Skip to content

March 11, 2020

MIDNIMADA SOMALIYA IYO SOMALILAND HORAA LOO SOO TIJAABIYEY

by M J Farah

Dadka reer waqooyiga ahi(Somaliland) 26 June 1960 kii ayey Xornimadooda qaateen afar Cisho ka dibna 1 July 1960 waxaa Xoroobey dadka reer Konfureedka ah isla Maalintaasi ayaa lagu dhawaaqay midowgii labada gobol waxaana la dhisay qarankii ugu horeyey ee Somaliyeed oo ka kooban labadaa gobol.

Arini sidii ay doonto ha u dhacdee nuxurka tabashada dadkii reer waqooyigu waxay bilaabantey 1961 markii sida taariikhda lagu sheegay koox ciidamadii Somaliya oo Saraakiil waxbaratey u badnaa ay sameeyeen kacdoon ay ku rabeen in isku darkii labada gobol lagu kala baxo balse taasi may suura gelin,ee waxaa jeelka loo taxaabey saraakiishii hogaamineysey kacdoonka.

Wareysi Cabdilahi koonko oo ka waramaya inqilaabkaa ay sameeyey iyo sidii loola macaamilay ka dib.

Sida ay xaqiiqadu tahay markii horaba waxaa midnimada doonayey waxay ahaayeen dadka reer waqooyiga ah reer koonfureedku diyaar umay ahayn iney sameeyaan dawlad salka ku haysa labadii dal ee midoobayey balse waxay ay iska qaateen hadyadii xoriyada ee ay sideen siyaasiintii jibeysnaa ee waqooyiga oo iyaga oo qiireysan uun dawlad iyo dal dhan gacanta ka geliyey.

Bal aynu dhegeysano waraysi idaacada BBC du la yeelatey siyaasiintii Somaliland ee iyagu hormoodka u ahaa bulshada reer Somaliland wakhtigaa.

Aragtida uu ka qabo muwadinkani wixii dhacay iyo waxa soo socda

Hadaba iyada oo aan la soo koobi Karin tacadiyadii dadka reer waqooyigu kala kulmeen dawladihii kala dambeyey ee midnimada Somaliya welina aan la xaliyin aaney muuqana garawsiiyo rasmi ah iyo tanaasulaad u muuqda walaalo is jecel oo raba in ay dib u midoobaan ayaa hadana dad u ololeenayaan midnimo dambe oo caadifad ah midnimadu ma aha mid xun balse waxaa ka horeeya isla xisaabtan iyo cida ay dani ugu jirto horta uma arko midnimo la mida tii 1 July 1960 kii in ay tahay mid dan u ah labadii midowbey balse waxaa loo bahan yahay in dib looga fikiro khaladadadii ka dhashay midnimadii hore iyo cida masuuliyadeeda leh ugu horeyn tan labaad hadii midnimo la arabo oo Somalida Konfureed dhab ka tahay waxaa la gudboon in :

1- la baabiiyo federalka hada jira iyo qaabka uu u dhisan yahay

2- In lagu saleeyo federalka labadii dal ee koonfurta iyo Waqooyiga

3- In gudi madax banana loo saaro tacadiyadii dawladihii kala dambeyey ee Somaliya u geesatey dadkii reer Somaliland kuwaas oo ah naf iyo maalba dawlada Somali iyo dawladihii lahaa hubka iyo taageerada mulateri ee lagu xasuuqay shacabka Somaliland qaataan masuuliyada tacadiyadaa diyaarna u noqdaan magdhow iyo cadaalad marin cidii ka dambeysey ee masuuliyadeeda lahayd.

Arimahaasi kore ku xusun waa kuwo u baahan in siyaasiinta konfurtu hormood ka noqdaan hadii waxa ay sheegayaan ee midnimo dhab ka tahay oo ay manta yidhaahdaan markii hore walaalayaal idinka ayaa midnimada somaliya dhaliyey oo keenay manta waa door kayagii ee waxaanu idiin wadnaa qodobada 1,2 iyo 3 si wax looga qabto.Balse Somaliya oo dhanba way burburtey oo meel walba fawdadu way ka dhacdey waa marmarsiiyo lagu duudsiyayo wixii ka dhacay Somaliland oo lagu yareysanayo arintaasi waxaa fure u ah su’aashan:

Somaliland ama goboladii waqooyi ee Somaliya waxaa ka dhacay xasuuq ay geesatey dawladii markaa oo masuulka ka ahayd dalka iyo dadka Somaliya balse dagaaladii ka dhacay burburkii dawladii Somaliya waxa dawlad ah oo jirtey ma jirin sidaa darted waa dood jilicsan in la isbarbardhigo labadaa dhacdo ee kala duwan si loogu qaldo dadka aan garaadka fog lahayn.

Sidaa darted midnimo cidii jecel waxaa la gudboon in horta xisaabta ku darsato midnimo ma xumee horta wixii dhacay ayaa ka horeyeeya oo la xaliyo ayaa ka horeeya erey ga midnimo oo afka baarkiisa iyo qiiro,caadifad dan koox shaqsi iyo dalal shisheeyaba ah somaliduna Waxay ku maalmaahdaa : MAR IDAGE ALLE HA DAGO MAR LABAAD IDAGE SE ANIGA AYAA IS DAGAY.

Sidaa awgeed Midnimada hore ayaa naloogu xasuuqay oo tijaabinay khayrna kala maanu kulmin kala tagana waanu tijaabinay oo waa taa caalamku nagu majeeranayo,nabada iyo horumarka dimoqraadiyada iyo wada jirka umada Somaliland isjecaylkooda oo sii xoogeystey taacliinta jamicadaha,ganacsiga xorta ah dimoqraadiyada iyo xoriyad xolka intuba waa kuwo ka turjumaya Somalilandta cusub.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: