Skip to content

December 12, 2019

GOBOLANIMADII OODEY ILMO GABAX KA SIISAY CIDI U HIILIN WEYDEE……..?

by M J Farah

Waxaa aad arkeysaa xoriyadii iyo madaxbanaadii Somaliland oo faashash waaweyn lagu jafayo oo weliba kuwii u dhashay faashash loogu soo dhiibay si ay ula dhacaan oo ay u burburiyaan,cida ka dambeysa iyo danaha laga lee yahay waa kuwo saddex weji oo kala duwan leh,balse si ay ugu guuleystaan ujeedooyinkaasi oo ay saddexdaa qoloba waxay ka siman yihiin in inta miishaarta ugu dambeysa lagu jarin la jicliyo oo loo bulshada Somaliland loo bisleeyo fikir ahaan in Somaliland la kala lee yahay oo aan la wada lahay aragtida iyo ujeedooyinka ka dambeeya afkaartan:

  1. Somaliland Lawada lee yahay

Ereyga Somaliland lawada lee yahay waa Faashka ugu afka weyn ee aad loo soo soofeeyey ee lagu xaabinayo jiritaanka Somaliland waana ifafaale muujinaya in 3 saddexda awoodeed ee  ka dambeysa mijo xaabinta Somaliland ay ku mideysan yihiin in fikirkaas lagu jilciyo oo lagu fududeeyo sidii loo kala daadin lahaa ,loona kala qaybin lahaa beelaha Somaliland si ay si sahal ah faashka loola dhaco xoriyada Somaliland.

Saddexda kooxood ee mid waliba  rabo in Somaliland saaxada Xoriyada ka baxdo oo aan qoraalo dambe ku muujindoono waxay kala yihiin balse aan si guud uun u dulmarayo aragtidooda iyo hadafkooda kala duwan waxaa aan jecelahay in aan yara tilmaamo balasha ay ku duulaan oo mid walba maalin is cadeynayaan akhriste bal u fiirso oo la soco Social Media:

Xeeladaha la rabo in maskaxda dadka Somaliland ee wadankooda jecel lagu niyad jibiyo waxaa ka mid :

2. Marin habaabin (misleading): waxaa la inoo taxaa shax dad shaqaale ah oo la heeyahay waa isku beel oo xafiis dawladeed ka shaqeeya,taas oo la lee yahay beel baa u badan arintaasi waxay tahay mid lagu marin habaabinayo muwaadiyiinta Somaliland  tusaale 1.

Marwada Barnamujkan daadihinaysa oo hadhwanaagnews aan ka soo xigtey am aka soo qaatey waxay magaceeda inoogu sheegeen Bushaaro Baanday  waxay ina baraysaa in mudadii yare dee 2 sano ah71% shaqaalaha xarunta madaxtooyada ee hargeysa ay hal beel yihiin oo la beel ah

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi . arintaasi  waa mid xaqiiqada ka fog waana mid ka mida xeeladaha khatarta ah ee faashashka Somaliland qaranimadeeda la rabo in lagu dhantaalo dadkana layskaga horkeeno daraasado beena oo aan waxba ka jirina la malo awaalo oo xitaa qaabka wax loo darasadeeyo iyo aqoonta darasaba ceeb ku ah.Muuse Biixi ka korba waa arin jirtey oo Wakhtigii Madaxweyne Axmed,Riyaale  ilaa Maxamed Ibrahim dhamaantood lagu sunti jirey waana dood aad raqis u ah oo aan ahayn mid siyaasadeed waa arin farsamo iyo shaqaale balse ma ina tuseyso xaqiiqo dheeli tiran,siyaasada maamulkuna ma aha mid 4.5 lax lagu qaybsado oo dastuurka Somaliland kuwa taalo shaqaalaha hoose ama kuwa sareba in reer iyo beel lagu saleeyo taasi waa siyaasada federalka Somaliya ee haykalkooda dawlada sheeko ka soconeysa Somaliland ma aha.Tan kale

Somaliland waxay ka kooban tahay Gobolo 6 lix ah gobol kastaba waxaa jooga shaqaale dawladeed oo wasaaradaha kala duwan ee dalka ah, shaqaalaha dawladuna waxay ku kala nool yihiin goboladaasi kolkaa gobolka maroodijeex ayey ku taalaa madaxtooyadu markaa waa wax iska caadiya in shaqaalaha u bataan gobolka ay ku nool yihiin,waxay maraynaa oo la inala marayaa in ilaa shaqaalaha aan xirfadaba lahayn ee ka shaqeeya madaxtooyada sida kuwan nadaafada iwm in inta lagu daro la yidhaahdo 71% shaqaalaha madaxtooyada hargeysa ka shaqeeyaa waa reer oo markaa waxaanu raadinaynaa Somaliland lawada leeyahay waa sheeko caruurtuna fahmi karto afkaarta noocaas ah, hadii madaxtooyada Hargeysa ku taalo in shaqaalaha hoose u bataan dadka deegaanku waa iska wax cad.Shaqaalaha Madaxtooyada Burco ama laascaanood ayaa u badanaya dee dadka degan degaankaasi,Borama Barbera gobol walba shaqaalaha waxaa u badanaya dadka gobolkaasi caalamkana waa sidaasi oo degaanka dadka u badan ayaa shaqooyinka degaankana u badanaya.Balse Madaxda Saree e Agaasimayaasha Guud ,Mareeyayasha Guud iyo Madaxda haydaha Madaxa banaan ee Dawlada kuwaasi waxay ku yimaadaan qaab ka duwan kuwa shaqaalaha hoose .

Afkaarta noocaas ah waa kuwo fidmo lagu kala dhexdhigayo beelaha Somaliland waana kuwo khatar ku ah danaha qaranka side darteed dadka Somaliland waa in ay ka foojignaadaan dabinada danaystayaasha wixii xaqiiqa ah ee qaldan waa la tilmaami karaa balse  wax aan jirin cidina maqaadanayso.

Markhaatiga kale ee cadeenaya in weeraro qorsheysan Gobanimada Somaliland lagu hayo oo weliba dadkeeda loo adeegsanyo waxaa ka mid ah article kale ee ku soo baxay hadhwanaagnews.com ee odhanaya:

Dhalinyaraddii Somaliland oo ku sii qulqullaysa Muqdisho Iyo Xukuumadda Farmaajo oo Xafiis u SamaysayDhalinyaraddii Somaliland oo ku sii qulqullaysa Muqdisho Iyo Xukuumadda Farmaajo oo Xafiis u Samaysay

Dhalinyaraddii Somaliland oo ku sii qulqullaysa Muqdisho Iyo Xukuumadda Farmaajo oo Xafiis u Samaysay

Kampalla(HWN):-Waxa labaddii sanadood ee u danbeeyay ku sii qulqullaayay Caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho dhalinyarro u dhalatay Somaliland, kuwaasoo niyad-jab ka qaadday Xukuumaddihii isaga danbeeyay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, gaar ahaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee hadda labadda Sanaddood marraysa.

Waxaa aan qabaa in farmaajo hadii ay dhab ka tahay in uu dhalinyaro daryeelo kuwa dalkiisa ee baayaha kala duwan iyo dhibaatooyinka shaqo la’aaneed iyo waxbarsho ee colaaduhu jaajamiyeen xafiisyo ha u furo,nabadoodana ha sugo balse

Waxaa maqaaladaasi yihiin kuwo in yar uun ka ah faashash dhiiga badan in lagu daadiyo loo qorsheeyey ama cida la adeegsanayaa ha ogaato ama ha lagu qaldo ee waa mid aan shaki ku jirin in uu yahay dagaal loo cadeystey jamhuuriyada Somaliland iyo dadkeeda duruufaha dhaqaale iyo xaalada adag na la arabo in looga faa’iideysto muuse biixi waa shaqsi waan necebahay qaranimada Somaliland iyo xoriyadeeda looma burburin karo anaga ayaa ilaashanayna difaacayna qaranka xornimada dalkayaga,Muusena Waa madaxweyne mudo kooban oo hada 3 sano ka hadhay xilka haynaya waana uu ka tagayaa markuu xilkiisu dhamaado mudada laakiin Somaliland Qaranimadeedu waa Joogeysaa oo waa wadankayga aan jecel ahay waxaana rabnaa in aanu hagaajino wixii qaldan oo uu wadankaygu noqdo mid ubadkayga iyo ubadkooda wakhtiga fog ku noolaadaan nolol dhinac walba ka horumarsan balse taariikhda wixii nagu dhacay ma rabno in ay caruurta aanu awoowyada u noqondoonaa lagu xasuuqo sidii la loo xasuuqay 1988kii.

Dad badani dhaqaale iyo wax la quuto ayey aragtidoodu ku kooban tahay balse dad badan iyaga oo gaajeysan ayey dhexda u xidheen Somaliland dhismaheeda iyo horumarkeeda waxaa aan ku soo khatimayaa baroortu beel baa wax bursatey ka weyn ee halka loo socdo mar dambebaad garan,ee hadii aanad aminsananey Somaliland aralada Alle waa balaadhan tahay ee iska shaqo tag.

MAHADSANIDIN DHAMAAN

Tiraacyo: hadhwanaagnews.com

Read more from Articles, Politics

Comments are closed.

%d bloggers like this: