a)Taariikh kooban
Si aynu u fahano Somaliland waa in aynu dib u jalecnaa taariikh ahaan Somaliland marxaladihii Somaliland ee wakhtigii gumeysiga ka hore ,xiligii gumeysigii reer yurub,xoriyadii Somaliland (dawladnimadii 5ta cisho) wakhtigii midowga Somaliland iyo Somaliya,wakhtigii Xasuuqa iyo kala tagii Somaliland iyo Somaliya.arimahaasi waxay ina barayaan taariikhda saxa ah ee Somaliland iyo Somaliya waxay wadaagaan iyo kala duwanaanshahooda. Sidaa darteed waxaa aynu u kala horeysineynaa sidan:
- Somaliland iyo xidhiidhkii bulshada calaamka ee hore
Qarnigii 7aad ayaa waxaa Somaliland ta maanta uu soo gaadhadhey iftiinkii Islamku taas oo ilaa maanta la hayo raadadkii markhaatigigii oo uu ka mid yahay masjidka qadii miga ah ee ku yaal magaalo xeebeedka Saylac loona yaqaano masjidka Qibla teyn, kaas oo tilmaamaya markhaatina ka ah in Somaliland dhulkeedu ahaa mid diinta islamku soo gaadhey bilowgii islamnimada ,taasi waxay makhaati ka tahay in Somalilandta maantu ay xidhiidh qoto dheer la lahayd bulshooyinkii caalamka ee qarniyadii hore lana yaqaaney ka hor Somalida kale deeganadeeda.
- Qarnigii 14 aad Suldaankii Islamiga ahaa ee dhulka Somaliland ee Maanta ayaa la hoos keenay Boqortooyadii Maseexiga ahayd ee Itoobiya.
- 1527 Ayaa Suldaankii Awdal wuxuu la wareegey xukunkii ku hoos jirey boqortooyadii Ethiopia ya ka dib markuu ka cadhoodey xukumida ay xukumayaan dalkiisa ka hor intaanu gacansiin Portuguese Sanadkii 1543.
- Sanadkii 1888 ayuu Gumeysigii Britian sameyey the protectorate of British Somaliland isaga oo heshiis toosa la galey Suldaanadii muxaliga ahaa ee wakhtigaasi.
- 26 June 1960 kii ayey Somaliland ka qaadatey xornimadeedii Gumeystihii Britain iyada oo aqoonsadeen in ka badan 30 dawladood oo xor ahi.
- 1 July 1960 ayaa waxaa xornimadii ka qaatey Talyaaniga oo gumeysan jirey Somalidii korfureed
- Wakhti yar ka dibna waxaa si aan khasab ahayn ku midoobey 2dii dal ee Somaliyaeed (Somaliland iyo Somaliya) ee wakhtigaa xornimadooda heystey.
La soco qaybaha dambe ……..