Skip to content

February 28, 2020

Qabka ugu haboon ee loo mari karo wada-hadal Somaliya iyo Somaliland

by M J Farah

Waxaynu maqalnaa beryahan ugu dambeyey ereyo soo noqnoqda oo la lee yahay wada hadalo Somaliland iyo Somaliya ayaa la bilaabayaa iyo arimo ku xeeran .

hadaba si aynu u fahano somaliya iyo Somaliland dhibtooda iyo taarikkhda labada dal waxaa muhiima in aynu diirada saarno dhowr arimood ka hor inta aan la bilaabin in laga wada hadlo oo la isla garto in loo gogol xaadho oo loo diyaar garoobo wada hadal midho dhala oo bisil oo aan ku dhisneyn dano gaar ah iyo wakhti kooban oo u muuqda kaga gudubka marxalada kooban iyo wakhti gaara oo ka dhashey fikir qof iyo tiro yar oo danahooda u arkey in ay qadiyadan kaga faa’iideysan karaan arin markaa taagan.

ARINTA KOWAAD EE BILOWGA WADA HADALADA

Waa fahanka in la isla fahmo in Somaliya iyo Somaliland ahayn dal qudha balse ahaayeen laba dal oo ku midoobey si rabitaan ah oo iyaga oo laba dal iyo dawladood oo xora isku biirey 1 July 1960, sidaa awgeed ay tahay in diirada la saaro oo la dirso midowgii labada dal wuxuu ahaa mid ay ku midoobeen labadii Somaliyeed ee Talyaniga iyo Boqortooyada Ingiriiska ka qaatey xoriyadooda 1 July 1960 iyo 26 June 1960 taariikhdaasi ayaa laga bilaabayaa wada hadalada marka intaa laysla fahmo oo macnaheedu yahay horta ma isla qirsanahay in aynu ahayd laba dal oo midoobey mise waxaynu nahay hal dal oo kala go go aya sida laga yaabo in dad badani oo aan taariikhda waxba ka ogeyn ama isdiidsiinayaa ku marmarsoodaan una eekeysiiyaan haldal oo qudha oo imika uun noqdey Somaliland iyo Somaliya tusaale ahaan Sida Puntland,Konfur galbeed Somaliya Jubaland iyo kuwo la mida ah ee dawlad goboleedyada federaalka Somaliya oo abuurmay  wixii ka dambeyey

Shirkii shan iyo tobnaad ee dib u-heshiisiinta qaran ee Soomaaliyeed (SNRC) . laguna qabtay magaalada Nairobi  dalka Keenya bishii September 2003.

Hindisaha in shirkaan la isugu keeno Soomaalida waxaa lagu  taageerey shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD ee 2003 waxaana taageeray Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay balse Somalidaa laysku keenayey waxay ahayd uun Somalidii Talyanigu xornimada siiyey 1 July 1960. Heshiiskii shirkaasi Somaliland Qayb kamey ahayn kuma ay jirin Waxaa shirka lagu heshiisiiyey dawladii Carta iyo golaha SRRC, waxaana la sameeyay dhaqdhaqaaq cusub oo qaran looguna magacdaray Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah (TFG). Waxaana shirkii lasoo gabagabeeyay iyadoo lagu guuleystay qorista rasmiga ah ee axdi qarameed federaal ku meel gaar ah.

Sida aan qabo Isfahan waaga iyo jahawareerka ilaa imika arinta Somaliya iyo Somaliland waxaa u sabab ah qaabka dhismahaasi oo ahayd in beesha caalamka ee dawlad federal u yagleeleysey in ay ahayd in ay taageerto ugu horeyn in Somali dib u heshiinteeda laga soo bilaabo 26 June 1960 waayo taariikhda Somaliya xoriyadeedu tahay ka bilaabanaysaa 26 June 1960 iyo wixii ka dambeyey sidaa darteed Somalida la heshiisiinayey ee wakhtigaa dagaalameysey ee dawlada loo dhiseyey waxay xaqiiqo ahaan ku koobneyd Somalidii Talyaanigu xoriyada Siiyey 1 July 1960 kii.

Taas waxaa kuu cadeynaya Somaliland wakhtigaa waxay lahayd dawlad rasmi ah oo maamusha Somaliland tii xorowdey 26 June 1960 kii, balse caalamku iska dhego tiray talooyinkeedii.

Taasi waa tan keentey in dawladii konfurta loo sameyey iyada oo ka faaiideysaney qaynuunka caalamiga ah inay ku doodo in ay iyadu masuul ka tahay dhamaanba xuduudadii Somaliyadii midowdey 1 July 1960, iyada oo iska indho tireysa xaqiiqda iyo waaqiciga ka jirta Somaliya,beesha caalamkuna ka gaabiyeen in ay runt aka sheegaan xaqiiqada ah kala duwananshaha waaqiciga ah ee Somaliland iyo Somaliya arintana lagu xaliyo in Somaliland la siiyo madax banaani aan rasmi ahayn oo ay arimaheeda si ku meel gaadha ugu maamulato inta Somaliya federalka loo sameeyey ka hano qaadeyso dawlad shacbiga cod ku dhisteen oo leh dawlad ku kooban koonfurta Somaliya oo ku meel gaadha.

Talaabadaasi ka dib ayaa loo hawlgelilahaa wada hadal dhaba oo labadii dal ee midoobey 1 July 1960 kii loogu sameenayo heshiis iyo xal laga gaadho siduu noqondoono mustaqbalka labada qaran taas oo ku iman karta rabitaanka dadka labada gobol iyo wanaaga labada umadood oo lagu dhiso kalsooni laba shacab.

Sidaa darteed waxaa loo bahay yahay.

TALAABADA LABAAD

Maxaa ka dhacay Somaliya Mudadii ay midnimada ku wada jiriin Somaliya iyo Somaliland khayr iyo shar dhib iyo dheef taas oo loo diyaariyo xeel dheerayaal aqoon durugsan u leh amuuraha ku xeeran arinta labda dhinac ee nabadgelyo,bulsho,dhaqaale, caafimaad sharci iyo xuquuqda adamiga.

Oo ah dhisid gudiyo farsamo oo diyaariya jewi lagu wada hadlo iyo mawduucyada laga wada hadlayo kuwey yihiin iyo cida ka qaybgelysa ee mateysa wada hadalada marka la bisleyo.

Gudiyadani waxay noqon karaan

  1. Gudi ka socota Jamhuuriyada federalka ah ee Somaliya
  2. Gudi ka socota Jamhuuriyada Somaliland
  3. Gudi ka socota boqortooyada Ingriiska  iyo Dalka Talyaaniga oo ah labadii dal ee gumeysan jirey
  4. AU,UN, Ururka Dunida Islamka iyo Jamicada Carabta iyo dalalka kale ee daneeya arimaha geeska.

Labada gudi ee kala mataya Somaliland iyo Somaliya waa kuwa darsaya qaabka ugu haboon ee natiijo looga dhalin karo wadahadalo dhexmara somaliya iyo Somaliland boqortooyada Ingiriiska iyo Talyaniguna  waxay ka taageerayaan macluumadkii xorinimada iyo taariikhdii ay kala lahaayeen

Qaybta kale ee AU,UN, iyo Bulshada caalamiga ee kalana waxay ka qayb qaadan karaan isku ergeynta iyo isku soo dhaweynta arimaha laysku mariwaayo

Waxaa aan qabaa dalalka Itoobiya Kenya iyo Jabuuti in ay wadahadalada aaney qayb ka noqon ilaa wejiga inta la dhameystirayo qaybyooyinka wada hadalada si faragelinta dalalka jaarka la ah labda dhinac loo xadido.

Gudiyadaasi hadii ay noqdaan kuwo karti aqoon,daacadnimo iyo awood u leh hawsha baxadaas leh, diyaariyana cida uGu dambeysa ee soo gunaaneyseysa heshiis laba dhinac ah najiitada ka dhalankartaa  wada hadalka noocaas ah waa  laba arimood mid kood:

  1. Midow dambe oo hashiis lagu yahay qaabkuu noqonayo iyo sida loo midoobayo
  2. Kala tag walaalo is jecel oo heshiis lagu yahay

Labadaa arimood labaduba waxay guul u noqon kartaa labada dhinac balse ma jirto cid ku qasaaridoontaa ii ay noqotaba.

Arintaa kowaad oo aan sidaa xal looga gaadhin ma jiridoonto wadahadalo guul ku dhamaandoona waayo waxaa muhiima in wada hadalka lagu saleeyo taariikhda labada dal ee midoobey 1 July 1960 lana derso sidii uu wadahalku u guuleysan lahaa balse anaa ku xukuma oo caalamka ayaa I aqoonsan waa riyo maalmeel aan meel gaadhsiisney.Sida ay riyada u ahayd Farmaajo oo madaxweyna ah baa Somaliland lagu soo dhaweenayaa oo booqasho ku imanaya arin aan daraasad ba u baahneyn oo xitaa 10 jirku ku qosli karo fikirka nocaas ah iyaa lagu hagaajin karaa wixii kala geeyey dabadii Somaliyeed maya.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: