Skip to content

October 18, 2019

GARNAQSI CAARE, WADANI,MADAXWEYNE MUUSE IYO TIRADA YAR GARXAJIS KA QALDAN Q.1 AAD!

by M J Farah

Wakhti badan ayaa dadka iyo dalkaba kaga lumay,shaqsiyaad dartooda uun ka fikiraya,oo aan dan iyo muraad ka lahay qaran iyo dawladnimo kuwaasi weliba waa kuwo cashuurta iyo dhaqaalaha kale ee qaranka ku tanaadey,lagu sharfay in ay madax ka noqdaan qarankan la daalaa dhacaya aqoonsi la’aanta iyo durufaha kale ee dhaqaale,caafimaad iyo shaqo la’aanta.Dadkaas waxaa ka mid ah ninka hore ciidamada qaranka uga tirsanan jirey ee ka gaadhay Darajada Koraneelka ee lagu magacaabo Caare. Caare Marka taariikhdiisa laga waramayo waxa la soo qaataa in markii dalka la soo galey uu dad ku laayey biliqo uu jiingado ka furanayey guryo dhisnaa, mudaa wixii ka dambeyeyna uu gaadhey derajada Koranelka. Weli taariikhdiisa kuma maqal inuu wax soo bartey,inuu kuliyada ciidan ka soo baxay,darajada sida uu u qaatey oo uu ku gaadhey Koranel iwm.Sidaa darteed miyaaney u muuqan in uu cadaalad daro ku helay derejada,kol hadii uu darajada si hadaalad daro ah ku helay soo maa aha in uu Cadaalad darada ku helo waxyaabo badan oo kale iley waa halkii uu ka soo aflaxaye.Hadii reernimo xitaa loo eego waxaa jiri kara tiro badan oo ay isku raas yihiin oo aqoon karti iyo wadaniyad ba leh oo u qalma derejada uu gaadhey iyo mid ka sareysa,kuwaas maxa garxajis ugu hadliwayey,in xaqooda helaan hadii reernimadu dhab inaga tahay,maxaa wadani ugu hadliwaayey hadii cadaalad raadintu dhab inaga tahay,mise arinku waa mushruuc kale,ragaasi weliba waa ka xishoonayaan iney reernimo wax ku helaan oo waxay aaminsan yihiin qaranimada iyo wadankooda,Kornal Caarana Mushaharkoodii buu ku sii faralaabey markii uu baxayey.Siyaasiinteenuna waa kuwa u doonaya in Caare xil loo dhiibo oo xitaa General laga dhigo Ciidamada Somalilandna uu hogaamiyo.

Waxaa ugu dambeeyey Cid u dooda Caare:

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Waddani Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Carab iyo labadiisa daan ayaa is qabta oo is qaniina, adduunyadana waxaa la inoo keenay in la ina imtixaano,waa la is qabtaa, wixii la isku qabtana waa laga heshiiya, sida aynu ognahayna Madaxweynayaashii taladda dalka u kala dambeeyey jabhadihii wey wada cafiyeen , oo may u kala eexan, haddii ay tahay Jabhadii Suldaan Wabar , Jabhadihii kala ee ka horeeyey ama ka dambeeyey, sidaas darteed waxaa jiray dadaalo ku waajahna arinta Caare, oo Odayaal dhaqan oo ah Odayaasha Caare ayaa nabad ka keenay Caare, markaas gobonimadu waxay ku jirtay inuu Madaxweynuhu wada cafiyo Caare iyo Ciidanka raacayba, oo uu tixgeliyo Odayaasha u tagay,balse may ahayn inuu Ciidan oo qudh uu cafis u fidiyo”.

Sida aan qabo gobanimadu waxay ku jirtey in Odayaashu soo kaxeeyaan Caare oo ay horkeenan Madaxweynaha yidhaahdaana Caare waa kan ku horfadhiya maanta Madaxweyne hadii aad Cafiyeysid iyo hadii sharciga lagu qaadayabo naga gudoon,weliba xisbiga wadanina goobjoog ka ahaado kulankaa iyo waliba xisbiga UCID.Ma waxay ka liitaan hoyadan qaadatey go’aanka geesinimada ah bal ila daawo:

Tan kale doodii Madaxweynaha iyo Odayadii(Garxajis) Caare may ahayn mid dheeli tiran oo ku miisaaman xaqiiqda jirta ee dhabta ah waxaa ka muuqday dhaliilo dhinaca farsamada ah oo ay ka mid ahaayeen:

  1. Mayirka Ceeri-gaabo oo halkii uu ka ma telilahaa maamulka gobolkaasi dhinaca reerka mateley, Sidee ayey u suurgal tahay masuul qaran oo metelayey degaanka gobalka sanaag oo dhan in uu af hayeen u noqdo beel waxay ahayd in uu xilka iska casilo oo uu siga oo shaqsi ah u dodo Caare iyo Beeshiisa.
  2. Madaxweynuhu Si dhameytiran oo Cad umuu soo bandhigin Dhibaatada Qrankan uu gaadhsiiyey Caare,Taariikhdiisa nololeed,dembiyada loo haysto,sida ay muhiim u tahay in maxkamad la horkeeno,oo marka la xukumo ama wax lagu waayo arintiisa dib loo eego.

Arimaasi waxay fududeyn lahaayeen fahamka rayi caalamka ee Caare ayuu yahay muxuu sameeyey ee dhiba oo lagu eedeynayaa.

Waa mahadsan tihiin dhamaantiin.

 La soco qaybaha dambe ……….

Read more from Opinion

Comments are closed.

%d bloggers like this: