Skip to content

December 26, 2019

WADA HADAL MADADAALO U EG SOMALILAND IYO SOMALIYA OO MADHALEYS AH DUQON BAAN OGEYN UJEEDADA KA DAMBEYSA NIN RAG AHI SE WAA GARANAYAA

by M J Farah

Siyaasiyiinta Somaliya Hadey Jecel Yihiin Wada Hadal Iyo Midnimo Ha Ka Bilaabeen Xasuuqii Somaliland Ka Dhacay Iyo Cida Masuuliyadeeda Lahayd In Ay Cadaalad Hor Keeneen Balse Intey Geesiyaal U Yihiin Wada Hadalku Waa Marin Habaabin Xuquuqeed

Waxaa aan mudooyinkan dambe maqlaa Somaliland iyo Somaliya ayaa lawada hadalsiinayaa ama wada hadlaya shirar ay soo qabaqaabiyeen ururo muxali ah oo ka soo jeeda Somaliya,wada hadalo dawlado shisheeye maamulayeen oo lagu wada hadashiinayey somaliya iyo Somaliland.Waxaas oo dhami waa ujeedooyin qorshe fog leh ooh al dhinaci wadato ujeedooyin aan muuqana laga leeyahay,oo Somaliya Siyaasiinteedu ku aasayaan arimo taariikhi ah iyo fal dambiyeedyo ay galeen dawladihii kala dambeeyey ee Somaliya taas maxaa ku cadeynayaa arimo badan oo waaqici ah oo xitaa caruurta dugsiyada hoose dhigataa ay fahmi karto,balse siyaasiinta iyo aqoonyahanka Somaliland ay isdiidsiinayaan ama daqooniimo ha ka ahaato ama ujeedo kale ha ka aaminsanaadeene  bal u fiirso oo dhuux sida ay u kala fog tahay hadafka siyaasiinta Somaliya iyo Kuwa Somaliland iyo ujeedooyinka ka dambeeya in Somaliya Siyaasiinteedu adeegsadaan qorshe xirfadeeesan oo khatar ku ah jiritaanka Somaliland waxaa kow ka ah :

  1. XASUUQII SOMALILAND EE BALAADHNAA OO LA RABO IN LA TIRTIRO

Dagaalka Siyaasiinta Somaliya ee xarfaanta ahi waxay ku guuleysteen in ay indhaha caalamka ka jeediyaan xasuuqii balaadhnaa eek a dhacay Somaliland sanadadii 1981 ilaaa 1991 si aan loogu qaadin shaqsiyaadkii ka dambeeyey shuruucda caalamiga ah ee War crime and international criminal lawArintaasi waa mid ay u haystaan in ay ku guuleysteen dawlada federalka ahi

  1. diyaaradihii garoonka hargeysa ka kacay ee dib u rusheenayey magaalooyinka rasaas may rideenine raashin bay shacabka iyo maatada u daadinayeen miyaa!
  2. Dadkii iyaga oo nool ceelasha lagu guray ama nolosha lagu gubayey may ahayn xasuuq ka dhan ah bila adamiga .
  3. Kuwii lagu laayey Xeebta Jasiira ee Muqdisho ee aan waxba galabsan ma waxay ahaayeen dambiilayaal mise waxaa lagu soo xushay haybtooda oo keliya.

Qodobadan iyo kuwo kale oo badani waa kuwa la rabo in dawlada federalka Somaliya dadkii masuulka ka ahaa sharciga horkeento kiiskoodana la horgeeyo ICC iyo ICJ

Waxaanu ognahay in kuwii ka masuulka ahaa Dawlada Somaliya difaacayso una haysato geesiyaal qaran.Tusaale:

Sareeye Guud Maxamed Cali Samater oo ahaa hogaamiyihii ugu sareeyey dalkii Somaliya marka laga reebo Maxamed Siyaad Bare waxaa lagu aasay markuu dhintay inta mareekanka laga soo qaadey Muqdisho xaruuntii Wasaarada Gashandhiga ee uu ka dalbanayey ciidamadii burburinayey Goboladii Waqooyi waxaana dawlada federalka ahi ee Somaliya ku maamustey habmaamuus geesi qaran  aduunka taariikhda hore ugama dhicin Masuul loo haysto War crime and war against humanity, aggression and genocide, oo uu kagaley dadkiisa oo dawladiisii laga xoog roonadey oo dawlad kale oo leh khaladiidkii dawladii hore ayaanu saxaynaa dadkii tacadiyadaa ka masuulka ahaa ayaanu la xisaabtamaynaa oo maamus u sameysa dadkii lagu eedeynayey in ay masuul ka ahaayeen wixii somaliya ka dhacay.

Col. Tuke waa kii Mudane Maxamed Farmaajo Sawirka la soo galey isaga oo ah Madaxweynaha Federalka Somaliya taasi dad badani waxay aaminsan yihiin in ay ahayd tageero uu u muujinayey inuu garab taagan yahay raalina uu ka yahay dambiyadii dagaal ee uu galay.

Aduunka waxaa jira saddex xeer oo caalamiya iyo haydahooda marka laga hadlayo tacdiyada ka dhanka ah adaminimada kuwaas oo wada shaqeeya sida:

  1. International Criminal Law (ICL)
  2. International Human Rights Law (IHRL) and
  3. International Humanitarian Law (IHL)

Sharciyadaasi waa kuwii suura geliyey in Milosevic of Bosnia (Old Yugoslavia)

La xukumo waa kuwii suura geliyey

Waa kan hada Myanmar wajaheyso xukunka genocide ah ee Rohingya labada maxkamdood ee ICC and ICJ. Waxaa xiiso gaara leh dacwada ICJ sababtoo ah dawlad qudha ayaa dacwada soo ogi karta sidaa darteed Gambia waxay ku buuxinaysaa Myanmar.

Waa tan hada Nigeria wajahaysa eedeynta crimes against humanity or war crimes committed in the Niger Delta, the Middle-Belt States and in the context of armed conflict between Boko Haram and Nigerian security forces in Nigeria. Sidaa darteed maxaa aasey dhibaatooyinkii loo geystey dadkii boqolalka ku kor u dhaafayey ee la hayo raadkoodii iyo qubuurihii wadareedka loogu duugay ee hadana hal qof cadaalada caalamiga ah loogu qaadin wa waxaynu odhan karnaa Goboladii Waqooyi ee Somaliyadii Midowday Xasuuq ka ma dhicin jawaabta Su’aashaasi waxay hortaalaa Dawlada Somaliland Dawlada Federalka ah ee Somaliya iyo Siyaasiinta Midnimada Jecel ee Somaliland iyo Somaliya ee kolba shirarka ku digashada ah meelahaasi ku qabanaya iyo International Communities ka leh hala wada hadlo meel ha saareen xuquuqdii xasuuqii dhacay dhibanayaashii iyo eheladii dadkii loo xasuuqay sida ka baxsan Adaminimada cidii ka masuulka ahayd lama qarin karo wixii dhacay balse wakhtigeedu waa soo dhow yahay cadaalad heli lahaayeen dadkaasi.

  1. SIYAASIINTA SOMALIYA HOGAAMINAYA OO  QAYB KA AH XASUUQII KA DHACAY SOMALIYA GUUD AHAAN

Waxaa marag madoonto ah in rag badan oo maanta door ku leh siyaasada federalka ah ee somaliya ay yihiin kuwii xasuuqa ka geystey somaliya hadey noqoto muqdisho,balcad baladweyne Marka hargeysa burco gaalkacayo baraawe iyo baydhabo ba oo ay ahayd iney wajahaan debiyo dagaal kuwo lid ku ah bilaadamiga iyo kuwo kale oo badan sida kufsi iwm oo loo garanayo hebel iyo hebel weliba dawlada federalka ahi ilaalinayo sidee loo heli karaa cadaalad iyada oo dambilayaashii yihiin kuwo talinaya oo firfircoon.

Hada ayey muuqataa in talaabo lalaabo u soo ifbaxayaan dad hubeysan oo jabhado sheeganaya kuwan waxay arkayaan kuwii dambiyada waaweyn ka galay dadka iyo dalka somaliya oo si nabada caalamka uga kala socdaalaya oo aan sharciga caalamiga ahi arkeyn sidaa ayey ugu dhiiranayaan inay abuuraan xasiloonaan darooyin iyo dilal dad aan waxba geesan waxaasi waa la xisaabtan la’aanta kuwii hore aduunkan dambiilaha hadii aaney cidii dambiga uu ka galeyba dacweynin ayaa dacweynaya oo dibana ah.

La soco qaybaha dambe………

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: