Skip to content

July 1, 2020

1 July 1960 Maalintii Qaladkii Qaldaamiinta Miyey Tahay?

by M J Farah
Flag of British Somaliland
British flag Somaliland
Flag of Italian Somaliland
Italian flag Somalila

Sanadkii 1960 kii wuxuu qaarada Afrika u ahaa xilgii baraaruga ee ay gumeystayaashii gumeysan jirey qaaradu bixinayeen madaxbanaanida qaarada waana sansaankii sanadadii xoriyada ee qaarada Afrika taas oo sanadadii 60 meeyadii bilowgiisii ilaa badhtamahiisii dalal badan oo Afrikan ahi  xoriyadoodii qaateen.

Somaliya iyo Somaliland na waxay qaab ka ahaayeen dalalkaa xoroobey sanadkii 1960.

Taariikhda dib marka loo raaco Somaliya iyo Somaliland waxaa kala gumeysanayey laba dal oo ka tirsan qaarada reer yurub Talaaniga oo Somaliya gumeysanayey iyo UK oo Somaliland  ah.

Taariikhdu waxay xustaa in qaabka uu gumeysigu ku soo galey labada dal ay kala duwanaayeen dhinaca Somaliya Gumeysigii Talyaanigu wuxuu ku soo galey qaab laga wada hadal oo qasab iyo xoog ah.

Dhinaca kale Somaliland Engiriisku wuxuu ku soo galey heshiis uu la galey madaxdii( Cuqaashii) talada deegaankaas heysay ee reer Somaliland heshiiskaasi oo labada dhinac kala qorteen.

Halkaasi waxaad ka garan gartaa farqiga u dheexeyey xitaa gumeysigii labada dal, kaas oo ku tusinaya Somaliya iyo Somaliland in farqi u dhaxeeyey qaabkii loo gumeysanayey.

Markii la soo gaadhay waayihii xoriyada ee labada dal waxaa 26 June 1960 kii Xoriyadoodii qaatey Somaliland waxaana aqoonsi dawladnimo siiyey 35 dal oo caalamka ka mida oo ay ugu horeeyeen USA,UK iyo China .

1 July 1960 ayaa iyaduna Xoriyada qaadatey Somaliya ila markaana Dawladii Somaliland isku dhiibtey Qarankii cusbaa ee Somaliya si aan shuruudi ku jirin,

Halkaana waxaa ku tasawdey qaranimadii Somaliland, ma hubo xidhiidhka ka dhexeeya naaneysta dadka reer waqooyiga loogu yeedho ee Qaldaamiinta iyo 1 July 1960 balse waxaa aan u maleenayaa hadaney ahaydba xoriyadii 26 June 1960 kii ee sida qaldan loogu hibeyey Somalida Konfureed in ay tahay uun arin ka ag dhow balse dadka maqalkan akhrisandoona Ayaan u dhaafayaa jawabta su’aasha ah 1 July 1960 iyo Naaceysta Qaldaaminta ee reer konfureedku ugu yeedhan reer waqooyiga xidhiidhka ka dhexeeya. Hadii taasi run noqotana Malaga yaabaa in reer waqooyigu markale xoriyadooda u sadqeeyaan hadii ay taasi dhacdana waa maxay naaneysta labaad ee reer konfureedku ku dhijindoonaa reer waqooyiyaga(Somaliland) waxaa oo dhan taariikhda Ayaan u dhaafayaa hadii Allah idmo.

Mahadsanidin

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: