Skip to content

September 21, 2020

Somaliya Jirtaa Ma jirtee Budhcad baa Xamar Iskugu tagtey

by M J Farah

Sida laga warqabo Muqdisho waxay noqotey meel bahalo galeen ah oo maalin walba tacadiyada dadkii Somaliyeed ee daganaa kufsi,dil iyo dhac badheedha lagu hayo taas oo dawladla’aantu sabab u tahay caalamkuna ay dhoodhoobayaan budhcad aan diirnaxa lahay oo magaca umada somaliyeed ku shaqeysanaya lugooyo uun ku haya shacabka somaliyeed ee konfurta bal ila eeg warkii ugu dambeyey inan shaqeysanayey oo si badheedha loogu toogtey muqdisho halkan ka daawo:

Dhanka kale Budhcadu hada waxay Somaliland oo Xaqiijisay nabada iyo kala dambeynta dadkeeda iyo dalkeeda ayey rabaan iney cudurada ay fidinayaan ee fawdadu kow ka tahay ku soo fidiyaan doorasho xamar lagu qabanayo oo Somaliland dadkeeda damiirka lihi ka qabgalayaan ma jiraan .

Somaliland waa dal madaxbanaan oo Maamulaha dhamaan dalkiisa iyo dadkiisa sidaa darteed caalamka waxaa la gudboon iney budhcada muqdisho joogta ee dadkoodii iyo dalkoodiiba dayacay runta u sheegaan ugana digaan iney soo farageliyaan arimaha gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland.

Sidoo kale Shacbiga Somaliland waxaa la gudboon iney Dawladooda is garabtaagaan oo meel looga soo wada jeesto waxkasta oo madaxbanaanida qaranka cadow ku ah.

Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ayaa Warkan ka Soo saartey Xaalada hada ee Kooxda muqdisho afka ka sheeganayaan dal horumarey iyo dad tashadey oo qarannimo buuxda hatysta.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: