Skip to content

June 14, 2020

BADHEEDHAHA DADKA REER SOMALILAND EE WADA HADALKA JABOOUTI

by M J Farah

Somaliya iyo Somaliland waa laba dal oo walaalo ah,isku mid ah balse waayuhu kala duwan waxaa kala qaybiyey gumeystihii caalamkaba kala qaybiyey,ee dhigay xuduudaha iyo khariiradaha kala duwan ee caalamka maanta ka jira ee loo aqoon yahay kuwo rasmi ah Sidaa darteed Somaliland waxay Ilaalinaysaa xuduudaheeda ay la wadaagto Somaliya, Somaliya iyo Somaliland waxay midoobeen 1 July 1960 kii Waxayna Kala noqdeen 18 May 1991,maanta waayaha labada dal waa kala duwan yihiin waayo:-

1- Somaliya waa dal ku jira marxalada gacanta bulshada caalamka oo waxaa ilaaliya UNISOM ciidamo ka Socda ,Halka Somaliland ay nabadgelyadeeda Masuul ka yihiin Ciidamo Somalilander ah oo suga dhamaanba amaanka iyo kala dambeynta xuduudaha Somaliland

2- Somaliya Maamulka soocdimaheeda waxaa maamula xoogag kala duwan oo kala hadaf ah sida Alshabaab,dawlada federalka ah,Dawlad goboleedyada, UNISOM ,dawladaha Jaarka la ah sida kuwa Kenya iyo Etoobiya Halka Somaliland maamulka dalkeeda uu gacanta ugu jiro hayadaha dawliga ah ee Somaliland kuwaas oo leh dhamaan waxyaha saldhiga u ah dawlad madaxbanaan

3- Somaliya nabad kama jirto maalinkasta waxaa ku dhinta dad aan waxba galabsan kuwaas oo markhaati u ah in aaney nabadgelyada somaliya tahay mida ugu liidata ee aduunka madaxa banaan, halka Somaliland degaanadeedu ay yihiin kuwo nabada oo leh isla xisaabtan iyo ilaalinta nabada.

Hadaba Somaliland oo xukunta dhamaan degaanada Somaliland nabadeeduna sugan tahay weliba kaalin muuqada kaga jirta nabada geeska afrika xuduudaheeda ka adag sugta nabada jaararkeeda in Somaliya oo aan ka jirin nabadi ka taliyaan kooxo kala duwan in maanta laga hadlo midnimo waa fikir aan sax ahayn ugu yaraan waa in somaliya la soo dhisaa cid keliya ay ka talisaa ka dib laga wada hadlaa danaha labada umadood iyo dal balse dhul gubanaya oo aan dabkaa laga bakhtiin in dabkii la soo qaado oo somaliland la keeno caqligaasi ma mid caafimaad qabaa soo ma aha aan dabka sudho dhulkaaga nabada ah. Balse hadii dabkaa loo soo gudbiyo somaliland yaa ka faa’iidaya fikirka saxa ahi waa og yahay danta iyo macaashka ugu badan iney ka helayaan Al-shabaab,Qabqablayaalka dagaanka iyo dalalka dantooda ka arka dagaalada iyo kharbudaada dalalka ah waxaana guul darada ugu weyn la kulmidoona Ethoipa iyo Jabouti oo Somaliland nabadeedu kaga gudban tahay sharar badan oo aan indhaha caadiga ahi arki karin hadii aan weyneyso lagu eegin, Somaliya awalba waa gubaneysey oo dabku dab ugama duwana Somalilandna way iska moosin fidida dabka balse jabouti iyo Ethoipa ayaaney xaalkoodu noqon waxbadso wax beel bay lee dahay Sidaa darteed Badheedhaha dadka Somaliland waxaa uu yahay Dabka Xamar qabsaday halkiisa ha lagu damiyo Somaliland na halgu garabgalo adkeynta nabadeeda hagar daamadana halaga ilaaliyo hadii kale dabkaa muqdisho ka holcaya patrol ka ku sii shuba si holocu u gaadho meelo nabada oo ay ka mid yihiin dalalka jaarka ah wooyo fidmada meel ku kooban hadii la rabo in somaliland dabkeeda la sudho Allah kaga filan balse cidina ka faa’iidimeyso fidmo hor leh.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: