Skip to content

March 30, 2020

IDIN AAWEY ?

by M J Farah

Waa run oo waxaa lagu jiraa mar xalad adag caalamka oo dhan, mar xaladahan oo kale waa marxaladaha la kala baxo,waa marxalada la kala ogaado siyaasaiga,hogaamiyaha,shaqsiga wadaniya,sheekha dabta ah,caaqilka,suldaanka boqorka iyo qof kasta oo leh tayo dadnimo mid islaamnimo iyo mid naf huridnimo.

Waa wakhtiga la kala soocmo waa wakhtiga imtixaanka ALLE( swt) lagu kala baxo.

Intaasi waa is xusuusin guud balse aan u soo dego dulucda maqaalkan kooban hadii aan ifiyo cida aan tooska u ifinayo waa kuwan:

1- Xisbiyadii Siyaasada ee Somaliland oo aan la hayn qorshe iyo kaalinta ay ka qaadanayaan marxalada adag ee caalamku wajahayo maxay ku biirinayaan xoog xoolo,arin iyo aduun bulshada reer Somaliland lama hayo ilaa hada

2- Ururadii bulshada qorshahooda iyagana maynu maqal maxaa uga diyaara COVID-19 ka Wacyi gelin ,xog iyo xoog xoolana ku dar.

3- Culimada iyo Aqoon yahanada kale iyagana waa laga araba xoog,xoolo,cilmi iyo taloba lama hayo ilaa hada midmidka waxyi gelinta gaarka ah sameeyey waa mahadsan yahay balse intaasi Kuma filna baaxada xanuunka iyo itaalka dhaqaale ee dadka reer Somaliland

4- Ganacsatada iyaga lama hayo kaalintoodii la dagaalanka COVID-19 ka Dadka qaar waxayba sheegayaan in wakhtiga adag faa’iido ka dayayaan oo ay u diyaargaroobayaan kordhinta sicirka daruuriyaadka wakhtigan adag, arintaasi oo xaaraan ah

5- Cuqaalsha iyo dhamaan bulshada reer Somaliland waxaa la gudboon in ay gacmaha is qabsadaan oo u diyaar garoobaan in ay dadkooda jilicsan ee dhaqaalahoodu liito ogaadaan oo cuntada u dhigaan,dawalada u diyaariyaan bishii rabadana waa inagu soo food leedahaye u diyaar garowno.

6- Saxaafada waxaa lee yahay idinkuna kaalintiinii ma muuqato ee fadhiga ka kaca oo wacyi galinta caafimaadka talooyinka iyo tilmaama toosan dadkiina ugu deeqa soo gudbintooda

KA HORTAGA AYAA KA WANAAGSAN ISKA DAAWEYNTA!

by M. Farah Certificate of Achievement, COVID-19 Tackling the Novel Coronavirus

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: