Skip to content

October 10, 2019

HAMBALYO ARDADA SHAQO QARAN EE KU BIIRAY CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND

by M J Farah

Shalay waxay ahayd Maalin qiimo badan waa markii ugu horeysey ee Ardayda loo asteeyey Shaqo qaran nasiib u heleen qayb ka mid ahi oo ka kooban 126 arday iney si rasmi ah ugu biiraan ciidamada Qaranka. kuwaas oo ka aflaxay barnaamijki shaqo qaran ee uu aasaasay Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi .in ay kala yihiin 112 wiilal , iyo 14 hablood oo dhammaantood ka mid noqday ciidamada Millatariga,booliska iyo asluubta.

Sida aan filayo waa kooxdii ku soo gasha ciidamada qaranka qaabkan ah:

  1. Arday
  2. Shaqo qaran
  3. Ciidamo Qaran
  4. Sarkaal

Waa nidaam wanaagsan oo aan ku iman qaab ku dhisan:

  1. Suuq- joog
  2. Reer keen (oday caaqil ah)
  3. Ha naloo qarameeyo (jug soo dhacdey)
  4. Dable

Sidaa darteed waxaa la idinka rabaa in aad hogaan u noqotaan Ciidamada qaranka idinka oo ku hagidoona shuruucda,edebta,iyo dhaqanka,aqoonta wanaagsan ee wadaniyada iyo u adeega dadka iyo dalka Somaliland.

Waxaa ku timaateen dariiq saxa oo nidaam dawladeed ah sidaa darteed waa in aad wax ka bedeshaan dhaqanka ciidamada ee aan la socon Karin wakhtigan casriga ah.

Waxaa filayaa in aad yeelaan doontaan takhasusaad kala duwan oo qaarkiin noqondoonaan

  1. Dhakhaatiir
  2. Engineero
  3. Dhaqaale yahano
  4. Macalimiin
  5. Sharci yaqaano
  6. Xoogaga gaarka ah (special forces)

Iyo in ka badan oo la xidhiidha takhasuuska kala duwan ee ciidamada qaranka, sidaa darteed waxaa idin lee yahay nasiib wanaagsan dhamaantiin.

Hogaanka Media Group.

Read more from Arimaha Bulshada

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: