Skip to content

November 27, 2019

Xisbiyada Somaliland ee Siyaasada Kolba Sida aan Mid u nacayey Ayaan wada nacay

by M J Farah

Xisbi Siyaasadeed waa urur ay ku midowbeen  koox dad isku fikir,iyo aragti ah dhinaca kalena siyaasada xisbigooda iney ku hantaan hogaaminta dalka si ay ugu dabaqaan si ficil ah ah aragtidooda siyaasadeed,dhaqaale iyo bulshoba.Xisbiyada Dumuqraadiyada ku dhisani waxay talada dalka kula wareegaan qaab doorasho ah, markaa doorashadu waa qaabta ugu muhiimsan ku guuleysashada hogaaminta dal ama xisbiba.

Somaliland waxa ka jira 3 saddex Xisbi Siyaasadeed kuwaas oo kala ah:

  1. Xisbiga Kulmiye
  2. Xisbiga UCID iyo
  3. Wadani

Saddexdan Xisbi waa Xisbiyada siyaasada ee Somaliland ee sharciga ah waana kuwa ay ahayd in ay dhibaatooyinka iyo tabashooyinka bulshada Somaliland wax ka qabtaan,oo kolba xisbigii talada dalka qabta labada xisbi ee kala ku ilaaliyaan maamulka iyo khadka siyaasadeed ee dalka sida dastuurka iyo shuruucda kaleba.

Hadaba saddexdan Xisbi ee Somaliland waa kuwo mar ka aynu daraasiyadeeno aan weli dhameys ahayn oo daldalloolooyin waa weyn leh oo noqday god bahalo galeen ah, oo si fudud iskaga soo geli karo qof kasta oo aan wadin danta siyaaasada iyo horumarka Somaliland, iyada oo rukunada aas aasayasha looga saari karo si fudud.

Taas waxaa aynu ku cadeyneynaa waaqica dhabta ah ee maanta iyo xisbiyada Siyaasadeed ee Somaliland ugu horeyn aynu u milicsano mid mid:

  1. Xisbiga Kulmiya

Xisbiga kulmiye oo ah xisbiga hada talada dalka Somaliland hayaa waa xisbiga marka la barbar dhigo labada xisbi ee kale loogu qaatey ee aad is odhaneysid wuxuu lee yahay muuqaal xisbi siyaasi ah

Tusaale

  1. Waxaa hogaankiisa sare isku bedelay laba hogaamiye oo kala ah Mudane Axmed Siiraanyo iyo Mudane Muuse Biixi oo hada talada Xisbiga haya.
  2. Xisbigu Labadii doorasho ee u dambeyey ee dalka ka qabsoonteyba isaga ayaa ku guuleystey,kol hadii laba jeer oo isku xigta la doortayna waxaa kuu muqaneysa in dad badani xisbiga kalsooni ay siiyeen,oo siyaasadiisa la dhacsan yihiin.
  3. Dadka Xisbiga hogaankiisa ku jiray ee iscasilay labadii sano ee u dambeyey aad bay u hooseeyaan marka loo eego xisbiga wadani oo aad u sareeya kaadirinta saree e xisbiga iskaga baxay, taasina xisbiga kulmiye waxay muujinaysaa in weli aaney isbedel ku iman kalsoonida ay kaadiriinta xisbigu ku qabaan hanaanka shaqada xisbiga.
  4. Xisbiga Kulmiye waxaa uu ku dhamaa labada Xisbi waxaa ku yar Qabyaalada qaawan ee laga dhex arkayo,maqlayo bulshada iyo media yaha dhexdooda ee madaxda xisbiyadu adeegsanayaan.
  5. Xisbiga Kulmiye waxaa ku yar aflagaadooyinka tooska ah ee shaqsi cayga tooska ah, ee aan ku dhisney daliil shaqo.

Xisbiga kulmiye Waxaa aan ku nacay oo aan Saluugsan ahay isaga oo aan weli si casri ah oo hogaamin sare ah u bisleyn kaadiriintiisa,dawlada ku ilaalin balanqaadyadii ay ku gashay doorashooyinka iyo fulintooda, isaga oo aan la hayn barnaamuj cad oo ku saleysan stragy dii lagu hanan lahaa quluubta bulshada caalamka ee qadiyada somaliland.

2. Xisbiga UCID

Xisbiga UCID waa xisbiga ugu da’da weyn Xisbiyada ka jira Somaliland sida uu inta badan Gudoomiyaha xisbigu inoo sheego waxaanu ku aragnaa xisbigan:

  1. Ma laha nuxur Xisbi Siyaasadeed balse waa xisbi u muuqda xisbi magaca uun xisbi karan ka ah iyo dhinaca sharciga
  2. Waxaa hogaamiya Mudane Faysal oo aaney cid kula tartanta xisbiga aaney jirin,waana xisbi kelidii talis oo nin qudhi ah u iska lee yahay taas waxaa aad markhaati kugu filan
  3. Mar walba waa musharaxa xisbiga xitaa isaga oo 3 jeer oo hore ku guuldareystey musharaxnimada xisbiga ayuu doorashada dambena ina hor iman doonaa
  4. Waxaa uu aaminsan yahay in xisbigu yahay mid beeshiisu ku ilaaliso oo beeshiisu codka ay siiso sida uu inta badan inoo sheego oo uu ina yidhaado beesheyda ayuun baa I dooratay oo codka ka helay,isaga oo aan xitaa xusin dadka kale ee reer Somaliland ee codka siiya.
  5. Waa Xisbi aan lahay hadaf siyaasadeed,balse ku dhexnool duruufaha siyaasdad ee Somaliland inta badana waxa aynu odhankarnaa waa xisbiga hogaamiyihiisu ugu balan ka bax badan yahay ee aan la aamini karan marka loo eego habdhaqankiisa taas waxaa kuu cadeynay  oo tusaale kugu filan arintii uu kaga baxay balantii uu la galey Jamaal Cali Xuseen oo uu kaga baxay musharaxnimadii uu u cumaamuday.
  6. Waa xisbi u dhisan ku danaysi shaqsi keliya waxaa uu dhisan yahay oo keliya danaha gudoomiyaha xisbiga tusaale ma arkeysid xisbiga oo mucaaridnimo iyo talooyin saxa bixinaya marka danaha qaranka ee guud laga hadlayo:-
  7. Kama damqanayo biyo la’aanta,wadao xumida iyo dib u dhaxa dhaqaale ee dalka
  8. Kama qaab qaato dhexdhexaadinta arimaha nabad gelya iyo danaha guud ee qaranka balse danaha gaarka ah ee dhinacyada siyaasada sida doorashooyinka,komishanka iwm waa u dagaalamaha kowaad ee safka hore uga jira dooda iyo dacwada.

Xisbiga UCID waxaa aan ku nacay waa xisbi shaqsi ligii ka taliyo oo uu aaminsan yahayna in uu keligii lee yahay dhistey,reerkiisa oo qudhina uu codka uu ku soo boxo ka helo.

3. Xisbiga Wadani

Xisbiga wadani waa xisbiga ugu dada yar 3 xisbi waana xisbii kaalinta 2aad ka galay doorashadii ugu dambeysey ee Somaliland.

Wadani waxaa uu Siyaasada Xisbiyada Somaliland ku soo kordhiyey ficilo dadka reer Somaliland intooda badani walaac ka muujineyso Waxaana ka xusi karnaa:

  1. Waa Xisbiga keliya ee ololihii ugu dambeeyey ee madaxnimada ku ololeeya Cayda Musharixii Xisbiga kulmiye oo waxa uu ololahiisa u adeegsadey cayda musharixii la tartamayey isaga oo xisbigu goobaha ay iskugu soo baxaan taageerayaashiisa keenayey ninba ninka uu kaga cayi og yahay muuse biixi, halkii uu wax qabadka iyo sidii uu dalka u dhisi lahaa kaga ololeyn lahaa ayuu muuse biixi caydiisa uun ku mashquuley taasina waa ta keen tay in uu guur dareysto doorashadii
  2. Xisbigu waa xisbiga keliya ee dhisay qaab dhismeyd ku cusub dhismaha xisbiyada:
  3. Gudoomiye ku meel gaadha iyada oo Gudoomiyihii Joogo
  4. Hogaamiye Xisbi iwm,taas oo uu uga danlahaa ku soo jiidasho codeeyayasha ku codeeya qabyaalada ee aan ku codeyn aragti xisbi iyo mabda toona.

Arintaasi oo iska ahayd uun xeelad siyaasadeed balse dhinaca kale waa ifaafaalayaasha cusub ee xisbigu soo kordhiyey.

  •  Xisbigu waxaa uuurursadey Shaqsiyaad ka soo horjeeda Somaliland inay ka ka godo Somaliya, ama kuwo ku guul dareystey siyaasada,oo hore loo ogaa in ay ku saaqideen siyaasada .
  • Xisbiga wadani waxaa uu ku wareeeray qaabkii uu u hanan lahaa maamulka dalka,isaga oo la aamin san yahay in uu lug ku lee yahay jabhada ka soo muuqday meelo ka tirsan Jamhuuriya Somaliland, halkii uu dib uskugu habeyn lahaa doorasho cusub iyo taakikooyin uu ku gaadho hogaanka ayuu ku dhacay dabinka xasadka iyo xinka, tanina waa sababta ilaa hada hortagan doorasho loo galo barlabaanada,degaanada iwm..

Xisbiga Wadani waa Xisbiga ugu liitaa dhinaca arimaha qaranimada Somaliland waana xisbi aan lahay aragti siyaasadeed oo lagu hagaajinayo siyaasada,dhaqaalaha iyo bulshada waxaana aan ku nacay mar walba waa caqabad ha kinaya horumarka bulshada iyo afxumo joogto ah oo ay xubnihiisu caadaysteen taasna xisbiga hogaankiisu u xusho jagooyinka sare kolba midka ugu cayda iyo afxumada badan tartaranka Cayda Madaxweyne Muuse iyo Beeshiisa, Taas micnaheedu waa hadii aad rabto in aad xil sare lagaaga magacaabo xisbiga wadani waa in aad ku sifoowdaa laba arimood :

  1. Waa in aad isku beel tihiin Mudane Cabdiraxmaan Ciro oo ah Gudoomiyaha xisbiga
  2. Waa in aad Si fiican u Caayi Taqaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Beeshiisa

Labadaa arimood hadii lagaa helo waxaa aad tahay geesi wadani ah xilkaaguna waa wadani in aad hogaamiso.

Arimahaasina waxay xisbiga wadani gelinsiiyeen in uu lumiyo hogaamiyaal door weyn ku lahaa dhismaha iyo inuu xisbiga wadani ku soo boxo kaalintii xisbiyada siyaasada,balse waxaa aynu eegin halkuu ku dambeeyo wadani aniga oo saadaalin kara in uu ka sii baxayo saaxada siyaasada hadii aanu la iman isbedel weyn oo xisbiga u haga dhinaca guusha.

Saddexdan Xisbi waa kuwo hagaasiyey siyaasadii kori lahayd ee somalilalnd iyaga ayaana masuul ka ah citiraaf la,aanta,sixir bararka,qaybyaalada,hogaamin xumida, iyo aragti la,aanta sidaa darteed waxaa la joogaa wakhtigii wax garadka soomaliland loo furi lahaa xisbiyo cusub oo ka aragti iyo raad duwan kuwan manta ee aan dananeyn dadka iyo dalka balse ay u muuqato kursi aan wax kale ka hooseyn.

Hadii Xisbiyada Somaliland ahaan lahaayeen kuwo Firfircoon looma baahdey in ay cidi dhexdhexaadiso xisbiyada iyo dawlada ee iyaga ayaa sharciga iyo dustuurka ku kala bixi lahaa balse waxaa kolba cid kale uGu gurmanaysaa waa liidnimada iyo fadhiidhnimada xisbiyada qaranka oo doorkoodii lumiyey taasi waata keentay in kooxo kale dhexdhexaadin galaan sida madaxsha,ganacsato iwm, halkii haydaha dastuuriga ah iyo xisbiyadu doorkooda qaadan lahaayeen ayeynu arkeynaa saddex nin oo keliya oo loo gar qaadayo oo la lee yahay Ciro,Faysal iyo Muuse bixi ayaa is mari waayey oo talo loo soo jeedinayaa la dhexdhexaadinayaa aawey doorkii ururadii siyaasadeed iyo haydahii qaynuuniga ahaa ee ka gar naqi lahaa isqabsiga arimaha farsamo iyo maamul ee dalka.

M J Farah BEng (hon), BA. Certificate H.W. A PhD Research Proposal

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: