Skip to content

September 6, 2020

URURKA UMAD WAA MID KUDAYASHO MUDAN

by M J Farah
XAFLADII UMAD SOMALILAND EE 31/08/20 BACADO HOTEL

Ururada samafalka ee Somaliland ka jiraa waa kuwo aad u tiro badan marka aynu ka hadleyno kuwa ay ku bahoobeen xubno somalinder ah ( local NGOs ), hadii aynu isku dayno in aynu yara sharaxno macnaha aynu uga jeedno local NGOs waxaa aynu odhan karnaa NGOs ka muxaliga ahi waa kuwo inta badan daneeya arimaho khaas ah oo muxaliya ah ama qaybo la xidhiidha degaano bed juqraafiyadeed oo cayiman kuwaas oo noqon kara kuwo muxaliya ama qaran (local or national ).

Ururada Samafalka ee muxaliga ama qaran waa awood muhiima oo ay ku tiirsan yihiin dadka degaankaasi ama qarankaasi ee u baahan in laga taageero dhibaatooyinka ka jira degaankaasi, ururadani waxay lee yihiin xubno ka mida ururadan oo isha ku haya dhibaatooyinka iyo dhacdooyinka u baahan in laga caawiyo dadka degaanka ama qarankaba.

Hadii aan intaa kaga baxo sharaxada kooban ee NGOs ka aan u soo noqdo ujeeda qoraalkaygan kooban ee ku Saabsan Ururka Samafalka ee UMAD oo xaruntiisa weyni tahay Magaalada hargeysa ee Jamhuuriyada Somaliland balse ah urur samafal oo caalamka oo dhan ku leh laamo iyo tageerayaal ba.

Ururka UMAD oo ah mid samafal meelaha ugu waaweyn ee uu xooga saarey ama uu bulshada ka caawiyo waxaa ka mid ah:

a) Waxbarashada oo uu xitaa bixiyo deeqo waxbarasho (Scholarships) heer Jaamicadeed, waxay kale oo meelaha dugsiyada hoose,dhexe iyo sareba ka jirin ka sameeyeen dugsiyo.

b) Waxay kale oo ay qaybo muhiima ka qaataan taakuleynta dadka dhibaateysan sida dadka xanuunsanaya,kuwo dhaqaalahoodu liito,kuwa ay masiibooyinka dabeeciga ahi haleelaan iwm.

Ururkan oo ah urur Samafal waa urur isku duuban oo naftooda u huray iney si fiican oo heer sare ah uga qayb qaataan horumarka bulshadooda dhinayo badan .

Aniga oo jecel in aan madaxda ururka ku soo casuumo hogaanka media si ay inooga waramaan ururka iyo hawlihiisa ayaan jecleystay in aan aragtidayda ka dhiibto sida aan u arko ururkan oo ah kuwo ka jira Somaliland kuwa ugu wax qabad badan uguna maamul wanaagsan.

Ugu dambeyntii waxaa aan aad ugu mahadnaqayaa madaxda ururka UMAD ee Somaliland xafladii soo dhaweynta ah ee u sameeyeen qurba jooga UMAD oo ay anigana igu soo martiqaadeen.

Waxaan aan UMAD organisation u rajeynayaa guul iyo isku duubni halkaa ka sii wada dadaalka iyo naf -hurnimada .

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: