Skip to content

October 25, 2019

KUWII AAN DOORANAY BAA NA KHIYAAMAY!

by M J Farah

Waxay ahayd aroornimo Arbaca ah 10:00 barqanimo ee 24 July 2019, waxaa aan dhex lugeenayey wado cidhiidhi ah ee  suuqa gobanimo. Mudo laga joogo 23 Sano ah ayaa aan ka maqnaa magaalada Hargeysa,xiiso badan baan u qabey bal in aan wax badan ka ogaado,magaaladii aan ku dhashay kuna soo barbaarey, waxna ku soo bartey  Dugsiga Hoose,Dhexe New Hargeisa ,Shacab Boy,  ilaa dugsiga Sare Farah Oamar na ku dhameystey, bal xaalkeeda guud.Sidaa darteed waxaa aan u fiirsanayey wax kasta oo iga soo horbaxa dhegtuna waa I taagneyd . Waxaa dhegehayga ku soo duuley Ereyadaan iyo kuwo u dhow oo cabasho ah:

Meel la isku dhaafo ma jirto,ee iska suga inta jidku furmayo

I. Suuqyada

 waxay ka soo burqanayeen hooyoyin qudaarta ku gada magaalada hargeysa,gaar ahaan suuqa gobanimo, waa wadhatada qudaarta,balse dhibku iyaga oo qudha ma haysato,ee ganacsatada suuqa oo dhani waa la qabaan,dhibta xitaa suuqa gobanimo oo keliya ma aha ee cidhiidhigu meel walba waa ka jiraa, qof kastaaba waa dareemi karaa dhibta,cidhiidhiga.

Su’aalshii ugu horeysey ee aan isweydiiyey waxay ahayd:-

Hadii ay dhibaato la xidhiidha caafimaadka iyo badbaada (Health and Safety) maxaa ka dhalan kara suuqan?

Waxaa ku qiimeyey in aaney diyaar garow ku saabsan ka hortaga iyo u gurmasho midna aaney jirin ma ka helaysid calaamada khatarta,kama muuqdaan hadii dhibi ka dhacdo suuqa meela laga bixi karo ee dadku amaan bidi karaan, suuqaa dhami ma laha gargaar degdega ( FIRST AID) oo ay tahay meherad walba inay taalo sanduuqa yare  ee Gargaarka Degdeaga ah (FRIST AID KID).

Waxaa aan u doortey Su’aashaasi waxa ugu horeeya ee laga fikiro waa badbaada iyo nabadgelyada dadka sidaa darteed waa in muhiimada kowaad noqotaa suuqa in uu noqdo mid u diyaarsan ka hortaga dhibaato kasta oo ka dhalata hawlaha kala duwan ee nolol maalmeelka suuqa.

Hadaba Shaqadaa yaa u xilsaaran oo masuul ka ah? a- Ganacsatada b- Dawlada hoose

Iyo c– haydaha dabdamiska d- caafimaadka iyo Qofkasta oo ku nool goobtaa ama joogaa xilbaa kasaaran, caafimaadka iyo badbaadada suuqa.

Golaha deegaanka ee hargeysa,waxay ahayd shaqadooda loo doortey iney ugu horeyn xooga saaraan Caafimaadka iyo Badbaadada (Health and Safety) oo Caasimadu noqoto mid u qalanta caasimad leh arimaha aas aasiga ah ee Caafimaadka iyo Badbaadada ,qorsheyntooda, ku ilaalinta sharciga kormeerida iyo qiimeynta.

Ma waxaa la aqbali karaa magaalo madax intaas oo Gole deegaan leh in magaalada xitaa xafiiyada dawlada laga heli karan hal sanduuq oo ay ku jiraan agabka Gargaarka Degdega ah(First Aid Kid), iyo dad u tababaran oo caawiya marka qof u baahdo gargaar degdega inta gurmadka caafimaad soo gaadhayo.

Arinta Kale ee u baahan in laga fikiro waa Qabka loo agaasimo laydhka oo aan waafaqsaneyn qawaaninta Caafimaadka iyo Badbaadada (Health and Safety Regulations).

Magaalada Hargeysa iyo kuwo kaleba 0% waxay ku guuldareysteen in ay dabaqaan (basic standard health and safety international regulations).

II. Laydhka Hargeysa

Marka laga hadlayo laydhka waa in maskada lagu hayaa wadhaha ah Ugu horeyn  laydhka Badbaadada (Electrical Safety First).Waxaa ay xadhkaha laydhku ka wada laalaadaan qoryo aad u daciifa oo aad iska xajin Karin xitaa dabeyl yar oo soo dhacda leedheeda waxaa aad arkaysaa in aaney 10% ku habooneyn qodimada laydhka ee magaalada dhexdeedu laga taagey oo aaney safety ahayn, waxaa khatarta ay xadhka laydhku geesan karaan ka tahay 90% ma jirto cid kormeertaa cid masuuliyadeeda leh oo lagula xisaabtamayaa lama sameeyo test iwm.Waxaad arkeysaa xitaa qabka loo geliyo laydhka guryahu in aanu lahayn xitaa waafaqsaneyn nidaamka laydhgelinta ee caalamiga ah,ma jirto cid kula xisaabtanta shirkadaha laydhka aqoonta shaqaalaha geliya laydhka lama qiimeeyo,inanka laba cisho la tuso ayaa farsamo yaqaan loo yaqaan ama engineerba ah. Waxaa laga yaabaa kuwii aqoonta u lahaa in ay shaqo la’aan yihiin oo aan waxbaba loo diran.

Dadkii hawshaa lahaa waxay ku mashquulsan yihiin hawlo kale oo aan cidiba u diran, Haday Golaha degaanka tahay,hadey tahay dawladaha hoose kuwa gobolada,haydaha tayada iyo dawlada dhexeba waxaa shaqo laga dhigtaa Siyaasad iyo arimo kale oo aan loo idman waxaa aan qabaa in eeda aanay lahay cid qudha balse dhamaan ilaa goloyaashii kala duwanaa ee degaanda maayaradii kala dambeyey intuba ku guul dareysteen in ay wax ka qabtaan dhibaatada taala caasimada Hargeysa intuba waa dad u dhashay Magaalada mana dhibayso qaab darada iyo khatarta caasimadu markaa wax kale ma jiraane: kuwii aanu dooranay baa na khiyaamay!

Goldaloolooyinka iyo dayaca aan ku soo arkey hargeysa waa ka badan tahay labadaa aan xusey balse waxaa aan soo arkey magaalo ooyeysa daranyada iyo dayaca ka muuqda Jidadkeeda iyo guud ahaanba adeegii la filayey in ay fuliso, hargeysi waxay hooy u tahay dad kor u dhaafaya 1M oo qof waxaa ku jira dadkaasi :

-Madaxweynayshii qaranka soo marey ilaa kan hada, Ku-xigeenadoodii,golayasha qaranka,Madaxda Xisbiyada Wadani iyo UCID, Wasaaradaha iyo wasiirada heer qaran , Ganacsatada waaweyn ee Somaliland Sida Dahabshiil, Somcable iyo qaar kale. Intaas oo Culeys ah baa saran cid wax u qabatana waa la layahay xitaa qorshe wanaagsan oo magaalo madax baan diyaar u ahayn oo loo diyaarin mustaqbalka.

Read more from Opinion

Comments are closed.

%d bloggers like this: