Skip to content

February 10, 2020

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI WAA SIYAASI RUUG CADAAYA

by M J Farah

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa aan ku tilmaami karaa Siyaasi bisil oo garanaya aqoona u leh marxalada maanta aduunku marayo,waa waayo arag u soo Joogey waayo badan.

Markaa Ciyaarata caruurta socod baradka ah ee gegeda siyaasada lagu ciyaaro ee caalamka kubad salaxan loo soo dhigay markey is haleelaan Muuse oo isagu Ciyaarta ku soo bartey Garoonkii farajare ee Sharabaadada maryaha lagu buuxiyey  ku soo ciyaarey in badana cagu dhiigeen sidii uu ugu ciyaareyey garoon aan loogu talagelin in lagu carbiyo ciyaartooy balse ay ka soo baxaan ciyaartooy ku soo dhug bartey farajare  kuwaas oo u dhigma ciidamada Kamaandowska loo yahaan ee aan soo jeedsan.

Umaleyn maayo waayo aragnimada Muuse Biixi ee dhinaca arimaha Siyaasada in la helayo gees Afrika cid uga horeysa balse waxaa la helayaa kuwo la mid ah:

  1. Muuse Biixi waa Madaxweynihii Somaliland ee ugu horeyey ee Dawlada Federalka Somaliya ka oohiya taariikhda intii Dawladii somaliya duntey Waa markii ugu horeysey ee dawlada Somaliya dawlad kale Xidhiidhka u Jarto( dawlada Gini)
  2. Xukuumada Somaliya Waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushey sidii Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi Madaxweynaha ka yahay inqilaab qorsheysan ku dumiso oo ay adeegsato dhaqaale,Diblamaasiyad iyo faragelin dhinac walba ah waayo waxay og yihiin in Xukumada Muuse Biixi la xisaabtayso hadhaagii Kacaankii 21 Oktbor ee uu hogaaminayey Siyaad Bare.
  3. Farmaajo Siyaasadiisa waxay ku Jahaysan tahay Afar qabiil oo ka mida kuwa Somaliyeed kuwaas oo uu ugu ciilqabo dhicitaankii xukuumadii Siyaad Bare kuwaas oo kala ah:
  4. Qabiilka Majeerteenka oo uu aaminsan yahay in ay sabab u ahaayeen in Dawladii Siyaad Bare dadka ku kiciyeen si ay xukunka uga tuuraan
  5. Qabiilka Isaaqa oo uu aaminsan yahay in iyaguna horseedeen in ay Xukunkii Siyaad Bare ilkaha ka gureen
  6. Qabiilka Hawiyaha oo uu ugu ciil qabo sidii ay isku kabaraaciyeen Jarna uga tureen
  7. Iyo Qabiilka Ogaadeenka oo uu Ku haysto Waxay garbadii uu saarnaa ka tureen Xukuumadii Siyaad Bare.

Sida ay aaminsan yihiin dad badani Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka turjumayaa fikirkii buugii uu qorey eek u saleysnaa Cayda iyo cambaareynta Qabiilooyinka Somaliyeed qaar ka mida iyo difaacidii uu difaacayey Dawladii Siyaad Bare.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Biixi wuxuu kaga guuleystey Farmaajo waa waayo aragnimada iyo daacadnimada dalkiisa Somaliland.

Farmaajana wuxuu xaasidnimo iyo  cadaawad uu u qabo guud ahaanba dadka reer Somaliland iyo Somalida kalaba wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley sidii uu u soo nooleylahaa xasuuqii Adeerkii 1988 kii ilaa 1991 uu ku hayey dadka Somaliyeed kaas oo uu isagu xooga saarey dagaal dhinaca dhaqaalaha ah xitaa xoolihii arafadii dhaweed loo dhoofinayey Saudiga farmaajo iyo Xukuumadiisu waa kuwii isku dayey iney is hortaagaan.

Waxaa aan maqaalkan waxaa uu Jawaab u yahay Maqaal u muuqda in farmaajo soo qoray oo ku soo baxay hadhwanaagnews.com  ciwaankiisuna yahay

Col. Muuse Biixi aqoon ku filan ma u leeyahay ka miro dhalinta hamiga Guud ee reer Somaliland

Waxaa aanu u aragnaa in nacayka muuse Bixxiye iyo Wadaniyada aynu kala barano cadowga Somaliland wuxuu neceb yahay Somaliland horumarkeeda balse ma neceb Muuse biixi shaqsiyan waayo waxay og yihiin in Muuse Biixi shaqsi yahay oo wuu iska tegeyo balse Somaliland waa qaran jiraya oo mar walba hogaamiye Somaliland ahi hogaamin doono.

Waa Qoraalkii  Rashiid Jamac

Waxaa aan u mahad naqayaa hogaanka.org oo wax weyn ka qora qadiyada Somaliland si cilmiyeesana uga faaloodaa xaalada kolba jirta waxaan lee yahay guuleysta hogaanka.org  group

Waa Qoraalkii  Rashiid Jamac

Read more from Opinion

Comments are closed.

%d bloggers like this: