban karo balse waxaa uu gacan siinayaa oo uu la shaqaynayaa booliska iyo haydaha kale ee dawlada ee u xilsaaran nabadgelyada iyo shaqooyinka xidhiidhka la leh.

Madax dhaqameedyada Somaliland waxaa ay hoostagaan Wasaarada arimaha Gudaha oo bixisa mushahaarooyinka iyo gunooyinka ay ka qaataan dawlada si ay uga qayb qaataan hawlaha qaranka qaybta kaga soo aadan,sidaa darteed waxaa muhiima in wasaarada arimaha guduhu dib u ahabeyn ku sameyso qawaaniinta lagu maamulayo ama kuwa ay ku shaqeenayaan madax dhaqameedyadu iyada oo sharci gaara oo qeexaya kaalintooda shaqo iyo waxyaha lagu waayi karo madax dhaqameedka la cadeeyo, lana horumariyo aqoontooda dhinaca maamulka bulshada.sharciyada qaranka,iyo xuquuqda iyo waajibaadyada muwaadinka guud ahaan gaar ahaana madaxdhaqmeedka,Ciqaabaha ka dhalan kara hab dhaqanka madax dhaqameedka,ilaalinta shuruucda iyo soohdimaha shaqo ee madax dhaqameedka.

In kor loo qaado aqoonta ku saabsan sida loo adeegsado weedhaha ku haboon saxafada, ka taxadirka waxyaha ka dhanka ah danaha qaranka Somaliland.

Waxaa jira in madax dhaqameed yadu halis ku yihiin nidaamka dawladnimo,waxay u adeegsadaan social mediaha qaab ka maqan tahay fahanka shaqadooda,waxaa mar walba haboon in fariimaha iyo iswargelinta dhaxdooda ahi uu noqdo mid ay kuwada xidhiidhaan emailada telefonada,qoralo waraaqo is dhaafsadaan halkey wax kastaba iskugu marinayaan video yada live ka ah ee social media isku marinayaan mararka ay cilaaminayaan shirarka labada beelood IWM.

Waxaa jira mararka qaarkood in madax dhaqameedyadu ku kacaan waxyaabo lid ku ah danaha Qaranka, iyaga oo social mediaha uga hanjaba dawlada, oo in wasaarada arimaha guduhu u furtaa tabar loogu dhigayo kala duwaanshaha madaxweynaha xilka haya iyo Danaha qaranka Somaliland. Sidaa awgeed Madaxweynuhu waa shaqsi qalad iyo saxba samey kara balse Qaranimada Somaliland waa hantida aan guurguurin ee qaranka sidaa darteed in dadka lagu kiciyo ereyo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland meel kuma laha qaranka Somaliland ………………………….

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: