Skip to content

April 20, 2020

HAMBALYO WORLD REMIT

by M J Farah

Aas Aasaha Shirkada Word Remit Mudane Ismaciil Axmed(Ismail Ahmed) Waxaa aan ugu hambelyeynaa hadii aanu nahay hogaanka.org sida hagar la’aanta ah ee wakhti loo baahnaa uu u soo gaadhsiyey dadkiisa mucaawimo muhiim ah oo maanta caalamka oo dhami u baahan yahay oo xitaa dawladihii waaweynaa ee caalamka ay raadinteeda ku doonayan ileys.

Mudane Ismaciil waxaa uu noqday Ganacsadihii ugu horeyey ee dadkiisa u soo gurmada xaaladan adag ee caalamku ku jiro.

Waxaanu Alle uga baryanaa in uu ganacsigiisa u barakeeyo.

Qalabkaasina waa in dawladu gaadhsiisaa dadka ubaahan sida Ciidamada nabad gelyada,dhakaatirta, kalkaaliyasha caafimaadka , iyo dadka u jilicsan bulshada ee u baahan.

Dalalka Caalamka iyo hayadaha Caalamiga iyo ganacsatada waxaanu ka codsanaynaa in gargaar caafimaad oo wax ka tara ka hor taga cudurka COVID-19 la soo gaadhan gaar ahaan ganacsatada Somaliland iyo qurbajooga.

Hadii aanu nahay hogaanka.org waxaanu ugu deeqnay WorldRemit halsano oo ka bilaabmaya maanta 20/04/2020 ilaa 19/04/2021 in aan ugu xayseysiino website ka yaga ganacsiga shirkada bilaash .

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: