Skip to content

November 13, 2020

Waa Maan Guraxan Gacmo hoorsi Iyo Gunimo u Badheedh

by M J Farah

Gacal iyo Tolow Ma Gudoonsateen Baahida gudban ee gurigeena Taal inaga oo ka Guban…..

Proff Cabdi Samatar Oo Ka Hadlay Dagaalka Siyaasadeed Ee Xamar Kaga Socda Dadka Somaliland Ka Soo Jeeda

Hargeysa(HWN):-Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyannada reer Somaliland ee aaminsan Mabda’a Soomaali-weyn ayaa markii ugu horraysay Rejo-xumo ka muujiyey midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya, taasi oo hore u aaminsanaa, balse wuxuu sheegay in hab-dhaqanka Dawladda Soomaaliya uu arrintaa khatar ku yahay.

Waraysi xiiso leh Prof. Abdi Samatar iyo Abdiaar abdi - YouTube

Cabdi Ismaaciil Samatar oo lagu waraystay Dalka Maraykanka oo uu deggan yahay ayaa Tusaale u soo qaatay Khilaaf ku saabsan soo Xulidda Dadka Magaca Somaliland kaga qayb-galaya Doorashada Baarlamaanka oo dhex taagan Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdillaahi, kaasi oo gaadhay inay Warbaahinta isku adeegsadaan.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Toddobaadkii hore sheegay in Sharci ahaan uu Baarlamaanka hadda joogaa xaq u leeyahay inuu soo dhiso guddiga soo xulaysa Xubnaha Baarlamaanka ka qayb-galaya, balse taa waxa ka hor yimid Raysal-wasaare ku-xigeenka oo Somaliland ka soo jeeda.

Samatar oo arrimahaa daba socda ayaa yidhi “Meeshan waxa ka socda Kufsi siyaasadeed, Qarankii Soomaaliyeed iyo Gobolkii Waqooyi (Somaliland) waalla kufsanayaa, waxa jira Dad Reer Waqooyi ah oo aan Xamar ka tagin illaa Burburkii oo uu Cabdi Xaashi ka mid yahay (Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya). Dadka Xamar deggan haddaad waydiiso Cabdi Xaashi, waxay ku odhanayaan Qof Daacad ah oo Dawladda ku jira Cabdi baa kow ka ah, Cabdina waalla dhegaysan la’yahay, halka Raysal-wasaaruhu ka soo qorayo (Raysal-wasaare ku-xigeenku) inuu Cabdi qoro ayay ahayd (Xildhibaannada Somaliland ka soo jeeda ee Baarlamaanka gelaya ayay ahayd), waxay ahayd in la yidhaahdo Cabdiyoow Dadka Waqooyi ka soo jeeda ee la soo doortay adigaa ugu sarreeya ee ka tali, laakiin in isaga Warqad loo keeno oo la yidhaahdo waad ku tolan tahay (Khasban tahay) Tan (Waa khalad).”

Prof. Samatar waxa kale oo uu sheegay “Reer Waqooyi hoos baa la isaga wada dhigayaa, waxa loo yeedhanayaa Dad kale oo la carbistay, kii hadal karayana waalla xoogayaa, markaa Dantii Waqooyi Xamar baa lagu kufsanayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Milletarigii baa na gumaaday, Maantana Lacag iyo Xoog baa la nagu gumaadayaa, markaa waxaan la qabaa inay ka hor-yimaaddaan oo ay yidhaahdaan waxani Midnimada iyo Islaamnimada ma qaban karayaan..”

BEEN RAAD MA LEH WAXAA AAN MATALNAA SOMALILAND XAMAR AYAA LANAGU DOORANAYAA WAXAY MACNAHEEDU TAHAY 500 EE QOF EE KU NOOL KONFURTA SOMALIYA AYAANU WAKIIL KA NAHAY ARINTAA KU DOODA REER KONFUREEDKU HADEY IDINKA AQBALAAN WAA LAGA YAABAA BALSE FARMAAJO AYAANU COD AAN JIRIN KU SOO SAAREYNAA WAA HADII SHACABKA KOONFUREED IDINKA YEELAAN.

KHADAR ISAGA AYAA INOO SHEEGEY IN AY TAHAY MAAN GURACAN IYO GARASHO JAAN FIKIRKA AH DOOROSHO AYAA SOMALILAND LOOGU QABANAYAA MAGAALADA MUQDISHO WAANA WAX LAGU QOSLO BEENTA AAN CAQLIGA IYO CILMIGA KU DHISNEYN. BALSE SU’AASHA DAD BADANI ISWEYDIINAYAAN WAXAY TAHAY DALALKA DIMOQRAADIYADA TAAGEERAA MAXAY QIIL U HAYAAN DHACDADAN UGUBKA KU AH TAARIIKHDA DUNIDA CASRIGA AH !!!!

Read more from Articles, Uncategorized

Comments are closed.

%d bloggers like this: