Skip to content

June 19, 2020

CHINAHA WAXAA LA GUDBOON INAY JOOJIYAAN TACADIYA AY KU HAYAAN DADKOODA MUSLIMKA AH

by M J Farah

Inkasta oo ay suurta gal tahay in aadnay dawlada Chinahu aaminsanin muhiimada diinta Allah(swt) u leedahay guud ahaanba nolosha adamaha,oo Chinahu mabda ahaan yahay dawlad shuuci ah hadana waxaa dhamaan mabadiida caalamku isku waafaqsan tahay in adamigu xor u ahaado fikirkiisa,diintiisa iyo waxaa uu aaminsan yahay,sidaa darteed Chinaha waxaa la gudboon in uu horiyada diimaha tixgeliyo gaar ahaan dhibaatada baahsan ee uu ku hayo dadka Muslimiinta ah ee Chinaha gaar ahaan kuwa dalkaas ee loo yaqaan Uighurs.

Dad badani waxay Aminsan yihiin in xanuunkan COVID-19 uu yahay digniin Allah oo kuwajahan Xusuusinta Adamaha in ay Cadaalada ilaaliyaan oo aaney ku xadgudbin xuquuqda dadka kale ay u lee yihiin fikirkooda diineed sidaa darteed waxaa ka dhalandoona ciqaabo waaweyn hadii dad lagula kaco dulmi iyo takoorid waxaa uu doono ha aminsanadeed waayo qofka aminaanta fikiriga ah isaga iyo Allah abuuray ayey u dhaxaysaa oo waa xisaab shaqsiyadeed, ma aha mid u taala dawlad iyo cid kale toona sidaa darteed dawlada China waxaa la gudboon inay cadaadiska,dhibta iyo takoorka ka qaado qayaha dadkeeda ka mida ee ay u sameysatey xeryaha lagu ciqaabo dadkeedana u cadaaladsameyso, qof aan dambi kale gelina in lagu bartilmaameedsado waa Muslin waa xaqdaro weyn oo laga galey dadka muslin ka ah iyo xoriyada adamaha.

QM (UN) ayaa qiyaasta in inka badan hal milyan oo muslimiin ah ay ku xabisan yihiin xirooyin ku yaalla gobolka Xinjiang.

Mareykanka ayaa noqday dawladii ugu horeysey ee cunaqabateen ku soo rogta dalka chinaha arin la xidhiidha Musliminta dalkaasi ee lagu hayo xadgudubyada balse caalamka intiisa kale waxay ka daawanayaan daaqadaha,waxaa loo bahay yahay in dawlada china ay ka qaado takoorka ay ku hayso dadkeeda Muslimiinta ah ee iyaga oo dambi gelin lagu dhibaateenayo maxaa Allah ugu hogaansantihiin,Aduunka cidna cidkale kama tirtiri karto aan ahayn Allah doonistiina sidaa darteed adamaha waxaa la gudboon in ay qolowalba fikirkooda loo daayo oo diintooda si kor ah u haystaan diinta Islamkuna waa diin nabadeed oo ogol in shucuubtu kuwada nolaato sinaan,cadaalad iyo isjacayl sidaa darteed chinaha waxaa la gudboon in uu dadkaasi ilaaliyo xuquuqdooda, ma muuqato dhibaato ay dadka muslimiinta ah ee shiinuhu ku hayaan dadka kale ee shiinaha iyo dawladaba balse waa baqdin uu shiinuhu ka qabo diinta islamka sidaa darteed shinahu intii uu cabsi aan jirin iyo nacab shaki ku dhisan u cadaadin lahaa dadka muslinka ah ee dalkiisa waxaa haboon in uu caadi u arko waayo kumanaansanadood ayey dadkani Muslin ahaayeen dhibna kuma hayaan chinaha.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: