Skip to content

October 4, 2019

SARYAN MUSEUM WAA QAYB KA MIDA HORUMARKA SOMALILAND

by M J Farah

Museum Saryan

Museumkan Saryan waa mid casri ah waxaa aan booqday 15/07/19 in kasta oo aanan wakhti badan u helin inaan kawada bogto taariikhda iyo asraarta ku duugan qaybaha uu museumku ka kooban yahay wakhtiga oo igu yaraa awgii hadana aad baan ugu qushuucay,ugana helay ,waxaa jirey dhalinyaro iyaguna daawanayey wakhtigaa Museum .

Runtii sideedaba  Museum yadu waxay ka mid yihiin waxyabaha lagu qiimeeyo heerka ay umadi ka gaadhey ilbaxnimada waxaana lagu kaadiyaa dhaxalka umada ee farsamada,dhaqanka.taariikhda,aqoonta iyo wax wal oo umadi ku soo dhaqmi jirtey bilowgii  ilaa maanta.

Waxaa kula talinayaa Hayadaha waxbarashada iyo kuwa dalxiisku inay taageeraan Museumkan oo ay ku dhiirigeliyaan ardayda iyo dadka dalxiisayasha ahba in ay booqdaan,walibana ardayda lageeyo Museumka oo ay wakhti ku soo qaataan,waxbarashadana lagu daro safarada(trips) gaagab oo lagu tago meelaha taariikhiga ah ama lagu keydiyo sida ardayda caalamkaba loo geeyo meelahaa.

Maamulka Meseumkana waxaa aan kula talin nayaa in uu u diyaariyo dadka dalxiiska ah ama dadka kale iyo ardaydaba maalmo ay soo bookhan karaan oo gaar ah.

Dadka reer Somalilandna waxaa kula talinayaa in ay Museum koodan dhaqaaleeyaan oo ay ku taageeraan xoog,xoolo iyo aqoonba.

Waad Mahadsan tihiin

diyaariye: Maxamed rashiid

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: