Skip to content

September 4, 2019

MAXAY TAHAY SABABTA SOMALILAND ILAA HADA LOO AQOONSAN LAYAHAY?

by M J Farah

Qaynuunka Caalamiga ah (international law) ayaa loo cuskadaa marka laga hadlayo aqoonsiga qaran jiritaankiisa waxaana loo ee gaa in laga helo oo uu qaranku lee yahay :

  1. Dad joogto ah (permanent population)
  2.   Dhul Cayiman (a defined territory)
  3.  Dawlad (Government ) iyo
  4. Capacity to enter into relations with other states.

Somaliland intaas oo astaamoodba way leedahay waxaa u dheer in ay somalida konfureed kala ahaayeen laba dal oo midba gaarkiisa u lahaa xuduudo u gooniya oo caalamiya intii aaney isku biirin ka hor 1 July 1960.

Dr James Summers, ayaa qaba sidan mar uu wax ka qoray Self-Determination in International Law:-

The right of peoples to self-determination is their right to freely determine their political status and freely pursue their economic, social, and cultural development. It has a central position in international law as a primary principle in the creation and destruction of states. It features in Article 1 of the UN Charter (1945) as one of the purposes of the organization. It is positioned as the first right in the twin Human Rights Covenants (the International Covenant on Civil and Political Rights [ICCPR] and the International Covenant on Economic, Social and Cultural Rights [ICESCR]).

Hadaba maxaa loo la yahay in hal dal ku dhiirado aqoonsiga Somaliland,Saaxiib khabiira ayaa su’aashaa si dadban aan u weydiiyey wuxuu igu yidhi “ Somaliland  wakhtigii ay xornimada qaadatey madaxdii dunida ee wakhtigaasi ma jiraan,Somaliland ka hor 1991 waxay ka mid ahayd dal la yidhaa soomaliya,dadka maanta madaxda ka ah dunidu waxay og yihiin somaliya oo dawladii ka talin jirtey burburtey,Somaliland ka godey,taariikhda waa la akhriyaa,waana la isgaadhsiiyaa  balse dadka Somaliland ayaa ka gaabiyey qadiyadooda iney si waafiya uga dhaadhiciyaan caalamka”.Tani waa run uu ninkaasi ku dooday waayo dad badan Ayaan waxba kala socon taariikhda Somaliland,oo u haysta in Somaliland iyo Somaliya isku taariikh ahaayeen oo weligoodba hal dal wada ahaayeen,cidii caalamka u bandhigilahayna waxay ka door bidiin in ay ka hawlyareystaan.Sidaa awgeed

Jawaabta su’aashani waa mid furan oo qof walba rayigiisa ku cabiri karo balse waxaa ay aniga iigu muuqataa mid aaney weli u diyaar ahayn somalilader ka laftigooda in ay bulshada caalamka ee madaxa banaan ka mid noqdaan, ama ay sugayaan in waajibaadkooda shaqo ee ku aadan helida aqoonsi calamiya ay ka sugayaan cid kale iney u qabato taas waxaa aan u lee yahay markaad aragtid sida ay wax u socdaan ilaa dib ula soo noqoshadii dalkii xornimada ka qaatey boqortooyadii midowday (UK) sanadkii 1960 kii  ilaa maanta waxaa kuu cadaan kara in aaney jirin siyaasad cad oo qaran oo Somalider ku u dejisteen sidii ay uga mid noqon lahaayeen dalalka la aqoonsan yahay,oo taariikhda horeba uga mid ahaayeen mudo shan cisho ah oo ah dawlad jirtey noqdeen ugu yaraana 25 dal in ka badani aqoonsadeen ka dib markii 26 June 1960 xoriyadooda ka qaateen dalka Britain.

Sidaa darteed Sababta Somaliland loo aqoonsan la yahay waxay salka ku haysaa arimahan hoos ku qoran:

  1. Somalilanderka oo aan degsan Qorshe Siyaasadeed oo wax ku ool ah

Maxaa aan ula jeedaa arintan waxaa ula jeedaa hadii Qaranka Somaliland rabo in uu si buuxda ugu guuleysto in uu ka mid noqdo dalalka caalamka ee la aqoonsan yahay waxaa ahayd  inuu qaado talaabooyinkan:

  1. In dawladu dhisto gole balaadhan oo u howlgala sidii caalamka looga iibin lahaa qadiyada Somaliland.

Dadka qaar baa odhan kara waa jiraan golahani oo kan ugu dambeyey Marwo Adna ayaa madax u ah,taasi ma aha mid ku filan Adni waa hawlkar ka soo bixi karta shaqadaasi balse looma sameyn tasiiladkii ay u baahney hadey noqoto xafiiskii,misaaniyadii,shaqaalihii aqoon yahanadii,gudigii kale ee la shaqeyn lahayd balse waxaad moodaa xubin sharaf arinta Adna iyo siyaasiyiintii ka horeyeyba .

  • Xisbiyada Siyaasada Somaliland oo ay ahayd iney qorshe cad oo siyaasadeed u dejistaan sidii dalku u helilahaa aqoonsi oo dejistey qoshe ah sidii ay xukunka ku gaadhi lahaayeen oo keliya(Madaxweyne doon).

Xisbiyadu waxay nodeen kuwa hortaagan in Somaliland dal la aqoonsan yahay noqdo, waayo waxay noqdeen kuwo kursi iney gaadhaan xooga saara,oo wax kasta oo ay ku gaadhayaan xitaa hadii somalilandnimada laga tagayo ka horumariya kursidoonka taasina waa tan abuurtey in maanta la yidhaahdo Jahbad Somaliland ka soo horjeeda oo Ex-con.Caare hogaamiyo ayaa jirta.

Waa tan keentey in aynu maqalno ereyo badan oo ku lid ah qaranimada Somaliland oo somaliladerku Social media yaha isku mariyaan cuqaal,siyaasi iwm.

Arintaa waxaa abuurey waa Xisbiyada Siyaasadeed ee Somaliland oo aan lahayn aragti siyaasadeed oo qaran balse u dhisan uun aragti aan dhaafsisaneyn maalinta doorashooyinka iyo ku gaadhid maskab aan loo soo barbaarin qaab xisbi siyaasi ah oo raba in uu dal dhiso oo uu bedelo xisbigii ka horeyey siyaasdiisii wuu ku guul dareystey ee dhinaca horumarka dhaqaalaha,caafimaadka,waxbarshada iyo kaabayaashooda kala duwan.

Arimahaasi oo dhami waa kuwa Somaliland ka hortaagan in ay noqoto dal la aqoonsan yahay,mana muuqato in Somalinderku la imanayaan karti iyo qoshe balaadhan oo salka ku haya sahaminta saaxiibo cusub iyo baraarujinta kuwii hore ee u helanaa iney Somaliland noqoto qaran laga aqoonsan yahay caalamka.

  • Qaybyaalada oo qayb ka ah Siyaasada Somaliland
  • Somalilanderku waxa ay lee yihiin Siyaasiin aan rabin in ay soo baxaan kaadirin siyaasadeed oo cusub,mana laha daraasado cilmi ku saleysaan oo lagu furdaaminayo xal u helida dhibaatada qabyaalada taas bedelkeedana waxay barnaamujkooda siyaasadeed ee aan qarsooneyni yahay reer hebel in wax lagu doorto lagu soo baxo barnaamujka siyaasadeed ee siyaasiguna noqdo kaasi.

Arintani waxay wiiqday aragtidii wadaniyada iyo wadan jeceylka , waxaaney ka mid noqotey arimaha hoos u dhigay citirafka Somaliland.

Su’aal aan weydiiyey dad aanu kawada sheekeysano dhibaatooyinka dunida ee maanta ayaa su’aal aan weydiiyey ayaa ahayd sidan?

Bulshada Caalamku maxay u qabataa Somaliland?

Waxay ii sheegey: “Marka aad madaxa isla gashaan ayaa u yeedhataan oo idin heshiisiiyaan” Su’aal dib la iiweydiiyey ayaa ahayd : Ma arintaa mid weyn baad ka sugeysey,hadii la idin kala badbaadiyey!.

Waan garawsadey waayo waxaa aan ogaa inay run tahay oo marka ay xisbiyadeednu iyo dawladu is fahmi waayaan xisbiyada u yaacaan dhica beesha caalamka oo ay u ashkato tagaan sideed u heli kartaa aqoonsi hadii kuwii aad aqoonsiga ka rabtey aad lee dahay nakala saara hadii kale Somaliland jirimeyso?

  • Reernimada siyaasi iyo caaqil ku gaadhid dantiisa dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha,ninkii siyaasiya ee doonaya in uu si fudud u taajiro waxaa uu dhexda u xidhaa sidii uu u gelgelilahaa dawladnimada Somaliland oo ugu gorgortami lahaa xil iyo xoolo hadii kale somalandtu ma sii jiri doonto ayuu ku hadaaqaa.Arintani waa ka qayb dhibaatada inaga haysatada citiraaf caalami.

Mahadsanidin dhamaan

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: