Skip to content

October 26, 2020

HAMBALYO CIIDAMADA BOLISKA SOMALILAND

by M J Farah

Ciidamada kala duwan ee Somaliland hawlo wax ku ool ah ayey u hayaan guud ahaan qaranka Somaliland. Waxaa looga baahan yahay Siyaasiinta,Ganacsatada,dadweynaha in la isku kaashado sidii ciidamada gacan loogu siin lahaa hawlahaa ay inoo hayaan,waa in kor loo qaadaa noloshooda,aqoontooda, guriyo qiimo jaban loo dhisaa. Waynu og nahay duruufaha adag ee ku hareereysan,balse waxay ku amaanan yihiin kaalinta ay ka geystaan nabadgelyada,ilaalinta dhaqaalaha,difaaca qaranimada.hogaanka.org waxa uu hambalyo u dirayaa ciidamada booliska Somaaliland oo ku guuleystey in gacanta ku dhigaan lacag ka badan hal milyan oo dollar fake ah,si loogu dhaco hantidada dadka reer Somaliland khalkhalna lagu geliyo nidaamka maliyadeed ee shacabka iyo qaranba. Dadka iyo dawlada Somalilandba waxaa la gudboon in isha ku hayaan hagardaamooyinka loo soo maleegayo.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: