Skip to content

November 13, 2019

JAMHUURIYADA SOMALILAND DAL DIMUQRAADI AH OO AY DAGAAL KULA JIRAAN XOOGAGA DIMUQRAADIYADA NECEB

by M J Farah

Marka aynu dhinac kasta ka eegno Somaliland waxa ku xeeran dalal aan intooda badani yihiin kuwo aaney ka dhalanba dimuqraadiyada casriga ahi oo weliba aanay ka jirin xasilooni siyaasadeed nabadgelyo iyo horumar bulsho. Tusaale fiican waxaa inoogu filan dalka ay Jaarka nahay ee Somaliya oo ah dal aan jirin dal ahaan balse u jira si qaynuuni ah oo caalamku sharci ahaan u aqoonsan yihiin dal balse ruux ahaan ah dal fashilmay, oo caalamkuna ku bixiyaan dhaqaale aad u balaadhan oo bilyans dollar ah oo lacag ah.

Somaliland beesha caalamku waxay markhaati ka tahay in ay horumar ka jirto dhinyada nabadgelyada, ismaamulka iyo jaar wanaaga.

Somaliland waxaa uu ka amaan wanaagsan yahay meelo badan oo dalalka horumarey ah,amaankiisuna waa mid laysku haleyn karo.

Weliba Somaliland waxay qayb weyn ka qaadataa degenaashaha iyo sugida nabada ee madaqada ay ku taalo.

Waa wadan aan la aqoonsan weli balse buuxiyey shuruudaha dawladnimada iyo wadan xor ah.Waa wadan inta badan ku hawlan arimihii gudaha,oo aan wax farogelina ku haynin jaarkiisa.

Somaliland iyada oo doorashooyin xora oo xalaal ah lagu doorto golayaashii iyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa,oo caalamku markhaati ka yahay aaney jirin wax ka qarsoon caalamka ayaa hada cadaw lagu yahay jiritaankiisa,oo mar walba laysku dayaa in la mijo xaabiyo jiritaanka Jamhuuriyadan Curdunka ah.

Sida aan hada rumeysanahay burburka Jamhuuriyadan waxaa daneenaya kooxo kala duwan kuwaas oo kaleh ujeedooyin kala duwan waxaaney adeegsanayaan siyaasiin reer Somaliland ah oo iyagu aad dan iyo muraad toon aka lahayn dadkooda iyo dalkooda toona.

Sidaa aan qabo way og yihiin wayna la socdaan bulshada caalamku,dhaqdhaaqyada ka soo horjeeda dimuqraadiyada Somaliland,balse waxbaa si ka ah fashilaada kooxahaasi iyo dalalka ka dambeeyaba.

Balse waxaa aan hubaa in dadka iyo dalalka khatarka ku ah dimoqraadiyada Somaliland iney khatar ku yihiin nabadgelyada geeska Afrika iyo tan caalamkaba.

Ninka ama kooxda maanta oo lagu jiro wakhti caalamku tuulo yar yahay oo dhaqdhaqaaq iyo xarakooyinka socda si weyn loo wada og yahay malaha kooxda ama ninka qoriga u qaatey dal dimoqraatiya oo madaxweynihii ugu dambeyey uu hada hayey 2 sano oo qudha ee leh xoog baan xukun ku rabaa oo dadka iyo dalka Ayaan ka ridayaa dagaalo iyo burbur malaha waxba ma dhaamo ninkii mar dhexdaa ah sheegtey inuu yahay madaxweynaha Somaliland ee hadana inagu yidhi sidan:

Soo dhaweyntii Madaxweynaha

Jabhadan lagu dhawaaqayaana kama duwana uun arimaha aan ku dhisnayn caqliga iyo cilmiga ee lagu Khalkhal gelinayo nabadgelyada iyo dumuqraadiyada Somaliland.

By Dr. R Ahmed

Read more from Opinion

Comments are closed.

%d bloggers like this: