Skip to content

January 9, 2020

SOMALILAND IYO KA QAYBGELIN LA'AANTA WADATASHIYADA IYO ISBAHAYSIYADA MANDAQADA

by M J Farah

Somaliland maxaa sababey in aan wax talo ah lagaga yeelan shirarka isbahaysiyada ee quseeya mandaqada bada cas iyo afrikada bari?

Jawaabta su’aashi waxay u baahan tahay jawaab salka ku haysa aqoon,cilmi baadhis iyo daraasad dheeraada oo salka ku haysa xaqiiqo dhab ah iyo xogogaalnimo dhab ah oo ay ku haboon tahay in ay ka jawaabaan dawladaha ay khuseyso arintani iyo hayadaha u qaabilsan siyaasada arimaha dibeda oo ay Somaliland na ka mid tahay.

Balse jawaabtaydu waa mid salka ku haysa aragtideyda shaqsiga ah iyo aqoonteyda dhinaca siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah,taas oo aan ku eegayo uun sida ay ila muqato iyo waxaa aan u arko iney sabab u yihiin arimahani waxaa ku eegaynaa laba arimood oo kala ah doorka Somaliland iyo doorka dawladaha gobolka bada cas iyo bariga Afrika.

I-Somaliland iyo Xidhiidhada Caalamiga ah

Somaliland ma aha dal ku cusub taariikhda iyo Juqraafiyada siyaasadeed ee caalamka balse waa dal ka mid ahaa  1884 markii gumeystayaasha reer yurub soo galeen gar ahaan boqortooyadii ingiirku ay la galeen heshiis odayadii Somaliland ee wakhtigaa dalka ka talinayey  heshiiskaas oo dhexmaray boqortooyada ingiirka iyo madaxdii Somaliland ee wakhtigaasi heshiiskaasi wuxuu ahaa mid iskaashi oo salka ku hayey xaaladii wakhtigaa ka taagneyd bariga afrika iyo badacas heshiiskaasi wuxuu salka ku hayey danaha labada dhinac ee Somaliland tii makhtigaa iyo boqortooyada ingiriiska ee wakhtigaasi waxaana la kala saxeexday qodoba ay ku hashiiyeen labada dhinac magaca dalkaasi loogu wanqaleyna wuxuu ahaa officially the British Somaliland Protectorate.

Waxaa dalkaasi lahaa Calankan :

Flag of Northern Somaliland Protectorate

 

Khariiradan;

Coat of arms of Northern Somaliland Protectorate

waa dal lahaa astaan ciidan:

British Somaliland in its region.svg

Lacag iyo xuduudo u gaara boqortooyada ingiriisku Somaliland odayasheedu waxay ku heshiiyeen in ay ilaaliso dhulka bada iyo hawada Somaliland oo u ilaaliso dadka iyo dalka Somaliland balse iney gumeysato heshiiska ku muujirin sida talyaanigu u gumeysan jirey Somalida koonfureed oo uu xoog ku qabsadey oo aanay jirin heshiis uu la galey dadkii somaliyeed ee deegaankaasi degenaa.

Somaliland 26 June 1960 ayey xoriyadii ka qaadatey Boqortooyadii ingiriiska, Somaliland markey qaadatey xoriyada waxaa aqoonsadey inka badan 28 dal oo caalamka ah.

 1 July 1960 ayey la midowday Somaliya 18 May 1991 ayey dib uga baxdey Somaliyadii talyanigu gumeysan jirey,intaasi waa taariikh kooban oo dulmarid guud uun ah.

Somaliland qadiyadeedu dhinaca aqoonsiga way ka fududahay dalalka kale ee raba iney aqoonsi ka helaan caalamka hadii ay hesho dad aqoon fiican u leh xidhiidhka caalamiga,aqooyhano wadaniyiin ah oo ay dhab ka tahay somalilandnimadu dawlad leh karti aqoon iyo hadaf cad oo ku wajahan in ay Somaliland hesho aqoonsi caalamiya mar labaad,xisbiyo siyaasadeed oo leh hogaamiyayaal karti,aqoon iyo waayo aragnimo daacadnimo iyo wadaniyad leh waayo Somaliland uma baahna xuduudo cusub sida heshiisyada caalamiga ahi qorayaan iyo kuwo afrika waxaa ku xardhan in aan xuduudadii gumeystayaasha sidooda loo daayo sidaa darteed Somaliland iyo somaliya xuduudada ay wadaagaan waa kuwaasi.

  1. Dhinaca dawlada Somaliland waxaa aad moodaa in gaabis ka jiro kaalinta xidhiidhka caalamiga ah,diblomasiyada iyo fahanka guud ee isbahaysiga caalamiga ah,waxaad moodaa in wakiilada debadaha Somaliland ee matala dawlada Somaliland qaar badan oo ka mid ahi in aaney lahay waayo aragnimo,aqoon iyo xirfad diblomasiyadeed oo aaney qorshaha iyo rabitaanka Somaliland iyo danaheeda ka dhaadhicin Karin dalalka ay joogaan,xitaa aaney karti u lahayn in ay sameyn ku yeeshaan jaaliyadaha Somaliland ee dalalka ay joogaan, oo aaney kasban karin.
  2. Dhinaca Xisbiyada Somaliland gaar ahaan mucaaridka oo u muuqda xisbiyo aan biseyl siyaasadeed lahayn,wadaniyada somalilandnimaduna ku yartahay oo aad moodo in ay xisbiyada iyagu iska lee yihiin ama beel gaari leedahay oo aan sidoo kale lahayd hadaf cad oo ku aadan siyaasada arimaha dibada ee Somaliland ayaa la degey muuqalka caalamiga ah ee aqoonsiga Somaliland.

II- Ismuujinta Dawlada Federalka ah ee Somaliya ee garab ku riixa Somaliland

Daneeyayasha caalamiga ah ee Somaliya oo markey arkeyn in Somaliland aaney tartan muuqda kula jirin Somaliya dhinaca Somaliya ay mar walba tartan kula jirto Somaliland ka gaabsadey muujinta qadiyada Somaliland

Tusaale:

Somaliya 5 sanadood ee u dambeyey waxay olole ku qaadey si ay caalamka ugu qanciso in Somaliland la hoos geeyo Somaliya oo waxkasta oo Somaliland ku saabsan loo soo mariyo Somaliya ogolaanshana looga qaato dawladada federalka Somaliya sida

Arintii dhoofka xoolaha ee sucuudiga, Mashaaricaha horumarinta iyo la wareegida maamulka hawada Somaliya iyo Somaliland iyo kuwo kale oo badan.

Intii uu Madaxweynaha Somaliya noqday Farmaajo waxaa isbedelay xidhiidhka Somaliland iyo Somaliya Farmaajo waxaa uu arimaha ugu waaweyn waajibaadkiisa isbdel somaliya ku yimaada ka dhigtay arimo dhowr ah:

  1.  in uu isbedel ku sameeyo iyo dib u habeen dawlad goboleedada Somaliya oo uu helo madax la siyaasada oo dawlad goboleedyada ka soobaxa sida Puntland, Konfurgalbeed Somaliya,Galmudug, Jubaland kuwaas oo intaba aynu og nahay faragelintii uu ku sameeyey
  2. In uu Somaliland ka digo dawlad goboleed oo caalamka ka dhaadhiciyo in Somaliland loola dhaqmo  dawlad goboleed(federal state of Somalia )
  3. Inuu dhinaca gudaha Somaliland ka hawlgeliyo dad iyo hadayado sirdoon oo fidiya siyaasada federalka iyo somaliya oo ka dhex shaqeysa Somaliland
  4. Iyada oo ay la shaqeenayaan dawlado shisheeye oo dano gaara ka leh somaliya ayaa somaliya lagula teliyey in ay la timaato qorshayaal lagu dhisayo is bahaysiyo bada cas iyo bariga afrika ah taas oo lagu shiikhinayo kaalinta Somaliland ee madaqada oo la rabo in waxkasta oo dhulkii Somaliyadii 1 July 1960 midowday looga dambeeyo dawlada federalka ee Somaliya.

Arimahani waa kuwo qorshe iyo wakhti,dhaqaale iyo dadkasbashoba ku socda guuleysiga iyo guuldareysigu wuxuu ku xidhan yahay qaabka iyo qorshaha dawlada Somaliland ee doorkeeda tartanka iyo isbahaysiga caalamiga ah. Balse aniga waxay ila tahay in Somaliland in ay sameyso isbahaysi caalami ah oo danaheeda geeska iyo badacas iska kaashadaan,waxay qaadan kartaa talaabo ay kula tartameyso somaliya iyada oo saaxiibo dhow oo ka difaaca isbalaadhinta somaliya iyo xulufadeeda sameysan karta,waxaana dalal diyaar u ah taas balse Somaliland dawladeeda ayey u taalaa waxay ka yeeleyso iyo qaabka ay uga jawaabeyso isbahaysiyada ka soo horjeeda.

Read more from Articles

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: