MIYAA LA ILOOBEY ABWAAN MAXAMED IBRAHIM WARSAME (HADRAAWI)?

Hadraawi – Somali Arts Advocacy Reform Organization | SAARO

Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) waa halyey Somaliyeed oo abaalweyn ku leh Somaliweyn dhamaanteed, Waa shaqsiyad taariikheed waana abwaan Somaliyeed wuxuu ka mid yahay haldoorka Somaliyeed eek u suntan taariikhda fanka suugaanta iyo Siyaasada Somaliyeed.

Waxaa uu hormood ka ahaa xornimadii iyo dib u soo celintii xukunkii dadweynaha Somaaliyeed(Somali democray), iyo tan Somaliland.

Marka ugu horeysa waxaan Allah (swt) uga baryayaa in uu Caafimaad  dhameystiran siiyo Amin yaa Rabi.

Arinta labaad waxaa ay tahay waxaa ceeb ku ah dadka iyo dawlada Somaliland in aan bulshada lala socodsiin xaalada caafimaad ee Hadraawi, waxaa loo bahan yahay in si degdega hadraawi xaaladiisa caafimaad bulshada war sugan laga siiyo waxaa beryahan dambe baraha bulshada ku arkeysaa fariimo been ah oo la lee yahay hadraawi waxaa uu fariin u dirtey Farmaajo si dhakhtar dabeda ah loogu qaado waan hubaa in ay dacaayad tahay warkaasi.

Balse waxaa muuqata in haldoorkeena dawladu mudnaanta siineyn,markey qaranka u baahdaan.

Ma waxaynu nahay bulsho aan abaal lahayn oo aan ilaashaneenin haldoorkooda waxaa baaq u dirayaa Madaxweynaha Somaliland,hogaamiyaasha xisbiyada,ganacsatada iyo waxgaradka kaleba in la isbarbartaago Hadraawi iyo haldoorka kale ee wadankooda jecel abaalkana gashadey.

Ma hubo in la isberbertagey Mudane Hadraawi balse waxaanu rabnaa in xaqiiqda xaaladiisa ogaano si loo ogaado waxa uu ku sugan yahay si beenta iyo dacaayadaha raqiiska ah ee laga faafinayo loo suuliyo.

Waad mahadsantiin dhamaantiin