Skip to content

August 26, 2019

QARANKU BAAD IN LAGA QAADO UMA BAAHNA!

by M J Farah

Shaqsi kasta oo qarankiisa khiyaameeyaa guul ma gaadho, qarana baad lagama qaado. balse hogaan xumida dalka ayaa sabab u ah in dabiilayaashu geesiyaal lagu sheego, nin kasta oo ciidamada qaranka ka tirasan oo jibiyey qawaaniintii ciidamada qaranka waa in laga fogeeyaa shaqada ciidamad askariga iska tagaana qarankani uma baahna kharajkii ku bixi jireyna waxaa loogu kordhinayaa geesiyada dalkooda jecel ee hadh iyo habeenba difaacaya,ilaalinaya daacada u ah oo iyga oo aan qaadan mushar ku filin hadana naftooda u huray dalkooda iyo dalkooda.

Caarana waa in laga fogeeyaa ciidamada qaranka isaga iyo inta la midka ahba ee dalkooda iney dumiyaan duurka u galey taariikh xumada reer somaaliland u horseeday waayo waxay bilaabeen bug madow oo waxay ka soo horjeesteen hubna u soo qaateen dhulkoodii oo aaney dhibaato ka jirin,hadii doorasho nin laga helay ka cadhoodheen miyey isku diyaariyaan shanta sano ee dambe xor iyo xalaala.Qori looma baahna maanta balse hogaan dimoqraadiya ayaa loo baahan yahay.

Dalkeena in aynu dhisano wixii qaldana aynu saxno ayaa ka muhiimsan fidmo iyo dagaal in wax lagu xaliyo,balse ninka dambiilaha ah waa in sharciga la horkeenaa si loola xisaabtamo,oo wixii uu qaribay iyo waxa kumaqanba looga gudo.

Coday nabadiisa ciidamada qaranku sugayaan oo aan balo arag in uu siyaasadeedyo arimaha ciidanka ka hadlana looma baahna aduunka oo dhan arimaha ciidamdu waa arimo aad u xaasxaasi ah dadka wadaniyiinta ahina ma farageliyaan arimaha ciidamada ee saameynta ku leh nabadgelya qaranka sidaa darted waxaa loo bahan yahay in arimaha ciidamada qaranka aan la siyaasadeen,laga hadan warbaahinta oo loo dhaafo haydaha nabadgelyada qaranka.

Wixii talo ah iyo wixii wax qabadba waxaa qaranku u xilsaarey haydado dastuuri ah

Hadii Gurida aan sharciga ku dhisneyn ee ku qadhaabta magaca gobta garxajis hadii ay difaacayaan caare oo ay iyagu hore u dirteen Nuux taani waxaa difaayaya Gobta Garxajis ee dalkooda iyo dadkooda jecel ogna waxay tahay dawladnimadu iyo dadweynaha Somaliland ee mar walba garabtaagan dawladooda iyo Ciidamadooda geesiyaasha ah ee jecel wadankooda . Somaliland waa ay ka kortey in aan dad aan matalin Garxajis ku qadhaabtaan, Belse beesha garxajis waxay u taagan tahay midnimada iyo horumarinta dalkooda Somaliland mana matelikaraan kuwo magac mooyaan aan kaalin ku lahayn beelweynta garxajis.

Hadaba waxaa la gudboon dhamaan dadka iyo dawlada Somaliland in layska kaashado sidii loo difaaci lahaa qaranimada Somaliland oo qof kasta oo ka soo horjeesta midnimada,nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland si cad dagaal loogu qaado af iyo adinba ah.Salaadiinta darjiidhana sharcigu soo dabaalo wasaarada arimaha guduhu waa in ay sharci lagu dhaqo u sameysaa salaadiinta iyo madax dhaqameed sanadkiina laba jeer loo sameeyaa tabaro lagu barayo sida loo hogaamiyo bulshada,siyaasada,dhaqaalaha,shuruucda iyo dawladnimada. Xoriyada qolka waa in la baraa dadka waayo waxaa dimoqraadiyadu salka ku haysaa in aad xoriyadu xadidan tahay oo aaney jirin qof u xor ah waxaa uu doono,balse qawaaniin baa xadida xoriyada lafteeda.

Read more from Uncategorized

Comments are closed.

%d bloggers like this: