Skip to content

June 24, 2020

WAANU KU KALSOONAHAY MORWO EDNA ADAN IYO MADAXDA SOMALILAND EE KA QAYBGALEY WADAHADALAD

by M J Farah

Waxaa aad moodaa in Cadawga Somaliland iyo kuwa aan ku faraxsaneyn horumarka somaliland in ay dacaayado aan qiimo lahayn miciinsanayaan si ay u majaro habaabiyaan horumarka iyo guusha wada hadalada Somaliland ka soo hoosay shirkii Jabuuti ee bishan June 2020.

Dadku waa dhawr qaybood dad fahansan sida ay wax u socdaan iyo kuwo aan si fiican ula socon herarka diblumaasiyadeed ee qaybaha wada hadalada hadaba wadahadaladii ugu dambeyey waa kuwo ay somaliland ku cadeysay mufqifkeeda inuu yahay laba dal oo Jaar ah oo is kaashada hadii ay somaliya diyaar u tahay.

Hadaba kolba sheeko gaaban oo laga dabakeenaa waxay muujinaysaa in kuwii ku hungoobay rabitaankooda ama danahooda gaarka ahi iney kolba meel daasad ka tumayaan lagu kicinayo dadka aan fahmin ujeedada ka dambeysa wararkan laga dabakeenayo iyo sheekooyinkan aan ka soconeyn,sida warar lagu kalsoon yahay tibaaxayaan dad dano kala duwan leh ayaa markey arkey guusha qadiyada Somaliland kabanka meel kale ka garaacay balse Marwo Edna Adan ayaa inoo faahfaahisay wixii ay arimuhu ahaayeen inagana waxaa inala gudboon in aynu ku kalsoonano madaxdena inooga wakiilka ah wada hadalada oo aynu u muujino taageero tan kale Somaliland maanta ma looga baqayo iney majaraheeda ka weecato waayo dadka reer Somaliland ayaa raba sidaasi iney ku ahaadaan dalkooda iyo qaranimadooda mid aan gorgortan gelin waana rabitaanka saxa ah.

Somaliyana Madaxweynaha mareykanka Mr. Trump ayaa sheegay waxa uu u arko sidaa darteed Somaliya waxaa la gudboon in ay Trump u jawaabaan inta ay ku mushquulayaan Somaliland iney dab geliyaan oo dadkeeda iska horkeenaan, dadka reer Somaliland kuma mashquulsana dibindaabyada Somaliya balse taariikhda ayaa sheegi doonta Somaliya siyaasiinteedu waxay ka rabaan Somaliland!.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: