Skip to content

March 13, 2020

AAN MIDOWNO MA XUMEE MAXAYNU KU MIDOWNAA SOMALIYA? Q. 2AAD

by M J Farah

Arinkaasi ma aha mid xun ee waa talaabo wanaagsan marka aynu ka eegno dhinaca wanaaga,balse ma aha mid guul laga gaadhayo xaalada jirta awgeed, tijaabadii ugu horeysey ee mudane Abiy Ahmed qaaday waxay ahayd tii bisha 10 Feb 2020 , 33rd  AU Summit kolkii lagu jirey,  markii uu madaxweynaha Somaliland ku marti qaadey dalkiisa si uu Madaxweynaha Somalia isku arkaan halkaasi oo uu iskugu keenay labda madaxweyne xafiiskiisa, waxaa ka dambeyey hadal hayntii in Madaxweynaha Somaliya iyo Abiy Ahmed oo wada socdaa Hargeysa imanayaan.

John F. Kennedy ayaa laga hayaa hadalkan

The time to repair the roof is when the sun is shining. John F. Kennedy

Markaa Mudane Abiy arintaa oo ahayd isku day iyo tijaabo natiijada ka dhalata lawada sugayey waxay wajahdey in dib looga noqdo qorshaahasi waayo wax badan baa ka horeeya dayac tirka saqafka waayo maba hayno iftiinkii qoraxda taasi waa mida fashishay qorshahaasi,keentayna in dadka reer Somaliland dareen cadho leh ka muujiyaan hindahaasi.

Talaabadaa iyo dareenkaasi shacabka iyo qaar ka mida siyaasiinta waxgaradaka Somaliland ka muujiyeen qorshahaasi waxay noqoneysaa mid dad arinta(Somaliland iyo Somalia) si sahal ah u arkey ay dareemeen culeyska arintan iyo in wakhtigan xaadirka ah xal salka ku haya midow labaad oo labadii wadan ee midobey 1 July 1960 fari ka qodneyn oo loo bahan yahay xal kale oo aan ahayn midow iyo isku soo noqosho hawl yar.

AAN MIDOWNO MARKALE EE MAXAA KULA MIDOWNAA SOMALIYA MARKALE?

Ugu horeyn midnimadii Somaliya Somaliland waxaa keenay rabitaanka shacbigii Somaliland ee may ahayn mid qasab iyo xoog ay Somalidii konfureed ku qabsatey.

Tan labaad Somaliland markii dawladii Somaliya 1991 bilowgiisii ay burburtey a yey mar labaad la soo noqotey xoriyadeedii iyada oo waxgarad,siyaasi,odey aqoon yahan iyo siyaasiba lawada socdey inta badan wakhtigaasi.

Midowgii iyo ka bixidii labaduba waxay ku yimaadeen sifo sharci ah oo ka yimi shacabka Somaliland. Sida caadiga ah hadii laba dal ay ku midowbaan si rabitaan ah waxay kukala baxaan si nabad ah Tusaale

Egypt iyo Syria waa ay midobeen si wada jira iyaga oo la baxay the United Arab Republic Caasimadana ka dhigtey Cairo 1958 ilaa 1961 waxaana midowgaasi ka baxay Syria.

Somaliya iyo Somaliland waxay u kala guureen laba jaho oo kala duwan Somaliland waxay dhisatey qaran hana qaadey waxayna ku dadaashay iyada oo caawimo buuran ka helin caalamka in ay dhameys tirto dimoqraadiyad casri ah oo caalamka mucjiso ku noqotey nebedgelyada,kobaca dhaqaalaha xoriyada qowlka,soo dhaweynta somalida dhibaateysan ee ka soo cararey dagaalada,abaaraha iyo nolol xumada iyo qoxootiyo barakacayaal kale oo ka yimi yamen iyo dalalka kale ee jaarka la ah Somaliland.

Somaliya waxay noqotey hoyga nabadgelyo darada,qaraxyada, kala go’o ah maamulo kala duwan,budhcad badeedka iyo meel ay ku tartamaan quruumo kala duwan oo dano kala duwan leh,waxaa aan jirin dimoqraadiyad dad lagu soo doortey ilaa hada lama hayo hal qof iyo hal cod,waxaa amaanka gacanta ku haya ciidamo ajanabi qaramada midowbey ayaa dusha ka ilaalisa,sidaa darteed uma arko dal haysta xoriyad dhameystiran waa dal ku hoos jira gacanta bulshada caalamka kolkaa side ayey suuro gal u tahay dal aan amaankiisa la ilaalinayo oo bulshada caalamku gacanta ku hayo in uu u xukumo dal la soo noqdey xoriyadiisii ciidamo suga abnigiisa leh ilaashada cirkiisa dhulkiisa iyo badiisa maamula dhulkiisa aaney jirin ciidamo shisheeyo oo amaankiisa ka masuula hadaba su’aashu waxay tahay  

Aan midowno markale ee maxaa kula midownaa somaliya?

Jawaabtu waa maha maanta arin banaan balse somaliya dhismo ayey u baahan tahay Somaliland sii ambo qaadka dal xoog dhaqaale iyo cudud ciidan ayey u baahan tahay mustaqbalkana Alle og wixii dhici balse midow dambe ma muuqdo ee Somalinimada iyo walaalnimada aan wada ilaashano ololaha keliya ee furani fursadan waa laba dal oo walaalo ah oo iska kaashada wax badan taasi wax aan ahay guul laguma gaadhi doono.

Dhamaad

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: