Skip to content

June 23, 2020

DAWLADA SOMALIYA JAWAAB MA U HAYSAA HADALKA TRUMP ANIGU WAAN U HELAYE?

by M J Farah

Madaxweynaha Mareykanku wuxuu si aan gabasho lahayn u weeraray Dawladnimada Somaliya isaga oo u soo marey hadal duurxul ah oo uu ku soo halqabsadey gabadh maraeykan Somali ah oo La yidhaa Ilhan Omar kana tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ah ee Mareykanka arintani waxay lee dahay laba weji midi waa wajiga Mareykanka iyo dadkiisa ka dhexeeya ee Ilhan iyo Siyaasada Mareykanka taas Mr. Trump waa uu ku qaldan yahay in uu xidhiidh ka dhexeysiiyo arimaha Somaliya ka taagan iyo gabadh Mareykan ah oo dalkeeda maraykanka u shaqayneysa waana arin aad u qaldan shakhsi ahaana waan cambaareynayaa in madaxweyne Mareykan ahi muujiyo nacabka uu u qabo qaybo ka mida bulshadiisa isaga oo ku shaabadeynaya wax aaney geyin kuna dhisan cunsuriday iyo nacab salka ku haya isir.

Arinta Labaad waa arinta uu Madaxweyne Trump uu ku soo gunaanadey in Somaliya ay tahay Meel fowdo ah oo aaney Dawlad,police, nabadgelyo midna aaney ka Jirin arintaa Jawaabteedu maxay u taalaa dawlada Somaliya.

Balse Madaxweyne Trump waxaa su’aalayaa dhowr arimood:

1- Somaliya waxaa ka koobney laba dal oo isku tigey 1 July 1960 waxaana la kala odhan jirey: British Somaliland oo xorowdey 26 June 1960 iyo Italiya Somaliiya oo Xorowdey 1 July 1960 labadaa dal waxay mar labaad kala noqdeen 28 May 1991 ilaa maanta waa laba dal oo kala maqan

Somaliya adaga ayaa afkaga ka sheegay in aanay dawladi ka jirin,nabadi ka jirin,booliis lahayn oo ay fowda uun tahay waxaanuna og nahay in aad Somaliland oo nabad leh police leh dumuqraadiyad iyo xisbiyo badan leh aanad maalina afkaga xitaa ku xusin weliba aad bishan bilowgeedii aad shirkii Jabuuti aad daba ka riixeysey oo aad Somaliya la safney oo aad lahayd waa in Somaliland la heshiisaa, waxaa kale oo aanu ognahay dhaqaalaha aad ku bixiso dhismaha Somaliya adiga oo Somaliland na marwalba ku caadinaya inay Somaliya la heshiiso hadaba su’aasheydu waxay tahay ma waxaad rabtaa meel(Somaliya) aad adiguba aaminsan tahay in aaney dawladi ka jirin in aad somaliland cadaadis ku saartid si ay ula mid noqoto Somaliya taas oo la mid ah (100X0 =0) ?

2- Somaliland maxaad ka Aaminsan tahay Xasuuqii ka dhacay wakhtigii dawladii Somaliya ee , oo weliba dhaalaha lagu xasuuqay hubka iyo taakuleyntaba loo tirinayo in dalka mareykanku gacan weyn ku lahaa?

3- Mareykanku muxuu ugu cadaadinayaa Somaliland in aaney ayaheeda ka tashan oo shacbiga Somaliland oo in ka badan 96 % u codeeyey in ay gobanimadoodii soo ceshadaan kana baxaan midowgii Somaliya ?

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Mareykanka Mr. Trump waxaa la gudboon in uu dib u eegis ku sameeyo Siyaasada mareykanka ee ku aadan Somaliya gaar ahaan Somaliland oo ah qaran dhameystirtay hanaanka dawlad wanaaga iyo dimoqraadiyada geeska Afrika iyada oo ku dadaashay sugida abniga mandaqada iyo kan caalamka ee siyaasada bada cas sidaa darteed mareykanka intaan fursada saaxiibtinimo ee Somaliland cid kale uga horeyn miyaanay ahayn in uu xaqiiqada wajaho oo uu xidhiidhka Somaliland iyo mareykanka wanaajiyo hadii kale somaliland oo in badan samreysey waxay sameysan doontaa Saaxiibo kale oo wax la qabta taageerana waxaan ku soo gabababeenayaa A Somali proverb says “If you don’t know what will come of future, you don’t know what is going on now”.

Mahadsanidin

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: