Skip to content

April 1, 2020

MAR KALE MIDNIMO SOMALIYA WAXAA IGAGA FILAN TII HORE Q.1

by M J Farah

Qofka Adamiga ahi isaga ayaa xor u ah aragtidiisa iyo wixii uu aaminsan yahay khayr iyo sharkeedana isaga ayaa midhaheeda gurta aakhiro iyo aduunba oo xisaabtiisa ayey u geleysaa mar walba Allah (swt) ayaana nololsha aduunka ee xoriyada adamaha sidaa ka dhigay oo waa sunaha aduunka in uu qofku intuu nolyahay kala dooran karo jidka uu qaadayo sax ama khalad balse maalintii uu ka tago aduunka uu wajahayo natiijadii camalkiisii uu soo qabanayey intii uu noolaa khayr iyo sharba.

Allah(swt) umada nebi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu ku Amaanay iney umadaha kale kaga qayr badan yihiin waxay ay is faraan wanaaga xumaantana way iska reebaan.

Markaa waxaynu u baahan nahay inaga oo qofka aragtidiisa ku caayin,ku dilin,kuna hadidin in aynu u ifino in aragtidiisa xor u yahay balse aanu nagu qasbi Karin wuxuu aaminsan yahay una tilmaano khaladka inooga muuqda fikirkiisa iyo sida loogu bahan yahay in si aan marin habaabin,iyo ka been sheegid xaqiiqooyinka jira looga hadlo si loo gaadho xalal lagag gudbo waxyaabaha aaney cidna dani ugu jirin.

Somalinimada iyo qaranimada farqi baa u dhaxeeya mana aha in aynu isku qaladno farqiga u dhaxeeya Somalinimada iyo dawladnimada ama qaranimada oo aynu isku mid u aragno iyaga oo ah laba arimood oo aan shaqo isku lahayn.

Hadaba waa maxay Somalilimo sideedaba?

Somalinimadu waa qawmiyadnimo waxaana ay la micno tahay ereyga qowmiyad (ethnic), markaa dadku waxay isku qaldaan labada erey qawmiyad (ethnic) iyo Qaran (nation) oo aad u kala duwan asalka qowmiyadeed (ethnicity) iyo nationality oo salka ku haysa wadanka aad haysato dhalashadiisa. tusaale:

Somalida waxaa gumeystihii u kala qaybiyey shan qaybood sidaa darteed qawmiyada somalidu waxay maanta tahay shan qaran oo kala ah:

  1. Jamhuuriyada Federalka Somaliya
  2. Jamhuuriyada Somaliland
  3. Jamhuuriyada Jabuuti
  4. Somalida Kilinka 5 aad ee Federalka Itoobiya
  5. Somalida Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya

Shantan qayboodba waa qoomiyad Somaliyeed balse ma wadaagaan hal passport oo qaran walba waxaa ay lee yihiin dhalashooyin kala duwan oo qaran.

Waxaa la mida qowmiyadaha kale ee caalamka oo qowmiyada iyo qaranimada sidaasi u kala duwan yihiin tusaale: British, Saudi Arabia, AUE, Qadar,Somaliland,Kenya, Ethoipia, American, Indian, Canadian, and Nigerian.kuwani waa qarano.

Tusaale kale ee qowmiyadaha waxaa la odhanayaa : Somali- British, Somali-American,Somali- Canadian, Somali-Saudi iyo wixii la mid ah.

Sidaa darteed Somalinimadu waa qowmiyadnimada dadka Somaliyeed oo dhan oo cid laga xigaa oo Somali ahi ma jirto ama Jabuuti ahow ama somalida kenya ahow balse waxaa lagu kala duwan yahay wadaniyada oo dadku  laba iyo inka badani waxay yeelan kartaa hal wadan oo waxaa la odhanayaa waa hal qaran . Dalalka arabtu waxaay wadaagaan qowmiyada carabnimada balse ma wadaagaan qaranimada taasina waa tusaale kale.

Intaasi inagaga filan sharaxaada labadan arimood kala duwan shahooda.

Waxaa aan sidaa ugu faahfaahinayaa dadka aan runt aka sheegeenin qadiyada Somaliland ee o dhanaya waa Somalidiid,Somaliland waa qoowmiyada Somaliyeed cidna kama xigto Somalinimada balse maha qaran Jamhuuriyada Somaliya ee federalka ah, balse waa qaran Somaliland ah oo la siman qaranada kale ee qowmiyada somaliyeed.

Hadaba dadka ku doonaya waa in mar kale la mideeyaa labadii dal ee Somaliya iyo Somaliland fikirkooda waa u xor balse ma aha fikir iyo aragti saxa imika waayo:

Midnimo erey ahaan afka waa erey ku fudud oo qof waliba iska odhan karo balse nuxur ahaan ma aha mid sahal ah marka si cilmiya loo darso.

Midnimada maanta Siyaasiinta Somalidu ku hadaaqayaan waa dhalanteed aan meel gaadhsiisney waana arin aan u muqan mid xitaa kuwa sacabka u tumayaa ay daacad ka yihiin,balse dano gaara oo aan mabda aas aasiya salka ku hayn waana kuwo sii kala fogeenaya midnimada iyo dadkeeda waayo:

  1. Midnimadii labadii gobo lee 1 July 1960 kii waxaa horsed u ahaa dadka reer waqooyiga ah

Midnimadaa dadka reer Somaliland waxay ka faa’iideyn ma jiro aan ahayn midnimo ayey keeneen

Goboladoodii lama horumarin,jamicado looma dhisin,hospital looma dhisin,degmooyinkii lama balaadhin,dugsiyadii hore u jirey lama kobcin,cadaaladii iyo sinaantii waxba lama qaban,

Waxaa lagu burburiyey awood dowladnimo in ka badan 500,000 oo qof noloshoodii,waxaa ku guryo belay dad kor u dhaafay 3.5Milyan oo qof,waxaa layskugu dhiibey qoryo dadkii reer Somaliland ee wada noolaa iyada oo reer reer la iskaga korkeeney intaas oo dhami waa waxa kala geeyey midnimadii mana jirto damaan qaad ah in aan mar labaad dhici doonin.

Maanta Somaliland oo mudo 29 sano kor u dhaaftey kala maqnaa somaliya waxaa ka jira horumar dhinac kasta ah gobol kasta oo Somaliland ah waxaa kor u kacay horumarkii dhinaca waxbarashada gobol aan ugu yaraan hal jamicad lahayni ma jiro Somaliland, degmo kasta waxaa maamula dadkii degaanka ee la soo doortey,ganacsigu waa xor, dadku waa dad isku tashadey magaalo walba waxaa dhisay dadkii degaanka iyaga ayaa is maamula, mudadaa waxaa muuqata in ay ka reysteen midnimadii lagu hungoobey,nabad bay haystaan cid kabsanaysaa ma jirto kor baad u tahay ganacsigaaga.

  • Midnimo dhexdooda maanta Konfur ayey dani ugu jirtaa:

Waxaa aan qabaa midnimada maanta konfur baa u baahan waayo federal ayey sameysteen federalka ay sameysteena weli way ku kala qaybsan yihiin oo gobol walba dhiniciisa ayuu u socdaa Puntland,Konfur Galbeed,Gal-Mudug,Jubaland iyo Hirshabeele markaa maanta midnimo waxaa u baahan Konfur ee hadii cidi ka fikireyso midnimo korta koonfuri ha mideeyeen ka dibna ha la gaadho mar xalad labaad balse ma garan barwaaqada midnimo dambe maanta loogu hadaaqayo iyada oo aan xalba loo haynin ……..

La soco taxanaha dambe

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: