Skip to content

April 3, 2020

MAR KALE MIDNIMO SOMALIYA WAXAA IGAGA FILAN TII HORE Q.2

by M J Farah

Qaybta 2aad

Midnimada maanta Konfur ayey dani ugu jirtaa:

Waxaa aan qabaa midnimada maanta konfur baa u baahan waayo federal ayey sameysteen federalka ay sameysteena weli way ku kala qaybsan yihiin oo gobol walba dhiniciisa ayuu u socdaa Puntland,Konfur Galbeed,Gal-Mudug,Jubaland iyo Hirshabeele markaa maanta midnimo waxaa u baahan Konfur ee hadii cidi ka fikireyso midnimo korta koonfuri ha mideeyeen ka dibna ha la gaadho mar xalad labaad balse ma garan barwaaqada midnimo dambe maanta loogu hadaaqayo iyada oo aan xalba loo haynin dhibaatooyinkii hore loo soo marey .

Hadaba midnimo doonka  waxaa hortaala caqabad weyn oo aaney iska riixi Karin oo u muuqata in xitaa afkaartoodu ahayn mid leh cadeymo salka ku haya daacadnimo iyo dhab ka ahaansho fikirkaasi belse u muuqda hinaase iyo dano aan ka fogeyn arimo dhaqaale ama siyaasadeed dadka qaarkoodna u arkaan hada aan mabda laawayaal ah oo kolba sida gabal dayaha dhinaca cadceeda manfacyadu ka qabato ama u wareegto u wareegaya waa sida ay dad badan oo konfurta iyo waqooyiga ka soo jeedaa kuu sheegayaan marka aad arintaa wax ka weydiiso waxayna dadka xogxogaalka u ahi ku cadeynayaan oo u cuskanayaan aragtidooda arimahan:

  1. Waxa jirta in arinta midnimo beryahan dambe dadka ku hadaaqaa ama afka ka yidhaahdaa ay yihiin dhamaantood dadka ka soo jeeda Somaliland lama hayo hal urur,koox qof oo ku dhawaaqdey in dib loo madoobo ama xitaa ka hadlaya midnimo sidaa darteed midnimadoonka maanta ee reer waqooyiga ah waa kuwo keligood u xusul duubaya iyaga oo xitaa dhinicii kale dad ka wadan waxay ahayd in la helo urur,koox ama dad kale oo iyagu reer koonfureed ah oo isku aragti yihiin oo ururadooda ka mid ah wada sida daahirka ah ee aynu ognahay wixii qarsoon Allah (swt) ayaa og oo aaney waxba ka qarsooneyn.Markaa midnimada ma dadka Somaliland uun baa doonaya taasi miyaaney ahayn jacel hal dhinac ah wakhtigaagu yuu lumin ama aaney cidi kula wedin jaceyl dhinac kaliya ahi waa kii hore loogu hungoobay.
  2. Arinta kale ee dadku kuu sheegayaan waxay tahay dadkan midnimo doonka ahi ber yahan dambe in ay u badan yihiin dadka 1960 iyo wixii ka dambeyey dhashay. inta masraxa midnimadoonka isasa soo taagtaa ay yihiin kuwo qurbaha ku nool oo reerahoodii iyo caruurtoodii dalalkaasi lagu masruufo iyaguna kolba halkii maskab lagu sheego ee siyaasada somalida waqooyiga iyo konfurta ka dukaansada marka mid ay ku fashilmaana tankale u wareegaya oo hadii shaley Somaliland xukumadeeda uu ka mid ahaa oo xilkii uu waayo ama isbedel ku yimi dhanka konfurta somaliya u wareegaan oo xamar ka soo jeesta iyaga oo shaadhka midnimada soo gadshanaya si uu fursad kale oo uu kaga midnoqdo xukumadaa u helo.Marka la weydiiyo waxa bedelay mabda iisii hore na uu inoo sheegayo 30 sanno ayaa citiraaf la raadinayey oo way soo oodantey dadkana been baa loo sheegayaa ilaa imika oo qorshe loo mahayo, dooda noocan ah oo ha mid jaban xitaa dadka aan waxba kala socon siyaasada caalamku uu ku qosli karo waayo waa la og yahay in citiraaf maalin iyo laba toona lagu helin balse ay qaadan karto ilaa xitaa boqolal sano balse runtu tahay isku markhaati furid iyo mabda la’aan qadiyadeed, imisa dal oo aan la aqoonsan baa jira oo noloshoodii dawladnimo caadi u socoto , halgana dadkoodu ugu jiraan aqoonsi malin uun iman doona tusaale:

Taiwan, officially the Republic of China, is a state in East Asia. Neighbouring states include the People’s Republic of China to the north-west, Japan to the north-east, and the Philippines to the south. WikipediaPopulation: 23.78 million (2018)Currency: New Taiwan dollar.

Hadana Taiwan danaheeda ayey wadataa oo waxay tahay dal jira inkasta oo taariikh ahaan ka duwan tahay arinta Somaliland oo aan u arko arinta Somaliland iney tahay mid ka fudud haysatana sharciyad ah in Somaliland xaq u leedahay la soo noqoshadii midowgii somaliya sharciyan.

3- Arinta kale ee ay dad badani kuu sheegayaan waxay tahay in dadkan midnimada beenta ah ku maxaabsadaa ay u badan yihiin dad asalkii horaba naasnuujin magac reereed ku qabey dhaqaalaha,siyaasada ilaa xilgii halgankii lagu xoreynayey dalkan oo  xaarkood iyaga oo SNM dagaal ku jirto iyaga inta goobihii halganka laga ka xeeyey deeqo waxbasho debada loogu direy oo intii la halgameyey ee qayrkood xabada laabta u dhigayey jaamicadaha ku jirey,ama siyaabo kale dibadaha loogu direy iyada oo qayrkood ku sugan goobihii dagaalka markaa weli dheefka raadinaya arimahaasi.

4- Waxaa kale oo dad badan oo aqoon yahano culimo iyo waxgarad ka soo jeeda Somaliya iyo Somaliland kuu sheegayaan in dadka Somaliyeed meel kastaba ha joogeyne ay yihiin qawmiyad Somaliyeed somalinimaduna ka wada dhexeyso ama reer jabuuti ahow ama reer kenya ahow ama  reer itoobiya ahow e balse xaqiiqadu tahay in Somaliland iyo Somalidakonfurtu ay ahaayeen kuwa ku midoobey si rabitaana ayna haboon tahay in ay iyagu is tixgeliyaan oo hadii ay midoobayaan mar kale iyo hadii ay kala maqnaanayaanba ilaaliyaan qowmiyadnimada somaliyeed waayo walaalo isjecel ayaa ka wanaagsan walaalo col ah .

Arimahaasi oo dhami waxay cadeynayaan in dhaqdhaqqayadan taagta daran ee midnimada marke ay yihiin kuwo afkaartoodu iyo aragtidoodu kooban tahay oo xitaa iyagu haynin qorshe iyo dhab ah balse salamada mudada kooban ee danaha khaaska ah ee aan dhaafsaneyn dhaqaale ama maskab amabase qof nacab uun u eeg yihiin arimahani waxay xitaa khatar ku yihiin midnimo dambe oo dhaba iyo amba qaadka dambe ee dad ay midnimadu dhab ka tahay waayo waxaa la odhan doonaa waa kuwii hore oo kale uun.

Qawmiyada Somalidana waxaa talo ugu soo jeedinayaa in ay waajib tahay in Somaliland iyo Somaliya iyaga ayaa dad ugu xigee dhaxdhaxaadintooda ka qayb qaataan si somalinimada iyo walaalnimada dadka Somaliyeed u sii xoogeysato, Dawlada federalka ah ee Somaliyana runta loogu sheego in ay joojiso cadaawada ay u hayso dadka reer Somaliland oo ah hooyadii iyo abihii xoriyada qowmiyada Somaliyeed.

Mahadsadin Dhamaantiin.

La soco taxanaha dambe

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: