Skip to content

March 13, 2020

AAN MIDOWNO MA XUMEE MAXAYNU KU MIDOWNAA SOMALIYA HORTA

by M J Farah

Dadka Somalidu meel ay joogaanba waa dad walaalo ah,waana dad aan lahay farqi dhinaca qowmiyada ah,waa dad isku diin af iyo dhaqanaba ah oo aan waxba ku kala duwaneyn.

Waxaa kala qaybiyey gumeystayaashii reer yurub iyo xulufadoodii la fikirka ahayd,arintaasi waxaa mid ay la wadaagaan caalamkii la gumeystey oo dhan oo kala qaybin iyo isku qabin lagu sameeyey wakhtiyadii gumeysiga taasi waa marxalad taariikheed oo qaabeysey qabka khariirada caalamka iyo juqraafiyada siyaasadeed u qabeensan tahay.

Somaliya waxaa loo qaybiyey 5 qaybood oo kala ah:

  1. Somaliland oo Engiriisku maxyiyad u ahayd
  2. Somaliya oo Talyaanugu gumeystey
  3. Djibouti oo France siisku gumeystey
  4. Somalida Kelinka 5 aad oo Itoobiya gumeysatey
  5. NFD ama Somalida Kenya oo kiiniya gumeysatey

Somaliya marka laga hadlayo ama shanta Somaliyeed waa Shantaa oo mid walba taariikhdeeda calankeeda iyo muwaadiyiinteeda lee dahay.

Intii Madaxweynaha Somaliland  loo doortey Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa isbedel ku yimi Siyaasadii Afrikada Bari guud ahaan taasina waxay saameyn ku yeelatey siyaasada Somaliya guud ahaan(shanta Somaliya).

Isbedel aan sii qorsheyney dhinaca adamiga ayaa ku yimi dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia ka dib markii raysal wasaare loo doortey Mudane  Abiy Ahmed Cali  oo dhashay 15 August 1977. Siyaasi ka soo jeeda qoomiyada Oromo.

Sida aan qabo Abiy Ahmed oo ka mid ahaa  ciidamada Xooga Difaaca Ethoipa (Ethoipian Defence Force)  laga soo bilaamo 1991 ilaa 2010 kana gaadhey derejada  Lieutenant Colonel,

In mudo ahna ka mid ahaa kuwa intelligent iyo isaga oo dhinaca aqoonta maadiga ah ku daadaaley ilaa uu ka gaadho derejada Ph.D.

Sidaa darteed waxaa uu ku dadaalay markii uu noqday raysawasaaraha Ethiopia in uu siyaasadii dalkiisa ku sameeyo dib u habeyn dhinacayada dimoqraadiyada,nabadgelya,arimaha bulshada,dhaqaalaha iyo siyaasada arimaha dibeda.  Biseylkiisa siyaasadeed wuxuu keeney in uu door bido in wanaag waxba lagu dhameeyo oo dhinaca dalalka jaarka la ah dalkiisa  Wuxuu la hashiiyey Eritrea oo mudo 20 sano colaadi ka dhaxaysey taasina waa ta saamaxdey in Abiy uu ku guuleysto Abaal gudka 2019 Nobel peace prize . Dalkiisa waxaa uu u wadaa dhinaca horumarka waxaana uu fahan san yahay dhibaatada gobolka,sidaa darteed Somaliland oo xuduud dheer la leh dalkiisa nabadgelyada ka jirtaana tahay mid Ethiopia iyo dalalka bariga Afrikaba dani ugu jirto ayuu isku dayeyaa in Somaliya oo xaaladeeda amaan aad u liito gobolka Afrikada bari iyo Qaarada Afrika iyo Caalamka khatar kaga imanayso inuu isku soo dhaweeyo,oo qayb ka qaato dib u heshiin iyo xal u helid arimahooda.

 Arinkaasi ma aha mid xun ee waa talaabo wanaagsan marka aynu ka eegno dhinaca wanaaga,balse ma aha mid guul laga gaadhayo xaalada jirta awgeed, tijaabadii ugu horeysey ee mudane Abiy Ahmed qaaday waxay ahayd tii bisha 10 Feb 2020 , 33rd  AU Summit kolkii lagu jirey,  markii uu madaxweynaha Somaliland ku marti qaadey dalkiisa si uu Madaxweynaha Somalia isku arkaan halkaasi oo uu iskugu keenay labda madaxweyne xafiiskiisa, waxaa ka dambeyey hadal hayntii in Madaxweynaha Somaliya iyo Abiy Ahmed oo wada socdaa Hargeysa imanayaan.

John F. Kennedy ayaa laga hayaa hadalkan

The time to repair the roof is when the sun is shining. John F. Kennedy

La soco qaybaha dambe………

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: