Skip to content

June 18, 2020

MAXAY YIHIIN DADKA UU HUGA KA TUURAY SHIRKII JABUUTI EE SOMALIYA IYO SOMALILAND?

by M J Farah

Shirka Jabuuti waxaa uu ahaa mucjisadii 2020 ee Siyaasada geeska Afrika,shirkani wuxuu ahaa mid la sugayey mudo dheer oo dad badani filayeen in maalin uun iman doono shir noociisa ah.

Shirka waxaa uu ahaa mid siyaasiintii soo qabanqaabeyey iyo dalalkii dabada ka wadey toona aaney xisaabta ku darsan   DURDURO GEEL BAA KUJABA DAMAACUNA WAA XUN YAHAY,DANTUNA WAA LAMA HURAAN!

Ugu horeyntii waxaa la bilaabay Furitaankii Shirka, nin waliba rabitaankiisii  buu ceelka keeney, Jewigii Shirka waxaa bedelay Khudbadii Madaxweynaha Somaliland oo mudo ka badan 20 daqiidadood dhegaha wufuudada qaarkood ku ahayd sawaariikhdii iyo madaafiicidii dawladii Somaliya 1988 kii ku garaaceysey maatidii iyo dadkii rayidka ahaa ee deganaa Somaliland xiligaa,raga qaar baa nidayada ka lahaa mar uun miyuu mudane Muuse bixi afka isku qabto oo uu naga dhaafo taariikhda uu runta ka sheegayo,kashifaada beesha caalamka dhexdeeda marna may fileynin,rag badan kursiga dirqi ayey ugu fadhiyeen maney rabin in ay maqlaan Somaliland xasuuqii loo geystey in lagu xisaabtamayo balse waxay la ahayd in 30 sanood ee Somaliland xorta ahayd la ilaabay.

Wejigii shirka waxaa bedelay xogtii la is xusuusiyey waxaa bedelay in Somaliland Somaliya ka go in ee ay ahaayeen laba dal oo ku midoobey si doonis ah,markii dambena ku kala baxay rabitaanka dadkii markii horaba hormoodka ka ahaa midowgu markey kala kulmeen dalkii ay la midoobeen

Tacadiyada ilaa hada xalka loo la yahay. Somaliland Abaal bay ku lee dahay dadyowga geeska afrika iyo Caalamkaba waayo:

  1. Itoobiya waxay Somaliland la lee dahay xuduud balaadhan xuduudkaas ciidamada Jamhuuriyada Somaliland baa kaga xijaaban in itoobiya nabadeeda la waxyeeleeyo,itoobiya way kaga nasatey in cadow uga soo galo dhinaca Somaliland 30 Sanoba khatarta itoobiya kaga iman lahayd waxaa kaga gudbanaa dawlada iyo Shacabka Somaliland itoobiya iyada ayaa la weydiin bal iney Somaliland abaalkaa u hayso iyo in kale
  2. Jabuutina waa la mid sida Somaliland u ilaaliso nabadgelyada itoobiya ee xuduudka ay la wadaagto Somaliland ayaa kan Jabuutina Somaliland u ilaalisaa sidaa darteed Somaliland oo nabad ah waxay dan u tahay Jabuuti iyo Itoobiyaba
  3. Somaliya iyo Somaliland xuduudka ay wadaagaan waa mid ciidamad qaranka Somaliland ilaaliyaan degenashaha xuduudka ee dhinaca Somaliya waxaa suurta geliyey ciidamada qaranka ee Somaliland inkasta oo Somaliya mar walba carqad ku tahay nabada xuduudkaasi.
  4. Bulshada caalamka nabadgelyadooda iyo danahoodaba si hagar la’aan ah ayey Somaliland u ilaalisaa waxaa beda dheer ee Somaliland ku nabadgaley isku socodka maraakiibta caalamka iskaga gooja iyaga oo aan 30 sano ee ay Somaliland jirtey aaney jirin hal Markab oo laga afduubay xeebaha balaadhan ee Somaliland iyada oo xitaa caalamku wax tar muuqda u geysan ciidamada bada ee Somaliland oo ah kuwa sida nafhurida ah u ilaaliya nabada ceebaha bada cas inta Somaliland u dhow.

Hadaba dawladaha jarka la ah Somaliland iyo kuwa caalamkaba waxaa ku haboon iney abaalka Somaliland ku lee dahay qirsanaadaan kuna dadaalaan wax la qabadka iyo taageerada qarankan Somaliland oo muujiyey dadal badan.

Tan kale shirkaasi Jabuuti ee todobkan ka socday jabuuti wuxuu huga ka tuurey kuwo badan oo markii horeba aan rabin in xal loo helo mushaakilka somaliya iyo Somaliland kuwaasi oo aad borortooda baraha bulshada ku badan yahay sida ay dadka qaarkii qabaan dadkaa uu shirku qaawiyey waa kuwo iskugu jira :

  • Dambiilayaashii xasuuqa u geystey shacabka Somaliland 1988
  • Kuwii dilaalinta ka ahaa qadiyada Somaliya iyo Somaliland ee ka ganacsada dhiiga shacbigooda somaliya iyo Somaliland ba oo aan rabin in xal laga gaadho arimahan
  • Dad aan fahsaneynba arimaha laysku hayo balse qabyaalidi madax martey iwm.
Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: