Skip to content

June 10, 2020

ISBARBAR DHIGA NABADGELYADA SOMALILAND IYO NABAD LA’AANTA SOMALIYA

by M J Farah

Somaliland waxaa ka jirta nabad buuxda nabaduna waa mida aas aaska u ah nolosha aadamaha dadka cilmi ahaan u darsa nabada waxaa ay yidhaahdan :

Nabaddu waa fikir saaxiibtinimo bulsho iyo wada noolaansho iyada oo aysan jirin cadaawad iyo rabshad.

Nabadu waxay dhistaa,xoojisaa oo dib u soo celisaa dhamaanba kaabayaasha dhaqaale ee qaran ama bulsho. Nabadu waa rejada qarankasta, balanqaadka siyaasi kasta iyo baaqa diinta iyo rajeyada qofkasta oo ducaysanaya.

Nabadu qiimahaas ayey ku lee dahay nolosha adamiga qofkasta oo aadami ahina wuxuu ku nool yahay rajo nabadeed.

Hadii aynu isla garaney kaalinta nabadu ku lee dahay nolosha aadamaha maxaa ay  qaar inaga mid ahi u arki la yihiin nicmadaa weyn ee Allah inagu maneystey hadii aynu reer Somaliland nahay, mee mahadnaqii Allah(swt) ee inagu galadeystey nimcadaa nabadgelyada iyo arsaaqaha kale ee uu igu maneystey.

Siyaasiin iyo Dadkale oo reer Somaliland ah baa ku dooda 29 Sano ee Somaliland Jirtey Gego cidla ah bay fadhiday ee maxaa u qabsoomey, citiraaf ma hayso  iwm

Somalidu waxay ku maahmaahdaa: wax isweydiine ma xumee wax isweydaarin baa daran

Somaliland Allah ayey ugu mahadnaqaysaa horumarka iyo nabada uu ku manaytey 29 Sanadood ee ay ka maqneyd midowgii Somaliya wax weyna wey u qabsoomeen waxaa ka mida ah arimaha u qabsoomey wakhtigaa :

  1. Nabadgelyo aan xitaa kuwa ku doodaya caalamka ayaa na citiraafsan aaney haysan,citiraafku qaran nabad ah ma dhiso balse maskaxda iyo hogaanka toosan ayaa abuura qaran nabad ah, Somaliya waxay haysataa citiraafkii Somaliya wada lahayd ee labada gobol ku midoobeen balse wax uu u taray ma jiro oo waakaa aynu aragno,in cabsida somaliya iyo ilaalinta ciidamo shisheeye oo kor u dhaafaya 25 kun oo askari ku sugan yihiin si ay u sugaan nabada muqdisho iyo hareeraheeda, Somaliland se ciidamadii qaranka Somaliland ayaa hantey nabada dalkooda oo suga dhamaanba xuduudaha qaranka Somaliland iyaga oo kaashanaya bulshada Somaliland meel kastaba iyo mar kastaba.
  2. Somaliya waxay ku jirtaa xaalad gumeysi qarsoon oo dalal badani ka dukaansadaan, halka Somaliland tahay dal xora oo aan la aqoosaneyn Somaliland sharafteeda qaranimo cidna ugama habrato halka somaliya ay jiraan ururo iyo dalal si rasmi ah ugu yeedhiya arimaha masiirka dalkooda waayo waxay ku bixiyaan dhaqaale,waxay ku caawiyeen ciidama suga nabadgelyadooda,sidaa darteed ayey u maamulaan una jiheeyaan somaliya halka Somaliland ay ka madax banaan tahay dhaqaale iyo ciidamo nabadeed oo loogu tar sheegto.
  3. Somaliland Waxa ay dhisatey dhamaan haydaha nabadgelyada ee qaran dhameystiran kuwaas oo si tayo leh u wada shaqeeya kala amar qaata,isla socda oo ku dhisan nidaamka carsiga ah ee haydaha qaran dhameystiran, halka Somaliya ay ka dhisan yihiin hayado nabadgelyo oo xitaa is maamulin ee gobol kasta lee yahay ciidamadiisa sirdoonkiisa,boliskiisa oo aan is xukumin ee mid walba gaarkiisa u shaqeenayo, oo aan lahay talisyo mideysan sidaa darteed maxay tareysaa citiraaf Ayaan haystaa afka uun ah oo aanad lahayn haybad dawlad madax banaan oo shaqeynaya.
  4. Somaliland Ciidamadeeda Qaranku waa kuwo sharaftooda,kartidooda, nidaamkooda iyo Akhlaaqdooduba ka muuqato bulshada dhexdeeda waa kuwo cudud ciidan oo qaran la aqoonsan yahay leh, waana kuwo kalsooni ka muteystey dadka Somaliyeed guud ahaan gaar ahaana dadka reer Somaliland,waxayna ilaaliyaan xuquuqda adamaha,sharafta dadka,waxay ilaaliyaan shuruucda caalamiga ah ee bila adamaha, halka Somaliya Ciidamadeeda lagu eedeyo ku tumashada xuquuqda adamaha,tacadiya bulshada iyo qorashada caruur yar yar oo la ciidameeyo eeg warbixinadii ugu dambeyey halkan: All Somali parties to the conflict commited serious abuses against children, including killings, maiming, and the recruitment and use of child soldiers.
  5. Somaliya oo dawlad la aqoonsan yahay ah kuna faaneysa ayaa tacadiya dilalka qorsheysani caadi ka yihiin waxaa ugu dambeyey 7 wiil eek a shaqeenayayey gargaarka caafimaad iyo ninkii degaankaasi ee inta ciidamo hubeysen oo wata deriska ciidamada federalka somaliya intey xaruntii ka shaqeenayeen ka afduubteen meel u dhow ku xasuuqay  sawirada inamadiina waa kuwan aan ka soo qaatey bbc.somali:

Inkasta oo aan ilaa hada cadeyn cida ka dambeysey oo Allah(swt) og yahay balse waxaa ay I soo xusuusinayaa dhaqankii ciidamadii siyaad bare sanadadii sideetamaadkii marka jabhadiihii hubeysnaa wax yeelo u geystaan ciidamadaasi waxay xasuuqi jireen dadka degaankaasi degan sida la sheegay dhacdadanina waxay ka dambeysey miino loo aasay ciidamada fedrealka ee degaankaasi marey oo ay waxyeelo ka soo gaadhey.

Somaliland waxay kaga badbaadey la soo noqoshada midowgii ficiladaasi iyo kuwo la mida,hadaba dadka maanta ku hadaaqaya Somaliland aqoonsi ma hayso ee meel cidla ah bay joogtaa,waa kuwo aan fahminba qabka dawladnimada iyo xidhiidhka caalamiga,somalilaland aqoonsi wax ka weyn bey heshay 29 sanadood oo ah qaranimadeedii oo ay la soo noqotey,nabad gelyo taama, dadkii somalilaland oo yeeshay rejo cusub walaalnimo iyo isku soo dhawaansho.ganacsi xora oo furan, waxbarasho daah furan oo kala duwan,dimoqraadiyad iyo doorashooyin,ciidamo nabadgelyo oo laysku haleyn karo,arimaas oo dhani iyo kuwo aanan xusinba waa mahad Allah (swt) loogu shugri noqo.

Dawladnimaduna aqoonsi calamiya kuma timaato balse waxay ku timaadaa dhisme dawladnimo oo ka taam gala meel ka mida degaanada caalamka oo leh dadkii,dhulkii,xuduudihii,calankii,lacagtii ,ciidamadii,garsoorkii iyo dhamaan kaabayaashii dhaqaale,bulsho,siyaasadeed arintaasi ayaa keenta danaha aqoonsiga caalamiya Somaliland maanta way haysaa intaa aqoonsiguna wuxuu ku imanayaa danaha isbedelaya ee caalamka oo aan la ma leyn Karin,balse baahida caalamku u baahan yahay Somaliland ayaa keenaysa aqoonsiga afka lagala baqayo hada waayo diplomasiyada iyo xidhiidhka caalamigu waa mid ku yimaata danaha kala duwan ee dalalka caalamka,iyo tartanka dhinacyada badan leh ee caalamka isbedelaasi waa midka maanta ku xidhay Somaliland caalamka balse hadii dadka reer Somaliland iyo dawladoodu doonayaan in ay soo dhawooto aqoonsigu waa iney isha ku hayaan arimahan:

  • Sii hagaajinta nidaamka dawliga ah
  • Dhisida qorshe dhaqaale ,caafimaad iyo bulsho oo ku wajahan higsiga dhow iyo kan fog ee Somaliland
  • Xoojinta iyo Kasbashada saaxiibadii hore iyo kuwo cusub ee caalamka
  • Hagaajinta iyo habeynta shuruucda dalka iyo garsoorka
  • La xisaabtanka xisbiyada siyaasadeed ee dalka mid muxaafida iyo mid mucaaridaba
  • Xilalka saree e muhiimka ah oo dhiibo dadka aqoonta,kartid iyo waayo aragnimada u leh daacadana ah
  • Kobcinta garaadka iyo aqoonta da yarta iyada oo laga dhisayo dhinaca wadaniyada,qaranimada iyo isdhexgalka bulshada

Nabadgelya Somaliland ma jirto wax loo dhigaa oo ka qaalisan sidaa darteed citiraafka Somaliya ay sheegato waxaa ka qiimo badan nabada iyo xoriyada ka jirta Somaliland taas ayaa keeneysa citiraafka Somaliland waayo Somaliland maanta dhulkeedu waa kuwo gacanta ugu jira cidii wax ka soo galena waxay kala xaajooneysaa Dawlada Somaliland ama ha la aqoonsanaado ama yaan la aqoonsanaane iyada ayaa ka Talisa markaa marka ay dani timaato cid kasta oo maanta ku cadaadineysa lama aqoonsana iyada yaa ugu horeyneysa in ay la xaajooto Somaliland balse inta aaney dani ka soo gelin waxa aynu ka maqli Somaliland lama aqoonsana aqoonsiga caalamku akhristoo waa danaha kala kala yeesho iyo muhiimada garkaa kugu muuqda danahaaga.

Mahadsanidin

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: