Skip to content

October 9, 2019

FAALO KOOBAN GARXAJIS, CAARE IYO MADAXWEYNE MUUSE IYO SOMALILAND?

by M J Farah

Mar walba aragtida waxaa laga eegaa dhinaca wanaagsan,balse in la qaadaa dhigo wixii la isla gaadhey ma xuma oo waa fikir ka dhiibasho iyo aragti guud uun.

20/08/18 ayaa lagu qorey Puntland mirror warkan:

Qardho-(Puntland Mirror) Siciid Cawil Caare, oo ahaa sargaal hore oo katirsan ciidamada Somaliland, ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq jabhadeed oo ka dhan ah maamulka Somaliland.

Caare ayaa sheegay in Somaliland uu uga soo tagay cadaalad daro iyo dulmi.

“Markii aan ka dhex arki waayay cadaalad, markii aan ka dhex arki waayay dowlad loo simanyahay, markii aan ka dhex arki waayay horumar balaaran oo ummadu u simantahay, waxaan go’aansaday in aan saldhig weydiisto Puntland si aan u suuliyo dulmiga,” ayuu yiri.

Waxaa ku xigey muqqlkan oo 24/11/18 wuu ku sheegay warkan:

Waxaa aan isweydiinaynaa Caare iyo abaabulkiisa ayaa ka dambeyey?

Waxaa ka dambeeyey oo uu ka dhashay tabashadii doorashadii xisbi Wadani ee guuldaradii Cabdiraxman Ciro taas oo aan xisbiga wadani khilaaf ka muujiyey in doorashada lagaga adkaadey taageerayaashii qayb ka mida oo ah jilibkiisa ay qaarkood isku dustey in ay xoog kula wareegaan talada dalka taas oo ay Puntland u direyn ciidan uu hogaaminayo ex.K.CAARE taasi oo ay isku tuseyn talada ay xukunka ku qabsan karaan.Ka dib waxaa ku soo biirey dadkii danaynayey in ay meel ka soo galaan siyaasada dalka,kuwo dhaqaale kaga raadinaya qaranka,kuwo xilal ku gorgortamaya,kuwo aan waxba ka ogeyn oo magaca garxajis uun maqley iyo kuwo kale oo u arkey in ay fursad siyaasadeed tahay oo Somaliland lagu kala qaybin karo.

Cadaad daro ayuu sheegay Caare in uu Somaliland uga tegey hadii ay runtii tahay oo uu cadaalad daro uu Somaliland hubka ugu haatey ma saxbaa in dal dimoqraadi ah oo mar walba doorasho laga qabanqaabiyo in hub iyo xoog afgambi cadaalad u keeni karto caqliga iyo aragtiyaha siyaasadu midna ma ogola isbedel xoog ku yimaadaa cadaalad ma keeno balse waa aas aaska cadaalad darada. Hadaba Care iyo cidii la aas aastey Jahbada waa in la soo bandhigaa oo taariikhda ay galaan,si loo fahmo Caare garanaye yaa ku wahaliya hawsha waxaa jira sida uu Caare ama taageerayaashiisu sheegeen dad dhaqaale hub lagu iibiyey iyo xitaa gaadiid bixiyey dadkaasi lama yaqaan balse dadka reer Somaliland waxay u baahan yihiin iney ogaadaan cida ay yihiin. Waa xil xukuumada saran inay soo bandhigto dhamaan xogta iyo hogaamiyasha Jabhadan hubeysan,Golaha guurtida oo xaga nabada u xilsaaran iyo golaha wakiiladuna qaybaha dawlada iyaga kula xisaabtamaan (hold them accountable ). Cafiska iyo Saamaxaadu waxay timaataa marka la og yahay dhibaatada,cida gashay inta ay leeg tahay si cafisku u noqdo mid marey dariiqii saxa ahaa,oo la fahmey waxa dhib dhacdey iyo cida dusha ku qaadatey ee laga saamaxayo.Dawlada Somaliland waxaa la gudboon in ay gudi gaara u saarto xhashiiskaasi Caare ,Garxajis,Muuse iyo Somaliland gudigan oo qiimeyn iyo darsid ku sameynaysa dhibaatooyinka,xalka,iyo waafajista shuruucda qaranka si si cad loo ogaado natiijada heshiiska.In hashiis lagu dhameeyaa dhibkastaba waa arin wanaagsan balse waa in arin walba salka ku haysaa isxisaabin iyo hayn xogta si cida heshiiska ka hortimaada loogu xukumo dhamaan,wakhtigii,iyo dhaqaalihii ku baxay heshiiska waayo qaranka wakhtigaa iyo dhaqaalaha ku baxa fadhi kasta waa mid lagu qaban lahaa shaqo kale oo qaranka wax tar u leh.

Read more from Articles, Uncategorized

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: