Skip to content

February 14, 2020

MAQALEY WAR LAY MA LAGUU WARAMEY WAXA UU FARMAJO YIDHI

by M J Farah

Madaxweynaha Somaliya Mudane  Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa Mar uu khudbad u jeedenayey Garsoorayaasha Dalkiisa waxaa uu yidhi : https://youtu.be/jl5bb7n2OOw

Ma xuma in laga garaabo wixii dhacay oo madaxweyne Somaliyeed oo xil hayaa ka bixiyo raali gelin balse kuma filna arintu hadal af laga yidhaa ee waa arin u baahan in

  1. Baadhis madax banaan lagu sameeyo gudi caalamiya oo khuburo ahna loo xilsaaro
  2. Waa arin u baahan in Dabilayaashii galay dambiyada ka baxsan adaminimada ee si toosa u geystey xasuuqa oo la hayo cadeymo ku filan maqal iyo muuqaal markhaatiyo goobjooga hadana ku sugan meelo badan cadaalada la horkeenaa oo uu madaxweyne Farmaajo kow ka noqdaa dadka wax ka qabanaya maxkamada Dalka iyo kuwa caalamiga ahba u gudbinaya
  3. Masuuliyiintii amarada ku bixiyey in lagu duqeeyo hubka lidka diyaaradaha ee culus iyo diyaaradaha dagaal ka ee magaalooyinka hargeysa,gabiiley Burco iyo ceerigaabo in kuwo nool iyo kuwii dhinteyba lagu qaado waxay geesteen oo kuwo noolna ay maraan cadaalada
  4. Ku wixii keenay Calool u shaqaystayaasha koofur afrika ee Soo kireyey si ay u xasuuqaan dadkii shacabka ahaa eek u noolaa Gobolkii waqooyi galbeed iyo caasimada Hargeysa in iyagana la baadhaa oo maxkamada caalamiga ah iyo kuwo dawlada federalka ee Somaliya u soo jaraan warano lagu soo qabanayo .
  5. In Dawlada Federalka ah ee Somaliya joojisaa tacadiyada iyo dagaalka ka dhanka ah ee ay ku hayso Somaliland aqoonsataana  in Somaliland iyo dawlad goboleedad Somaliya aaney isku mid ahayn ee Somaliland tahay dal la midoobey Somaliya sidaa darteed ay xaq u lee yihiin in ay ka noqdaan midowgii si taas looga wada hadlana Somaliya xooga saarto dhismaha dawlad goboladeeda Somaliland na lagu ixtiraamo rabitaankeeda loona halgalo in Somaliya iyo Somaliland wada hadlaan wakhtiga ku haboon ee Somaliya dhameystirato dhismaha federalkeeda tan macnaheedu wuxuu yahay
  6. Somaliya iyo Somaliland waxay ku midoobeen 1 July 1960 kii si walaalnimo ah oo weliba Somaliland aaney wax shuruud ah iyo gorgortana la gelin Somaliya midowgaasi muu ahayn mid afti dadweyne ku yimi wuxuu ahaa mid siyaasiyiintii labada gobol hashiiskooda ku yimi sidaa darteed dadweynaha Somaliland Afti laga qaadey ma jirin wakhtigaas
  7. 18 May 1991 Somaliland waxay ku dhawaaqdey in ay ka noqotey midowgii labada Gobol ee 1 July 1960 kii go’aanka ka noqoshadana waxaa gaadhey siyaasiintii Somaliland iyo odayadii dhaqanka,wax garad kale taasi waxay u dhigantaa in ay ku filan tahay in nasakhdii midowga
  8.  Somaliland waxay sameysatey Dastuur qaran oo ku yimi rabitaanka shacabka.

Somaliland dustuurka wuxuu yimid kadib markii howlaha dib u heshiisiinta si dheer oo hagar li’ah loogu hawlgalay. Dajinta Dastuurku waxay soo martay saddex marxaladood oo isdaba yaala: Axdi Qarameedkii oo ay ansixiyeen shirweyne gaar ahi 1993kii, oo uu ku xigey ansixintii Dastuurkii ku meelgaadhka ahaa ee 1997kii iyo ugu dambayntii Dastuurkii oo la ansixiyey 2000kii, laguna hirgaliyey Afti Qaran oo la qaaday 31kii Meey 2001.

 Somaliland waxa kalooy samaysatay hab-maamul dimuquraadi ah oo waxa si guul leh loo qabtay tan iyo 2002dii ilaa maanta halka aan Somaliya weli laga qaban hal doorasho ooh al qof iyo hal cod ah xitaa dawlad gobaleed yada Somaliya federalka ahi midna kuma dhisana cod dadka toos looga qaadey ee waxaa ay ku yimaadeen doorasho hab qabiil ay u soo xuleen odayo dhaqameedyo barlamaano ay keenen.

Intaas oo dhami waxay cadeyn u yihiin in Somaliland ka daruuf duwan tahay Somaliya sidaa darteed beesha caalamka iyo Dawlada faderalka ah ee Somaliyaba waxaa ku waajib ah in ay Somaliland ku ixtiraamaan dawladnimadeeda iyo shuruucdeeda farahana kala baxaan hagardaameynta arinta Somaliland na aaney ahayn mid la barbardhi karo Xubnaha dawladaha gobeelyada Somaliya ee ka mid ah dawlada federalka ah .Arintaa Caalamku waa og yahay balse waxaa kaalinteeda gabey waa xukumadihii kala dambeyey ee Somaliland oo aan siyaasad cad ka lahayn arimaha la xidhiidha kala noqoshada Somaliya iyo Somaliland sidaa darteed ay qadiyada Somaliland ee xidhiidhka caalamiga ahi hoos u dhacdey markey Somaliland garteeda naqsan kariweydey maahmaah Soomaliyeed ayaa tidhaahda  NIN AAN HADLAN HOOYADII QADISAY

Sidaa darteed Somaliland waxaa hagradey Dawladihii kala dambeyey,xisbiyada siyaasada aqoon yahankeeda iyo ganacsatadeeda balse taa macnaheedu maha aha xuquuqda,dimoqradiyada iyo rabitaanka dadka reer Somaliland waa lagu duudsiyi oo lagu afduubin waxaaney raali ka agahay Farmaajana waxaa looga fadhiyaa in uu taloobo hore u qaado oo uu kala garto Somaliyada federalka ah iyo Somaliland farqiga u dhaxeeya iyo waxaa ay wadagaan balse aanu ku fikirin Somaliland waa dawlad goboleed ka mid ah federalka Somaliya balse xaqiiqada u noqdo Somaliland iyo Somaliya iney ahayeed laba dal oo midoobey hadana kala baxay balse u baahan in la xaliyo tabashooyinka kala kaxeeyey si  walaalnimada labada dal loo horumariyo,si ay ku gaadhan go’aan ka ugu dambeya ee noqon kara iney midowgoodii soo celiyaan ama ay laba dal oo walaalo ah oo jaara noqdaan oo is kaashada taasi weyi ta loo bahan yahay.

 Waad Mahadsantiin Dhamaan

M J Farah

Contact@hogaanka.org

Read more from Articles, Uncategorized

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: