Skip to content

March 25, 2020

JOOG GURIGAAGA AMA FIDI CUDUR AAN DAWADIISA LA HAYN

by M J Farah

Waxaa aynu la soconaa sida caalamku u wajahayo xaalada aan hore loo arag oo caafimaad taas oo saameyn weyn ku leh dhamaan dhinacyada nololsha ee adamiga.

Ka hortagu waa ka wanaagsan yahay daaweynta,sidaa darteed dadka Somaaliyeed waxaa la gudboon in ay si fiican u fahmaan waxaa hareerahooda ka socda sidaa darteed maanta waxaa cusubi waa caabuqa coronavirus xanuunkani oo ah xanuun cusub oo aan weli la helin talaalkiisa iyo dawooyin ku haboon.

Taasi waxay ina bartey in aanu xooga saarno yareynta fidida xanuunkan oo si fudud la iskugu gudbin karo qof ilaa qof.

Caalamka dalwalba waxaa uu sameyey qorshe ku aadan in aanu xanuunkani ku fidin dadkiisa iyo dalkiisa.

Kuwani waa talooyinka ugu haboon ee ila hada laysku raacsan yahay in lagu xakameyn karo caabuqa coronavirus :

  1. Caabuqani waxaa fidinayaa waa dadka sidaa darteed waa in dadku raacaan talooyinka khuburada caafimaadka iyo awaamiirta dawlada ee la xidhiidha coronavirus .
  2. Xidhida xuduudka dalku la lee yahay dalalka uu saameyey xanuunku si loo xadido dadka fidinaya xanuunka ee dal ilaa dalkale
  3. Dalka gudihiisa oo la xadido isku socodka dadka ee qof ilaa qof ah
  4. In kulamada oo xadidan ,labada qof waa in ay isku jiraan 2 mitre (social distance) la xidho goobaha aan muhiimka ahayn ee la iskugu yimaado sida makhaaxiyadaha iwm.
  5. Wacyi gelinta dadka ee ah qaabka la iskaga ilaalinayo qaadida cudurka

2) Astama lagu garan karo qofka uu haleelay caabuqu:

a) Sida ay xustey WHO calaamadaha ugu badan ee lagu garankaro Covid-19 waa qandho (fever), daal (tiredness) iyo qufac qalalan (a dry cough).

b) Waxaa kale oo bukaanka qaarkood u raaca astaaman sanka duuf leh( a runny nose),cuno xanuun (sore throat), cabud(nasal congestion) iyo xanuun( pains) ama shuban (diarrhoea).

c) Qiyaas ahaan 80% dadka uu haleelo Covid-19 caaladoodu waxay noqotaa mid fudud (mild case) si la mida duriga khatarta ah ee caadiga ah waxaayna ka bogsadaan iyaga oo u baahan daaweyn khaasa.

3) Sida WHO inoo sheegtey waxaa xanuunkani halista ugu weyn ku yahay dadkan:

a) Dadka waaweyn (eldery people)

b) Dadka xanuunadan qaba:

Dhiig karka (high blood pressure), xanuunada wadnaha (heart problems),macaanka (diabetes) ama neefsashada chronic ah (chronic respiratory).

Qaabka ugu haboon ee aad iskaga ilaalin karto qaadida iyo fidinta cudurkani waa:

  1. Si joogto ah u faraxalo mar kasta
  2. Biyo nadiif ah iyo saabuun ugu yaraan 20 seconds.
  3. Ka fogoow dadka kale 2 m masaafad ah
  4. Marka aad qufacdo ama aad hindhisto dabool sanfaga iyo afkaaga
  5. Waa in aad ogaa taa in cudurkani dadka ha soo galo afka,indhaha iyo sanka sidaa darteed iska ilaali in aad gacmahaaga ku taabato iyaga oo aan nadiif ahayn.

Hadaba hadii aynu dadka somaliyeed nahay waa in aynu nafteena iyo ta dadkeenaba ka badbaadinaa dhibaatada uu lee yahay xanuunkani sida ugu fiican ee aynu uga badbaadi karnaana waa:

  1. Inaga oo Alle (swt) talo saarano, oo aynu ka barino inuu inaga badbaadiyo cudurkan iyo kuwo kaleba
  2. Alleh (swt) caqli iyo cilmiba waa uu ku maneystey Adoomadiisa si aynu uga faa’iideysano nicmada balaadhan ee Alle (swt) waa in aynu si xigmad leh u adeegsanaa oo aynu ka faa’iideysanaa talooyinka dhakhaatiirta,culimada sayniska raacnana talooyinkaasi kana fogaanaa khuraafadka iyo khiyaaliga faraha badan ee dhex mushaaxayada baraha bulshada.hadii aad u baahan tahay xaqiiqada iyo kolba halkuu marayo xaalada cudurku la soco WHO website keeda iyo haydaha caafimaadka ee dalka aad ku noshahay.  
Read more from Health

Comments are closed.

%d bloggers like this: