Skip to content

October 23, 2019

KACAANKII KU DHASHAY DHIIG LA’AANTA BALSE DAADSHAY DHIIGII UGU BADANAA TAARIIKHDA SOMALIDA INTA LA OG YAHAY!

by M J Farah

Waxay ahay 21 Oktoobar 1969 kii Maalin Salaasa ah 3saac ee habeenimo,kolkii Saraakiishii ugu sareysey Ciidamadii Somaliya,ay afgabi kula wareegeen xukunkii dalkii Jahmuuriyada Somaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dadkii Somaliyeed ku soo dhaweeyeen heeso,iyo caleemo qoyan,waxaana dadku aaminsanayeen in ciidamadu ka dhiidhiyeen dhibaatooyin dhinaca siyaasada ,cadaalad la’aanta musuqa iyo eexda.Arintaasina waa mida u saamaxday in si niyad leh dadkii Somaaliyeed u soo dhaweeyaan.

Waxay Kooxdii Afgambiga ku qabsatey xukunku ku dhawaaqeen in dastuurkii dalka la laalay,wakiiladii laka direy la sameeyey Golaha Saree e Kacaanka,hogaamiyana uu u yahay Gen.Maxamed Siyaad Bare oo markaa ahaa Taliyihii Ciidamada muratiriga ee Somaliya.

Waxay soo saareen laba axdi oo ku saleeyeysan qodoba 13 ka kooban oo lagu dhaqayo siyaasada gudaha iyo debeda.

Dhalashada Kacaankii 21 Oktobar waxa dhiiga oo ku daatey ma jirin am acid kala hortimi xoog oo iska cabin kalama kulmin la wareegida xukunka,taasina waa tay iskugu magacdareen kacaankii aan dhiig ku daadan.

Bilowgii 4 sano ee ugu horeeyey waxaa kacaanku u muuqday mid dhiga horumarka iyo dal dhiska u socda,waxaa kordhay wax qabad ka sida Qoristii Afka Somaliga oo uu hirgeliyey,waxbeerashada oo la dhiirigeliyey,isku tashi dhinaca wax qabadka ah oo soo muuqanayey,waxaa aan taasna saldhig u ahaa dhalinyaro aqoon fiican leh oo xilal muhiima u magacaabey kacaanku hawl geliyey iyagu aqoontoodii uga faa’iideyey dalkoodii.

Kacaankii 21 Oktobar ee uu hogaaminayey Gen.Maxamed Siyaad Bare wuxuu Siyaasadii Dalka u jaheeyey dhinacaa iyo Shuuciyadii wuxuuna xidhiidh fiican la sameystey dalalkii Midowgii Sofiyeeti iyo isbahaysiyadoodii ,waxaana la abuuray xisbi hantiwaag ah Bishii Julay 1976 kaas oo saldhig looga dhigay siyaasada dalka ee dhinyada dhaqaalaha bulshada iyo ideology yadaba. Waxaa la abuurey Ciidamo loogu magac darey Guul-wadayaal oo ka kooban dadkii aan waxbaran ee aqoontoodu hoosaysey,waxaa la abuurey hawl wadaano xisbi oo aan iyagana lagu xushey wax loogu yeedhay kacaan yahano iwm dadkaasi oo 85% ahaa dad aan xitaa dugsi hoose ka bixin ,balse bartey afsoomaliga sida loo qoro ama qaarkood waxna akhriyi Karin waxna qori Karin oo ah ma gudbayaal.

Dadkii aqoonta,waya aragnimada lahaa ee hawlwadeegana iyo madaxda ka ahaa xafiiyada dawlada waxaa kacaanku u arkay kacaandiid oo shaqooyinkii baa laga fadhiisiyey,qaarna xabsiyada ayaa loo taxaabey,halkoodiina waxaa lagu bedelay dadkii aan aqoontaba lahay eek a soo gudbay koogagii aan waxba baran balse kacaanku u aqoon yaday kacaamiin daacad u ah kacaanka.

Maalintaa laga bilaabo waxaa bilawdey Burburkii aqoonta,waayo aragnimada,ee hawlwadeenadii meshiinka u ahaa shaqada dawlada,waxaana timi in nin aqoonyahana oo garanaya shaqada uu hoostago mid aan xitaa dugsi hoose ka qaadan shahaado,oo aan fahansaneen shaqada loo magacaabey balse bilada xisbii hantiwadaaga laabta ku sita oo loo gu yeedho kacaan,kaadir,hawlwadeen iwm.

Dhibaatooyinka uu Kacaankii 21 Oktobar uu soo gaadhsiyey Dalkii la odhan jirey Jamhuuriyadii Somaliya ma aha mid lagu soo koobi karo maqaalo iyo wax la mida,balse waa mid taagan ilaa hada waxaase lagu xusuustaa Arimahan:

  1. Xasuuqii Wadaadii ka horyimi Xeerkii Qoyska ee iyaga oo xaq ku doodaya lagu toogtay Xaqii ay sheegayeen.
  2. Xasuuqii Saraakiishii hogaaminayey dagaalkii 1977 kuwoodii ugu mudnaa ee dhagta dhiiga uu u darey Kacaankii 21 Oktbobar
  3. Xasuuqii 1978 kii ee Gobolada Dhexe markii majeerteenka lagu eedeyey inay inqilaab dhicisoobey dhigay.
  4. Xasuuqii 1984 kii Dadka rayidka ah ee iyaga oo ducaysanaya inta la soo qabqabtey lagu xasuuqay wakhtii uu taliyaha qaybta 26 uu ka ahaa Gen. Gaani gobolada waqooyi.
  5. Duqaytii iyo Dhiig bixii Magaalooyinka Hargeysa,Burco,Barbara, ee lagu dilay tiro boqolaal kun kor u qaaftey oo dad rayida ah Caruur,waayeel,iyo haweenba lahaa
  6. Dadkii Lagu Xasuuqay Gabiiley.
  7. Dadkii lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee Muqdisho

Iyo in badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin balse lahayo Data tooda oo ku hafidan meelo badan,hadii aynoqoto hayadaha caalamiga ah ee xuquuqda adamaha,dawladaha caalamka iyo Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa intuba waa laga helayaa xasuuqii uu geystey Kacaankii 21 Oktoobar waxaana lagu xusuustaa Kacaankii Xalaashaday dhiiga dadkiisa astaantiisuna waa Kacaankii “KACAANKII KU DHASHAY DHIIG LA’AANTA BALSE DAADSHAY DHIIGII UGU BADANAA TAARIIKHDA SOMALIDA INTA LA OG YAHAY!”

Arinta xiisaha lahi wali lama hayo cadaalad la horkeenay dadkii ka dambeyey xasuuqaasi balse waxaa lahayaa in Dawlada Federalka ee Somaliya u haysato Halyeyo qaran dadkii fuliyey xasuuqaasi aan qarsoomeyn ugu dambeyntii xasuuqayaashu waa ay helidoonaan abaalkooda mar uun ama Dunida ama Akhiro oo Allah ayaa Xisaabindoona hadii ay isleeyihiin dunida waa ku qarsoomaysaan oo dawlada Federalka ah ee Somaliya ayaa idin difaacaysa Alle (swt) cid kama difacidoonto. Dawlada Somaliya ee hadana waa qayb ka mid ah Kacaankii Siyaad Bare oo waxaaad kagaran kartaa ficilada xasuuqdoonka ah iyo habdhaqanka bulshada Somaliyeed ula dhaqanto.

Read more from Opinion

Comments are closed.

%d bloggers like this: