Skip to content

May 13, 2020

Maxay Ku La tahay rayiga ninkan

by M J Farah

Qofku wuu ka hadli karaa wixii uu aqoon u lee yahay isaga oo si cilmi ah u sharaxaya waxaa uu aqoon u lee yahay balse iskama hadli karo oo weliba si fudud ugama hadli karo wax aanu aqoon u lahayn, isaga oo iska dhigaya in uu aqoonteeda lee yahay.

Waxaa jirtaa in qalab kasta oo wax lagu test gareeyaa uu lee yahay waxa loo yaqaan false test oo aanu 100% xaqiiqo natiijo ah keenin iyada oo arimo badani sabab u noqon karaan sida,qalabka tayadiisa,qaabka test ka loo qaaday iyo meesha test ka laga qaaday hadana inta badan qalabka test ku ee covid -19 ku waa mid ugu hooseyn 70% natiijadiisu sax tahay iyada oo ku xidhan meelaha dheecaanka laga qaado sida candhuufta, carabka dalqada hoose iyo sanka gudihiisa.

Test ka cida qaadaysaa waa in ay tahay doctor (pathologist) aqoonteeda leh oo taxliili kara natiijada testka. Sidaa darteed ma aha in nin dawo dhaqameedka wax ka bartey oo mufti umada iskaga dhigo, oo uu ka hor yimaado habkii looga hortegeyey cudurka dadkana shaki ka geliyo qalabkii lagu baadhayey taas badalkeeda waxay ahayd in uu hadii uu dhaliil hayo oo uu qalabkan wax lagu baadho ka shaki qabo saxnimada natiijadiisa inta aanu saxaafada la hadal wasaarada caafimaadka iyo gudiga loo xilsaarey ula yimaado dooda uu ka qabo qalabkan oo cadeemaha uu hayo uu halkaa ku soo bandhigo taas oo keliya ayaa u furnayd mudanaha balse shaki dadka lagu ridaa kama mid aha xitaa xirfada caafimaadka ee uu mr Gaboobe sheeganayo faqri baana u dhaxeeya dawo dhaqameedada iyo dawooyinka kale. ugu dambeyntii waxaanu lee nahay wakhtigan adag bulshada ayaan lagu jahawareerin wax aan cadeyn loo haynin.

Waad mahadsantiin dhamaantiin

 

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: