Skip to content

November 17, 2019

Ma Mudaharaad Mise Qas iyo Qalalaase?

by M J Farah

The Human rights act ayaa qodobkiisa 11 aad qeexayaa xaqa mudaharaadada ay u lee yihiin adamigu kaas oo si fiican u sharxaya in dadku samey karaan isku soobax nabad ah oo aan wax dhibaato ah keenin, waa la isku soo bixi karaa,shir jarayid baa la qaban karaa,waana laga qayb geli karaa ururada iwm ,qodobkan ayaa ah midka loo cuskado sharciga mudaharaadada ee shuruucda xuquuqda adamaha.

Article 11 Right to protest and freedom of association

Dalkastaba dastuurkiisa ayey ku qeexan tahay xuquuqda ay muwaadiyiintu u lee yihiin in ay mudaharaad nabad gelyo ah sameen karaan.

Hadaba sida ay xaq u tahay in aad abaabushid mudaharaad,ka qayb gashid si nabadgelyo ah ayey dhinaca kale la xadidi karaa mudaharaadada balse waxaa muhiima in la eego arimahan:

  1. Xadidaada mudaharaadu waa in ay sharciga dalka waafaqsan yihiin oo uu jiraa sharciyad loo cuskanayo in la xadido
  2. Waa in uu noqdaa mid lagama maarmaan ah oo laga fursan waayey
  3. Waa in loo racaa mid ama in ka badan arimahan :
  4.  the interests of national security or public safety
  5.   the protection of health or morals
  6.  The protection of others’ rights and freedoms.
  7. the prevention of disorder or crime

Hayadaha nabadgelyadu (Army Force, Police others) waxay xayiraad sharciya ku sameyn nayaan isku soo baxyada  markey u cadaato jiritaanka arimahaasi kor ku xusan in ay jiraan qodobka 11 ee xuquuqda mudaharaadana waa la xayirayaa.

Hadaba sida aan u arko Mudaharada ay ku baaqeen Xisbiga wadani maha mid ka madhan dhibaatooyinka iyo hagardaamada danaha qaranka Somaliland balse waa mid ay ka dhalan karaan dhibaatooyin xaga nabadgelyada ah lidna ku ah danaha nabadgelyada qaranka ee Somaliland xiligana looma baahna mudaharaado noocaas ah iyada oo la og yahay in ay baryahan dambe jiraan kooxo hubeysan oo khatar u ah nabadgelyada qaranka Somaliland oo ku hanjabayey iney waxyeeleen doonaan Qaranimada,iyo amaanka dalka. Sidaa darteed Xisbiga wadani waxaa ugu baaqayaa inay mudaharaada dib ugu dhigtaan wakhti ku haboon oo ciidamada amaanka kala shaqeeyaan nabadgelyada iyo xasiloonida dalka una hogaansamaan shuruucda dalka iyo nidaamka amaanka qaranka,dawladana waxaa aan ugu baaqayaa in ay ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta,iyo amniga guud ee qaranka sharciguna uu noqdo ka lagu kala baxo.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: