Skip to content

November 22, 2019

SIYAASIINTA SOMALILAND WAXAY U BAAHAN YIHIIN IN LA BEDELO

by M J Farah

Waxaa aad moodaa in ciwaanka maqalkaygani la yaab ku noqon doono dad badan balse baadhitaan iyo daraasada in mudo ah aan ku eegayey hab dhaqanka Siyaasiinta Somaliland intooda badan ayaa waxaa ii soo baxay in mushkilada khilaafaadka ee mar walba dhibka ku ah horumarka,hanaqaadka ,aqoonsiga iyo barwaaqeynta dalkan curdinka ah uu salka ku hayo in aaney jirin oo meesha ay ka maqan yihiin Siyaasintii bulshada hagi lahaa kuwan aaynu maanta haynaana ay yihiin intooda badani dhibta iyo tacadiyada horumarka bulshada Somaliland.

Hadii aynu si agadami ah u sharaxno siyaasiyiinta waxaa ay yihiin waxaynu heleynaa fahanka siyaasiga iyo siyaasiinta sidaa darteed aynu iswaydiino su’aalahan kooban?

  1. Waa maxay siyaasi?

Siyaasi waa shaqsi ku firfircoon siyaasadaha xisbi , ama waa shaqsi haya ama doonaya in uu xil ka qabto dawlad.

Sidaa darteed Siyaasiina waa wadarta ereyga Siyaasi uun.

Halkaa waxaynu ka garan karnaa in siyaasugu ahayn qof la soo qasbay balse inta badan uu isagu isku gartey in uu siyaasada saaxadeeda yimaado.

Siyaasiintu waxay soo jeediyaan, taageeraan oo abuuraan sharciyo.

Hadaba Siyaasiinta marka aynu eegno waa kuwo saameyn ku leh dal kasta horumarkiisa iyo dubudhaciisa oo muhiim u ah qaran jiritaankiisa iyo burburkiisa labadaba.

Taariikh ahaan Somaliland  waxaa gumeystihii boqoryoda ingiriisku soo gashay 1884 waxayna ku soo galeen heshiis ay la galeen odaydii Somaliland ee wakhtigaa ku jirey kaalinta siyaasiinta maanta ee casriga ah.Nasiib daro odayadaa taariikhdooda iyo waxa ay qabteen heshiiskii qodobadiisii midna laguma xusin taariikhdii lagu dhigan jirey dugsiyada dalkii Somaliya la odhan jirey oo maanta anigu ma hayo magacyadoodii taasina oo mid ka mid ah qarinta iyo aasida taariikhda iyo halgamayaashii dalka somaliland.

Maxaynu uga baahan nahay in aynu bedelno siyaasiinta ?

Isbedel ku yimaada hab dhaqanka siyaasiinta Somaliland waa mid baahi weyn loo qabo sababta oo ah waxay meel cidla ah mar walba kaga tagaan dalkii iyo dadkii reer Somaliland taas waxaa makhaati ka ah ficiladooda taariikhdiga ah oo ay ka mid yihiin kuwan:

  1. 26 June 1960 waxaa xornimadii qaatey British Somaliland waxaana markaa taladii wareejiyey ,Sir Douglas Hall mudadii u dhaxaysey
    11 Jul 1959 – 26 Jun 1960   ahaa gudoomiyihii ugu dambeyey ee maamula intii maxmiyada Engiriisku ku jirtey Somaliland.
  2. 26 Jun 1960 Taladii dalku waxay gacanta loo geliyey siyasiintii Somaliland oo markaa uu hogaaminayey Alle ha u naxariistee Maxamed X. Ibrahim Cigaal

Sida ay yidhaahdaan dadka taariikhda Somaliland ee aan qoreynini tabiyaan in bilaa shuruud dawladnimadii Somaliland lagu geeyo koonfurtii Somaliya ee talyanigu gumeysanayey waxaa sabab u ahaa:

  1. Xifaaltan iyo xasad ka dhex dhashey siyaasiintii wakhtigaa taas oo salka ku haysey si Maxamed X. Ibrahim u noqon hogaamiyaha Somalilanta xorowdey oo halkii maxamed madax u noqon lahaa laga door biday in geeyaan xornimo aan shurud lahayd midowga walaalaheen konfureed hadii shuruudo la geeyo ileyn wasiirka kowaad Maxamed X. Ibrahim baa noqonayee si aanu booskaa u helin baa dalkaas dhan xuquuqdiisii lagu duudsiyey.
  2. Iyada oo Siyaasiintii wakhtigaasi si fiicaan u dersin xaadada oo aaney meel isla dhigin si fiicaana u wada hadal xisbiyadii markaa jirey oo dhexdooda isa saxin ayaa jujub xamar lagu tagey taas masuuliyadeedana waxaa lahaa siyaasiintii wakhtigaa.
  3. Dadka qaarkii waxay eeda dusha u saaraan Siyaasiintii beesha Habaryoonis oo ay yidhaahdaan iyaga yaa masuul ka ahaa inta badan in aan lagu heshiin gudaha Somaliland intaan la tegin koonfurta wakhtigaasi

Arimaahsi aynu kor ku soo sheegney waxay tusaale fiican u yihiin sida ilaa hada Siyaasiinta maanta ee Somaliland uga faa’iideysan taariikhihii hore oo ay mar walba ugu noqnoqonayaan khaladkii shaley ee burburka iyo khasaaraha dhaliyey maanta bal u fiirso arimahan:

Somaliland waxay xoriyadeedii dib ula soo noqotey 18 May 1991 waxaana mudadaa laga bilaabo socdey dhismo dib loogu yagleelayo Somaliland cusub oo ka duwan tii 1960. Balse Siyaasiyiintii dambe ee u hana qaadey Somaliland waxay noqdeen kuwo dhaqankoodu yahay uun dabacadihii lagu guurdareystay ee 1960kii waa kuwo aan ka faa’iideysan waayo aragnimadii laga dhaxley taariikhdii hore loo soo marey,waa kuwo aan lahay arimahan:

Aragti fog oo Siyaasadeed, Hal abuur ,wadaniyad, hogaamin iyo fikir waxbadeli kara,Sharci u hogaamsamid iyo dhowrid midna asal ahaan ma jecla,waa kuwo ismuujin iyo xoog aaminsan,waana kuwo ka fikireyn mustaqbalka dadka iyo dalka balse inagu beel laxawsada qabiil jilib iyo wax aan meel ina geeneyn sidaa darteed waxaa keliya ee inoo furani waa in aynu isbedel ku sameyno siyaasiinta oo aaynu bedelno dhaqankooda doorano kuwo wadaniyiin ah aragti siyaasadeed oo fog leh,waxna ka qaban kara baahiyaha baahsan ee jira .

Saddexda xisbi iyaga oo sii kala liita hadana waa kuwo iskaga mid ah nuxurka aan qorneyn oo ah cuqaal reereed siyaasad ku dhisan ma aha xisbiyo ku dhisan mabadiida xisbi qaran balse waa xisbiyo u muuqda in la mara habaabiyey oo aan lahay hogaamin xisbi siyaasadeed oo casri ah.

Isbedelku waa xalka keliya ee lagu heli karo siyaasiin wadaniyada kor u qaada qabyaaladana u dhaafa sidii Alle inoogu sheegey in ay tahay.

Mahadsanidin dhamaan

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: