Skip to content

May 18, 2020

SAREEYE GAAS NUUX TAANI WUU DHISAY CIIDAMADA QARANKA HAMBALYO

by M J Farah

Waxaa muran ku Jirin in General Nuux Taani intii uu xilka hayey ay Ciidanka qaranku aad u korortey tayadooda ciidanimo,waana Markhaati madoon in isaga iyo madaalayaasha la shaqeeyaa ay muujiyeen dadaal iyo dhisid ciidan haybad iyo sumcad wanaagsan ku leh umada somaliland.

Waxaa aan ugu hambelyeenaynaa kaalintaasi wadaniyada leh ee cududa ciidanka sharafta iyo kobaca ka muuqda ciidanka qaranka.

Waa in ciidamada la sii wadaa tayadooda iyo qalabeentooda loona kor dhiyaa daryeelka iyo dayac ka ilaalinta loo dhisaa guriyo qoyasakooda lagana taageeraa caruurtooda iyo qoysaskooda dhinaca dhaqaalaha waxbarashada iwm.

La dhiso dhinaca technology casriga ah ee aaladaha difaaca qaranka si loo horumariyo aqoonta ciidamada,waana in la tayeeyaa qaybaha sirdoonka casriga ah ee ciidamada.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: