Skip to content

October 3, 2019

SIYAASIINTYADU TIRO BADANAA OO TAYO XUMAA!

by M J Farah

Maanta waxaa aan u qaatay mawduucan kor ku xusan,markaa aan in badan dersaayey hab dhaqanka qaar badan oo ka mida siyaasiinta reer Somaliland,guud ahaan sida ay hagardaamada ugu hayaan horumarka dadkooda iyo dalkooda,iyaga oo inta badani dantiisa gaarka ah ka horumarinaya waxwalba arintaasi waxay igu dhalisay in aan si guud uga hadlo siyaasiga iyo shaqadiisa tilmaamo dhaliilaha jira dadka Somaliland u bayaamiyo dantoodu waxa ay ku jirto.

  1. Ugu horeyn waxaa aan rabaa in aynu qeexno siyaasi waxaa uu yahay oo ugu horeyn ka jawaabno su’aashan:
  2. Waa maxay siyaasi?
  3. Siyaasi waa shaqsi ku firficoon siyaasada xisbi, ama waa shaqsi haya ama doonaya in uu xil ka qabto xafiis dawladeed, Siyaasiintu waxay soo jeediyaan sharciyada,taageeraan oo abuuraan ama kordhinta siyaasadaha xukunka dalka iyo dadkiisa.
  4. Siyaasi waa shaqsi si xirfad leh ugu lug leh siyaasada,qaas ahaan haya xil xafiis loo doortey.
  5. Siyaasi waa qof u dhaqma si khiyaano ah iyo hab marin habaabin ah caadiyan inuu horumar ka helo ha’ad.

Qeexida siyaasi kuma koobna 3 dan oo kaliya balse waa ay ka badan yihiin cilmi ahaan sida ay aqoonyahanda cilmiga bulshadu u qeexaan ama u taxliiliyaan,balse nuxurka aan u jeedaa waa in aynu wax ka fahano uun siyaasi waxaa uu yahay.

  • Waa maxay Shaqada Siyaasigu?

Marka aynu si kooban u eegno waxaynu ku soo ururin karnaa:

Go,aan qaadasho,sameynta siyaasadaha iyo dastuurka,wadida hawlaha qaran ee loo idmadey,jihaynta iyo qorsheynta sida dhaqaalaha,siyaasada,nabadgelyada iyo arimaha bulshada ee qaranka u hogaamin lahaa jidka guusha.

Tusaale:

Laga soo bilaabo xildhibaanada deegaanka ilaa  cida markaa haysa xilka madaxtooyada Somaliland siyaasiintu waxay sameeyaan go’aano  muhiima sameyn ku leh qaabeynta dhamaan dhinacyada siyaasada,dhaqaalaha,arimaha bulshada,nabadgelyada iwm nolosha dadka reer Somaliland.

Waxaa aan filayaa in intaasi inaga filan tahay fahanka guud ee siyaasiga,imika hadii aan u soo noqdo ujeedada qoraalkaygan gaaban.

Maxaa aan u doortey ciwaanka ah SIYAASIINTYADU TIRO BADANAA OO TAYO XUMAA!

  1. Siyaasadu waa waxqabad wadareed dhexyaala kooxo

Tusaale Somaliland waxay leedahay 3 xisbi siyaasadeed qaran sida ku cad dastuurka iyo shirciyada asxaabta sidaa darteed siyaasada Somaliland waxay isku keenaysaa oo si wadar ah uga dhexeysaa seddexdaas xusbi,waanay dhaxtaalaa wax qabadkeeda, tusaale ahaan golaha wakiilada Somaliland waxay ka soo baxeen mid ka mida asxaabta saddexda ah,uun.Marka uu shaqsigu noqdo xubin bar barlamaan wuxuu wakil ka yahay siyaasada qaranka.

Markaa hadii aynu tusaale u soo qaadano dhibatada Ceel-afweyn cida ugu horeysa ee laga rabo in ay faragelisaa waa:

  • Wakiilada heer degaan iyo kuwa heer qaran ee degaankaas laga soo doortey,iyaga oo baadhaya kormeeraya ururinaya xogta laga diyaariyey ee haydaha nabadgelyada degaanku (degmada Ceel-Afweyn) hayaan.
  • In qiimeeyaan xaalada guud ee degmaanta
  • In ay soo saaraan go’aano iyo talooyin ku saabsan dhibaatooyinka gobolkaasi iyo taloyinka lagu xalilayo.

Taas bedelkeeda waxaa aad moodaa in aaney warba ka hayn ama aan bad an ka lahay siyaasiinta degaankaasi wax aka socda degaankooda,oo ay u arkaan in cid kale xilkaasi saran yahay.

Waxaa iyaguna talada tu la mida saareyd in ay qaataan waa Gudoomiyasha iyo golaha degmada ee saddexda xisbi qaran saaxada kamaba muuqdaan oo maba arkeysid xisbiyo firfircoon oo degaanka ceel afweyn oo ka hadlaya dhibaatadaasi.

Xitaa Siyaasiinta heer qaran ee saddexda xisbi kama muuqdaan in ay qayb ka galaan deminta Xasarada Ceel-Afweyn. Waxaaney Madaxdoodu inoo sheegayaan in dhibaatada Ceel-Afweyn tahay mid weyn waxaad moodaa markey Media yah aka hadlayaan kuwo raadinaya  cidii dhibkan xalin lahayd oo kol dawlada ayey ku riixayaan kol cid kale ayey farta ku fiicayaan, ogow waa xilkooda waxan ay doondoonayaan cidii qaban lahayd.Arimahaasi oo dhami waa qayb ka mida tayo xumida iyo tiro badnida Siyaasiinta Somaliland.

Dhibaatada Somaliland maanta haysataa waa Siyaasinta oo aan lahayn aragti fog,iyaga oo doonaya madaxtanimo kursi oo kaliya balse aan rabin in ay isbedel keenan lagu horumarinayo siyaasada dhaqaalaha iyo nolosha bulshada,taas bedelkeeda waa kuwo u soo xoogsi tegey dal aanad moodeynin dalkoodii.

Somaliland ahaan siyaasiidta Somaliland ee ku jira siyaasada hadii aynu tirino kama yara ilaa 1000 oo qof hadii aaney ka badneyn Sida:

Tirada golaha Guurtida iyo golaha wakiilada

Golaha Wasiirada iyo Safiirada

 ,Xisbiga kulmiye,Wadani iyo UCID

Qiyaastaa intaas oo shaqsi iyo kuwo kale oo siyaasada hawlgab ka noqday waxaa ay yihiin kuwo la rabay in Somaliland cusub u fikiraan oo ay dhisaan,dal barwaaqo ah oo ka mida kuwa caalamka ugu dhaqaale iyo nololba fiican.Hadii la helilahaa siyaasiin dhexda u xidha dhismaha dhaqaale iyo siyaasadeed bulsho mudo yar ayaa Somaliland ku noqon lahayd mid isku filan,oo dadkeedu noqdaan kuwo ku raaxaysta nicmada Alle (swt) Dhigay dhulkooda ee ay ka qaawan yihiin.Arinta kale ee xusida mudani waxay tahay siyaasinta tirade badani ee tayada lahayni ma kala garataan arimaha danta guud  ( public interest) iyo waxaaney dani ugu jirin qaranka,waxaad arkeysaa in badan siyaasiintaasi oo iyagu aan la gabaneynin iney aragti ahaan lidi ku yihiin nabadgelyada qaranka,sidaa qof siyaasiya oo aan rabin jiritaanka Somaliland uu hadana mushar uga qaataa maalka qaranka,waa arimaha la yaabka leh ee aad ka heleysid Somaliland siyaasiintooda.

La soco …………………

Read more from Arimaha Bulshada, Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: